Monday, April 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Booliska Somaliland oo nin Curyaan ah ku xidhay adoo maraykan ka yimid sideed curyaan u noqon kartaa

Published on April 9, 2019 by   ·   No Comments

Akhri qisadan xanuunka badan. waa nin curyaan ah oo lagu xidhay Somaliland gaar ahaan degmada Caynabo.    Adoo Maraykan ka yimid sideed curyaan u noqon kartaa, maxaa cago laguugu soo samayn waayey,  Waxa sidaa muwaadinkaas curyaanka ah ku yidhi taliyaha booliska ee gobolka Saraar Gashaanle Dhexe Xasan Ismacil Yusuf – Gamca Yare. Waxanu markiiba amar ku bixiyey in la xidho.

Maxamed Yusuf waa nin dhalinyaro ah oo curyaan ah kuna socda baaskiilka curyaamiinta waxaanu ka yimid dalka Maraykanka waxaanu booqasho ugu baxay inuu soo arko gobolada bariga ee dalk.  Hadaba Maxamed isagoo sharaxaya dhibtaas iyo hadidaadaas iyo xadhigii lagula kacay wuxuu yidhi:

myusuf

 

Markii Degmada Caynabo lanugu xidhay aniga iyo asxaabtii ila socoty.  Taliyihii saldhiga haystay ayaa suaalo na weydiiyey intuu saf na galiyey

Qof kasta suaal ayuu weydiinayey  Taliyahu  ay ka mid tahay  ma qurbejoog ayad tahay iyo dalkee ka timid.

Dhawr dhalinyaradii iga horaysay ayaa sualahaa la weydiiyey.

Hadaba maxaa dhacay markii aniga la i soo gadhay:

Su,aashii oo kale ayuu taliyahu  i weydiiyey

Suaal taliyaha : Ma qurbe joog baad tahay adna

Jawaab aniga : Haa

Suaaal taliyaha : wadankee ayaad ka timid

Jawab aniga : America

Taliyahii ayaa aad u qayliyey, bal beenta uu sheegayo eega, ma curyaan ayaa America ka yimaada, war madaa america ka yimid

Jawaab aniga  oo  naxay: Haa,  waayo curyan America kama iman karo miyaa ayaan weydiiyey taliyahii

Taliyihii : Hadaad America ka iman lahayd Lugahaa laguu hagaajin lahaa ee been ayad shegaysaa

Jawaab Aniga : Taliya istaafurullah dheh, Ilahay ayaa lugaha bixiya ee maraykan ma bixiyo,  adiga iyo anigaba ilahay ayaa ina abuuray

Taliyihii : Xidha beenalaha xun oo baadha

Markiiba waa la  iqabtay oo qol ayaa lay galiyey waana lay badhay, Ilaa sharcigi america tuso muu rumaysan inan america ka timid.

Dhibane Maxamed Yusuf isagoo hadlkiisii sii wata wuxuu yidhi, Ninka taliyihii lagu sheegayo waxa u aminsan yahay in maraykan lugaha ay sameeyan oo qof curyaan ahiba jiirin

myusuf1 caynabo

 

 
,, ,,,.