Friday, October 23rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Maxamuud Xaashi iyo Qabo waxay ahayd inay ka dhex tartamaan Xisbiga” Xildhibaan Obama Oo Ka Hadlay Shir-weynihii Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiintii Ka Cadhooday.  

Published on October 6, 2020 by   ·   No Comments

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo kamida siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Xisbiga Kulmiye, isla markaasina kamid ahaa shaqsiyaadkii aas-aaskii Xisbiga kaalinta culus kasoo qaatay, ayaa waraysi kooban oo uu siiyey Sahan Tv, kaga hadlay sidii uu u qabsoomay shir-weynihii 4aad ee Xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale siyaasiyiintii hore uga tirsanayd Xisbiga ee ka cadhootay shir-weynahan afraad.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ugu horeyn wax laga waydiiyey sidii uu u qabsoomay shir-weynaha afraad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in shirku ahaa shir furan isla markaasina mudo bil ah la naadinaayey cida u tartamaysa, taasi oo markii la naadiyey xisbigu doortay cidii isku soo taagtay jagooyinkii lagu tartamaayey balse aanay taasi macnaheedu ahayn in cid loo xidhay xisbiga, balse cidii timaadaba waa lasoo dhaweynaayey, manayse dhicin in cid kale timaado oo isa-soo sharaxdo.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo wax laga waydiiyey hankiisa siyaasadeed ee hogaaminta xisbiga ayaa waxa uu si kooban ugu gaabsaday in aanay wakhtigan ahayn doorkiisii, isla markaasina aanu diyaar u ahayn inuu isasoo sharaxo doorkan, balse aanay jirin cid u diidaysaa inuu isasoo sharaxo, isla markaasina mar hore-ba uu ka qayb-galay tartanka hogaaminta Xisbiga Kulmiye, taasi oo aanay jirin cid ka hor istaagtay inuu hankiisa siyaasadeed isku soo taago.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo sidoo kale wax laga waydiiyey sida uu arko siyaasiyiintii ka cadhooday shir-weynaha Xisbiga ee aan kasoo qayb-galin sida Maxamuud Xaashi iyo Qabo ayaa waxa uu sheegay in hanaankii uu u qabsoomay shir-weynaha xisbigu, iyo sidii loo maamulaayey iyo sidii loo qorshaynaayey-ba in aanay ka duwanayn sidii loo qaban jiray kuwii kan ka horeeyey, isla markaasina aanu dhaliil ku arkayn, isla markaasina aanay jirin cid isasoo sharaxday oo loo diiday, sidoo kalena aanu arag meel ay ku dhaliileen hab-maamulkii shir-weynaha, Ash-khaastaas ka maqnayd shirku, balse isagu shaqsiyan  qabo marka qofku musharax yahay in aan qofku cadhoon, isla markaasina ay waajib ku tahay inuu waraaqaha codsiga xareeyo oo uu isku taago hankiisa kana dhex loolamo shirka, isla markaasina uu ka qayb-qaato doorasha oo xitaa hadii laga guulaysto uu markaasi cadhoodaba.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)  oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in isagu aanu qabin in siyaasiyiintaasi ay cadhoodeen isla markaasina aanu arag meel ay isku soo taageen oo ay doorasho ku galeen oo lagaga adkaaday, balse ay horeba u dhici jirtay xisbiga dhexdiisa in siyaasiiyinta xisbigu kala cadhoodaan.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ugu dan-bayntii la waydiiyey inuu ka shaqayn-doono inuu isku soo dhaweeyo labada dhinac ee kala cadhooday, ayaa waxa uu sheegay inuu jecelyahay in la isku soo dhawaado oo la isku tanaasulo isla markaasina uu qabo in ay ka shaqeeyaan isaga iyo inta la aragtida ahi-ba in arintaas la xaliyo lagana hawl-galo.

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhamays-tiran

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...