Friday, November 15th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Ee Education Cannot Wait.

Published on July 13, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka loogu magac daray Waxbarashadu ma sugi karto ee ( Education cannot wait) kaasi oo ay qaban qaabadiisa lahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

66429774_2270725089707998_7003724507261173760_o

Barnaamijkan oo ay Wasaaradda ka caawinayso Hay’adda ECW ayaa waxaa wax lagu bari doonaa Caruurta yar yar, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo sheegay in Barnaamijkani yahay mid faa’iido u leh caruurta si loo helo ubad wada aqoonyahan ah.

66674866_2270724369708070_8187209003441324032_o

Agaasimaha guud ee Hay’adda ECW oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Barnaamijkan loogu magac daray waxbarashadu ma sugi karto uu yahay barnamij, wax lagu baraayo caruurta, islamarkaana la jaan qaadaya qorshaha heer qaran iyo kan wasaaradda waxbarashadaba islamarkaana looga golleeyahay in caruurtu ku hesho xuquuqdooda wax barasho caqabad kasta oo timaada.

66841810_2270724553041385_8552965892927913984_o

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Dawladda Somaliland waxaa ka go’an mashaariicda lagu taageerayo waxbarashada oo ay ugu mudan tahay Hay’adda UNISEF, oo muddo dheer kasoo shaqaynaysay Somaliland inaan garab joogsano ayaan maanta halkan u nimid, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay mashruuc kasta oo tayadii waxbarashada caruurta Somaliland kordhinaya”

66429401_2270723169708190_5169596291583311872_o

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaa sharaf ii ah inaan daahfurno mashruucani Education cannot wait maanta oo ay bishu tahay 13 July 2019, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay runtii inaan daahfurno oo aan halkan hortiina soo joogsado annagoo muujinayna inay naga go’antahay inaan garab istaagno waxkasta oo lagu horumarinayo waxbarashada Somaliland”

66721818_2270723789708128_4608686039605706752_o

Mduane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’antahay tayeynta waxbarashada “Xukuumadda Somaliland waxay markasta dedaal ugu jirta ama Barnaamikii Xisbiga Kulmiye ku cadayd in tayada Tacliinta kor loo qaado gaar ahaana Dugsiyada hoose dhexe ee waxbarashada asaasiga ah in kor loo qaado, waa arrin ka go’an Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo hogaamiya” xukuumada maanta joogta waxaa naga ballan ah inaan gaadhsiin doono insha allaah yoolkii loo baahna, wakhtigii loo qoondeeyey SDG.

64698674_2270724526374721_8480695401656090624_o 67165783_2270722573041583_1393441292385517568_o 66532489_2270722419708265_4848734983004618752_o 66579536_2270723143041526_3915707720824520704_o 66428012_2270724053041435_6729802471058702336_o 66677288_2270724206374753_2226934817784594432_o

 
,, ,,,.