Thursday, September 16th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Ururka Macallimiinta Qaranka ayaa soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 16 qodob oo ku socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Published on August 19, 2021 by   ·   No Comments

Bayaanka oo taabanaya dhinacyo badan oo kala geddisan ayaa u dhignaa sidan:
1.      Wasaaraddu ha ka dignaato laalista heshiisyada sharciga ah ee lala galo shirkadaha, haayadaha iwm
 
2.      Urur ahaan waxa aanu soo jeedinaynnaa in la saxo qaabdhismeedka wasaaradda. Nin uu wasiir magacaabay ayaa ku-xigeenku eryayaa, sida Guddoomiye waxbarasho oo gobol. Xeerjebin ayaa aannu u aragnaa
 
3.      Waxanu ku baaqaynnaa in la siiyo lacagtooda bareyaasha dib-u-eegista iyo tifaftirka ku sameeyay manhajka 2021ka, waxa ay hawshooda dhammeeyeen dhammaadkii Juun 2021ka, laba bilood ayaa la meermeerinayaa. Waxa loo diray hawl adag oo aan hal shilin loo haynnin
 
4.      Waa in xal laga gaadho khilaafka wasaaradda ragaadiyay ee u dhexeeya wasiika iyo agaasimaha guud, kaas oo cubbadhawray shaqadii qaranka. Wasiirku waxa uu xilka yimi isaga oo bacaysan, taladiina waa uu maroorsaday
 
5.      Wasaaraddu yay bareyaasha u ciqaabin arrimo aan waxbarashada khusaynnin, sida dhul ay qoyska madaxweynuhu xoog ku qaadanayaan, qoraallo ay Facebook ku qoreen iyo wax an sakaaro ka biirsannin

6.      Waa in noolka la bixiyo bareyaasha dhammaystay Dugsiga Tababarka Macallimiinta, isla markaana la siiyo mudnaanta shaqada ee macallinnimo. Laba sanno ayay tababar ku jireen, halka ardayda shaqo qaran ay 6 bilood tababar qaataan
 
7.      Wasaaradda waxbarashadu ha xurmayso xeerka shaqaalaha dawladda ee dhigaya hannaanka anshaxmarinta ee sharciga ah. Waa foolxumo in la arko shaqaale anshax marinaya shaqaale kale.
 
8.      Wasaaradda waxbarashadu ha ilaaliso xuquuqda shaqaalaha, tababarrada macallimiinta iyo xaaladaha ku gedaaman shaqaaleweynaha hoos taga maamulkeeda.
 
9.      Waxa aan ku baaqaynnaa in halkiisa lagu hakiyo waxkabeddelka aan muqarrarka waafaqsanayn ee manhajka lagu sameeyay 2021. Waa mid qas iyo qalalaase ku ah waxdhigista iyo habraaca manhajka
 
10.  Waa in ay meel isugu biyoshubtaan dharka ardayda ee weli qalaamarogadka ahi
 
11.  Marka waxbarashada loo magacaabayo guddoomiye gobol, ha laga fuuryeelo cidda saaxadda barashada iyo barbaarinta ku jirta, tusaale ahaan Guddoomiyeha waxbarashada  Awdal wuxuu shaqaale k ahaa wasaaradda arrimaha gudaha.
 
12.  Caydhinta masuuliyiinta ee degdegga ahi waxa ay sababaysaa in shaqadi curyaanto, ha la joojiyo magacaabista iyo maagista aan cilmiga ku dhisayn. Jago qudha aya sannad gudihii 4 qof isaga dambeeyaan.
 
13.  Wasaaraddu yaanay sabab la’aan u eryin ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Itoobiya, waxa ay la kulmeen awoodsheegasho sharcijebin ah
 
14.  Waxa aannu raalligelin buuxda siinaynnaa xildhibaannada qaranka ee Wasiir Toorno aflegaaddeeyay iyaga oo kala hadlay dan ummadeed
 
15.  Waxa aanu soo dhawaynaynnaa in Golaha Wakiillada Somaliland u yeedhaan Wasiirka Waxbarashada, la xisaabtamaan oo qalloociisa farta u saaraan
 
16.  Wasaaradda waxbarashadu waa inay hubiso dugsiyada keensada bareyaal shisheeye ah oo dhiga casharro ay macallimiinta dhaladka ahi bixin karaan.
 
Allaa Mahad Leh
 
Maxamed Bashiir Maxamed
Afhayeenka Ururka Macallimiinta Qaranka Somaliland
maxdjaamac@gmail.com

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...