Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Kulan balaadhan oo lagu qabtay goobta uu ka socdo dhismaha Somaliland National Library iyo Wasiir Samaale oo $100 kun oo kale kaga dhawaaqay.

Published on February 14, 2015 by   ·   No Comments

Kulan baaldhan oo ka dhacay xarunta uu ka socoda dhismaha maktabada qaranka Somaliland oo uu soo qabanqaabiyey gudoomiyaha Somaliland National Library Axmed Daahir Cilmi ayaa waxa ka soo qaybtalay masuulin ay ka mid yahiin Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdikariim Axmed Mooge, Agaasimaha Wasaarada Maaliyada, masuuliyiin kale culumaaudiin dadweyne kale iyo arday ilaa 200 gaadhaysa oo ka kala socday sida dugsiyada Sheekh Cali Ibraahim(ex biyo dhacay) Young Muslim Academy.

Waxa goobtaas laga sheegay in wasaarada maaliyadu ay hore uGu bixisay mashruucan $100 kun oo dollar  inkastoo markii lagu sarifay shilinka Somliland ee cashuurtiina laga jaray khidmadii libraryga soo gaadhay noqotay $76 kun oo doolar.  Wasiir Samaale ayaa balanqaaday inuu dib u bixindoono 24kaas kun ee ka go,ay totalkii loogu talogalay library ga oo ahaa $100 kun,  Sidoo kalane wuxuu wasiir Samaale ku baaqay in dowladu ku daridoonto $100 kun oo kale.

Axmed Daahir oo isna madashaas ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada iyo dadweynaha ku dhaqan Somaliland gaar ahaan hargeysa inayna waxbadan ka geysan ka qaybqaadashada mashuuracan iyadoo uu sheegay in Hargeysa ay ka soo gaadhay $4 kun oo keliya halka qurbojoogu ay ka soo gaadheen $80 kun oo doolar.

 

20150214_102117 20150214_095721 20150214_095956 20150214_095703 20150214_101815 20150214_100843 20150214_101713 20150214_095814 20150214_100520 20150214_095809 20150214_095007 20150214_095152 20150214_095158 20150214_094935 20150214_094928 20150214_094749 20150214_094737 20150214_094947 20150214_094958 20150214_103143 20150214_103406 20150214_103616 20150214_103207 20150214_103204 20150214_103200 20150214_100505

 
,, ,,,.