Monday, April 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Ha.ayda UNICEF

Published on March 17, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Mr. Steven Lauwerier oo ka socda hay’adda UNICEF oo uu wehelinaayo Yahaya Balima oo ah madaxa xafiiska Unicef ee Somaliland.

54192466_2077980535649122_1490441075771310080_o

Safarka uu Steven Lauwerier ku yimid Somaliland ayaa ah indho indhaynta hawlaha ay UNICEF ka wado gudaha Somaliland sida ay u socdaan iyo halka ay marayaan, madaama oo wakhtigii loo magacaabay xilkani uu yahay gabaabsi dhawaana laga bedeli doono xafiiska Unicef ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ugu magacawnaa Mr Steven.

54346775_2077980172315825_9217933706314907648_o

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha samafal ee hay’adda UNICEF ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaguna uu ugu sii wareejin lahaa cida ka bedeli doonta xafiiska.

54258355_2077980152315827_820602610556862464_o

Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaasi ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland. Maxamed Cali Bile iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay, Maxamed Warsame Ducaale.

54372196_2077980275649148_5701462394157400064_o 54258355_2077980152315827_820602610556862464_o 54727358_2077980298982479_1650814896905912320_o 54518724_2077980128982496_2665024514223505408_o

 
,, ,,,.