Monday, August 19th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo u Ambo Baxay Gudashada Waajibaadka Xajka iyadoo boqortooyada Sucuudigu Diyaarad Khaas u soo dirtey

Published on August 7, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta dalka ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

muse xaj4

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, waxana ku dhoofeen Baasaboorka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay dalka Sucuudigu usoo direen.

muse xaj2

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya.

muse xaj1

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

muse xaj6

  muse xaj5 Mkahin

muse xaj7 muse xaj3

 
,, ,,,.