Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Waxa caawa 12ka Habeenimo mudo xileedkooguu dhamaanayaa dhamaan golayaasha deeganka ee Somaliland

Published on March 29, 2019 by   ·   No Comments

Dhamaan golayaasha deeganka dalka oo dhan ayaa aad looga daayrinayey mudadii ay fadhiyeen dhinaca waxqabadka iyo musuqmaasaqa marka laga reebo maayerka magaalada Berbera oo labadii sano ee u danbeeyey waxqabad aad u balaadhan muujiyey.

Tan iyo intii mudo kordhinta loo sameeyay labada gole ee kale sida golaha wakiilada iyo golaha guurtida waxa la hadalhayey in uu madaxweynahu qorsheynayo inuu kala diro golayaasha deegaanka markuu mudo xiloodkoogu dhamaado maadama oo aan ku soo darin mudo kordhintii sedexda gole hal mar loo wada samayn jirey.

Dadka ayaa aad ugu dhegtaagayaa in maalinta sabtida ee 30ka bisha uu madaxweynahu soo saaridoono warsaxaafadeed lagu sheego in dhamaan golayaashii deegaanka la kala diray, magaalo kastana uu u soo magacaabay mayer iyo xoghaye xilka sii haya inta doorasho dalkan ka dhacayo dabayaqada sanadkan ama ilaa badhtamaha sanadka danbe.

 
,, ,,,.