Monday, December 16th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ololahii (Petition) ka Qurbojooga Somaliland Saxeexayeen ee ka dhanka ahaa BBC Somali oo Xawli sare ku socda iyadoo 24kii Sacaadood ee u horeyay ay sexeexeen 2 kun oo qof oo kala jooga 47 wadan.

Published on June 3, 2019 by   ·   No Comments

Sida aan ka wada war qabno Idaacada BBC du waxay had iyo jeer cadaysataa siina libinlaabtaa dagaalka xaga saxaafada ah ee ay ku hayso Jamhuuriyada Somaliland.  Waxay had iyo jeer buunbuunisaa wararka aan sal iyo raadka toona lahayn ama aan sidaas u sii weynayn.  Idaacadu iyadoo mariii horeba iska daalaa dhacaysay, waxay ka sii dartay intii loo wareejiyey dalka Kenya  magaaladisa Nayroobi oo ay isku bedeshay qayb ka mid ah Radio muqdisho.   Hadaba qurbojooga Somaliland ee aduunka dacaladiisa ku sugan ayaa bilaabay olole(Petition) Dacawad loogu gudbinayo Qaybta ay BBC Somali hoos timaado ee BBC World Service.

bbc

Halkan Click Garee si aad u saxeexdid

Petition kan oo bilaamay 1 June ayaa mudo 24 saacadood gudaheed ah 1-2 June oo ku faafay qurbojooga Somaliland iyagoo ay mudadaas gaaban ka qaybqaateen oo ay saxeexeen  laba kun oo qof oo kala jooga 47 dal oo kala ah.  Waxa iyaguna Facebook ku sii shared gareyay 3156 qof,  waxa akhriyey 16881 qof.

UK,  Somaliland,  Somalia(Mogadishu & Bosaaso),  Finland, Turkey, Malaysia, Belgium, Djibouti, Norway, Saudi Arabia, France, USA, Qatar, Sweden, Canada, South Korea, Rwanda, Ireland, Kenya, Denmark, Austria, Switzerland, New Zealand, UAE, South Africa, Ethiopa, Uganda, Kuwait, Australia, Holland, Egypt, Oman, Tunisia, India, Germany, Bangaldesh, Indonesia, Romania, Bulgaria, Pakistan, Angola, Iraq, Sudan, South Sudan, Cyprus iyo China.

Weli  ololahan Petition ka ayaa si xawli ah u socoda.  Hadii aanad weli saxeexin waxaan kaa codsanaynaa inaad saxeexdid.    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid

 

 
,, ,,,.