Tuesday, June 25th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

BBC-Somali Oo Iska Indho tirtey Warkii Wasiirka Horumarinta Caalaamiga hadalkii uu u jeediyey baarlamnka ee ku qeexay in Somaliland tahay ”Mucjiso ku dhex taalla badweyn dhib badan”.

Published on June 10, 2019 by   ·   No Comments

Somalilandeye (London)- Idaacada BBC-Somali oo beryahanba wadey borobagaandho ka dhan ah Jamhuuriyada Somaliland, ayaan haba yaraatee soo hadal qaadin hadal qiimo badan oo uu Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK Md Rory Stewar kaga jawaabay su’aallo lagu weydiiyey aqalka Baarlamaanka ee Boqortooyada Ingiriiskat, kaasi badiba saxaafada Afka-Somaliga ku hadashaa soo xigatey. Wasiirka ayaa Somaliland ku sifeeyey mar uu u jawaabayey Mudane Baarlamaanka UK ka tirsan oo laga soo doorto magaalo madaxda Wales ee Cardiff “Mucjiso ku dhex taalla badweyn dhib badan”.

Rory

bbc

Halkan Click Garee si aad u saxeexdid

Idaacadan BBC-da Laanteeda Afka-Somaliga ayaan inta badan aan qorin wararka togan ee laga sheego Somaliland, halka ay ka raadiyeen kuwa taban ee Somaliland, intan danbana waxay u muuqataa inay qorta uun warar taban oo iyagu inta badan raadsadaan si ay ugu qaloociyaan Somaliland waxaana tusaale u ah warka oo ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta BBC-da laanteeda afka Somaliga ee London, isla markaana laga sii daayey telefiishanka BBC-Parliament oo inta badan doodan si toosa u sii daaya, iyagoo aanay wax badan ku qaadan inay war ka dhigaan mar kale gabdho reer Canada ah (Maymona Abdi and Karima Watts https://www.bbc.co.uk/news/world-us-canada-48234294) oo sannadkii hore dhamaadkiisii lagu xidhay Somaliland inkastoo markii danbe lasii daayey.

Haddaba maaha markii u horeysay ee Laanta Afka-Somaliga ahi ay wararka Somaliland baahise ama iska indha tirto kuwo wanaag ka sheegeya Somaliland waa mid soo noqnoqotey oo ay caadeysteen hawlwadeenada BBC-Somali, taasina waa ta sababtey in Jaalliyada reer Somaliland ee UK hormood ka noqoto olole ka dhan ah oo lagu saxeexey qoraan (Petition) lagaga soo horjeedo oo lagaga cabanayo dhexdhexaad la’aanta iyo cadaawada Laanta Afka Somaliga ee BBC-da ee ku wajahan Somaliland.

 
,, ,,,.