Tuesday, October 27th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Published on April 24, 2020 by   ·   No Comments

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo bilaabmay sanadkii 2007.  Sanadkaste Ramadaanta Sadaqooyinka aad nasoo gaadhsiisaan waxaan raashin kala duwan ugu iibinaa  agoomaha iyo dadka jilicdasan gaar aaan xaafada daami ee Hargeysa. Sanadkan waxa na soo gaadhay $1780  loogu soo talo galay danyarta xaafada daami iyo $350 loogu soo talo galay hooyo haysata 22 caruur agoon ah oo ku nool xaafada xero awr, waxa kale oo iyana na soo gaadhay $350 loogu soo talo galay qoysas danyar ah oo degan xaafadaha nawaxiga kaalinta gaafane ee galbeedka Hargeysa. Iskugeyn waxa  na soo gaadhay $2480, Dadkan sadaqooyinka ramadanta la soo baxay waxay kala joogaan ingiriiska, Norway iyo Canada, waxaan dhamaantood ilaahay uga baryaynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro, halkii ay ka soo saareena wax ka badan oo ka khayr badan uu ugu bedelo, iyo intii ka qaybqaatay inay sadaqadani gaadho. aamiin yaa rabi. Sawirada waxaad ku arkidoontaan faraxada ka muuqata wejiyada hooyooyinkii helay raashin ay ku quudiyaan caruurtooda agoonta ah  ee sadaqooyinka fadliga bisha barkaysan ee ramadan darteed.

  • Sawirada Qaybtii Xaafada Daami oo ah ahayd $1780

Agoomaha aan raashinka gaadhsiinay ee xaafada Daami waxay dhamaayeen 33 qoys oo qoyskaste aan siinay, Bariis, Sonkor, daqiiq, Caanaha qasacadaha, Saliid iyo Timir.

IMG-20200423-WA0021

IMG-20200423-WA0016

 

IMG-20200423-WA0046 IMG-20200423-WA0044

Intiinii Sadaqooyinka soo bixisay ilaahay ha uga farxiyo sida aad uga soo farxiseen hooyooyinkaas wejiyadooda faraxadu ka muuqato ee haysta caruuraha agoomaha ah. aamiin

IMG-20200423-WA0027 IMG-20200423-WA0023 IMG-20200423-WA0018 IMG-20200423-WA0015

IMG-20200423-WA0033

 

  • Sawirada Qaybtii 2aad ee deeqahii sadaqooyinka Ramadaanta $350.00. Xaafada Xero Awr

Hooyo Aniisa Yusuf Cabdi waa hooyo caruur agooma ah haysta oo korinaysa 22 caruura oo dhamaan agoon ah oo iskugu jira 5 ay dhashay iyo 17 ay hablaheedu dhaleen oo dhamaantood kuwada nool sanadaq yar oo ku taala xaafada xero awr.   Hooyo aniisa ayaa mudo 25 sano ka badan  ku maaraynaysa nolasha qoyskeedan balaadhan in goobaha waxbarashada ay ku hor iibin jirtay waxyaabaha carurutu xiliga nusaacaha ay cunto sida quraaca(burka).   Habalaheeda ayaa iyaguna nolasha la wadaagayey oo waxyaabaha ay dubto hooyadood iyaguna goobaha waxbarasho ee kale isku kala qaybin jirey inay ku hor iibiyaan.

received_225177012045659

Hadaba Qoyaskan waxa mar qudha soo food saartay dhiibatada ka dhalatay xanuunkan corona virus oo dhamaan la xidhay goobahii waxbarasho ee ay wax ku hor iibin jirtay taasi oo noqotay inay waayaan xataa cunto iska daaye, wax biyo la cabo ay siistaan.  Ilahay ha ka amaal mariyo oo miisaanka xasanaadkana ha ugu daree waxa $350 ay naga soo kala gaadhay dad muxsiniin ah oo ku kala nool Igiriiska iyo Canada.  $100 waxaan ku siinay kaash si  biyo ay  cabaan u siistaan, halka $250 aan ugu soo iibinay raashinka kala duwan  sida, 7 kiish oo iskugu jira Sonkor, Daqiiq iyo Bariis, 3 kartoon oo baasto ah, 4 caagadod  saliid saytuuntada cuntada. 3 bacood oo Caleenta shaaha, 4 Caanaha daasadaha, Timir,  Sharaab iyo buskut caruurta loo soo iibiyey, labad dersin oo saabuunta lagu maydho ah, laba dersin oo shaamboo ah. Hooyadan ayaa markaan deeqdan u geynay aad u faraxday kuna sigatay inay ooydo iyadoo dhamaan u soo duceysay intii soo dirtay iyo intii ka qaybqaadatay inay soo gaadhaba.  Hadaad rabtid inaad ka qaybqaadatid mashruuca sadaqooyinka iyo afuri walaal baahan nagala soo xidhiidh Samafal@sdwo.com

received_531045987835267Screenshot_20200423-203529_Messengerreceived_690264761751967received_2581419178779109received_539361960300294Screenshot_20200423-203756_MessengerScreenshot_20200423-203643_Messenger

 

  • Qaybtii Sedexaad ee raashinkii sadaqooyinka deeqda Afuri walaal baahan bisha barakaysan ee Ramadan  oo ahayd $350 waxaan gaadhsiinay qoysas danyar ah oo degan xaafadaha agagaarka kaalinta shidaalka ee Gaafane ee galbeedka magalada Hargeysa.   Dadkan waxa ka mid ahaa islaan weyn oo buulka uu ugu dhex xidhanyahay nin weyn oo ay dhashay oo waalan oo cid wax ay quutaan siisaana jirin, waxa kale oo ka mid ahaa odey macalin quraan ahaa oo dugsiyadii uu quraanka caruurta u dhigi jirey laga xidhay xanuunka corona virus ka dartii oo wax uu raashin uu ku quudiyo caruurtisa haysanin, isagoo weliba ka walaacsan kirada sanadaqad yar oo uu ku jiro. Dhaman intiinii soo bixisay sadaqoyinka ilahay ha idinka abaal mariyo, halkaad ka soo saarteena wax ka badan ha idiinku bedlo, aamiin yaa rabi.

Screenshot_20200421-183813_Gallery

Screenshot_20200421-183711_Gallery

Screenshot_20200421-183744_Gallery
IMG-20200421-WA0043

IMG-20200421-WA0041

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...