Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Published on May 10, 2014 by   ·   No Comments

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee Macmar Al Qadafi.   Sarkaalkani wuxuu ag joogay intii uu dhuumalaysiga ku jiray qadaafi ilaa daqiiqadahii u danbeeyay nolashii qadaafi ee maalintii la dilay.

 qaddafi

Ninkan oo hada ku xiran magaalada Misurata oo uu maxkamadayn ku sugayo ayaa u waramay TV laga leeyahay dalka maraykan ee CNN.

 

Wuxuu yidhi Qadaafi wuxuu taagnaa quus waxaanu aad ugu baahnaa sidii uu ugu baxsan lahaa goobtii uu ku dhashay oo ah tuulo u jirta magaalada Sirta 20KM.  Sida uu sheegay Daoud wuxuu yidhi way ii muuqatay had iyo jeer inay tahay socdaal khatar ah oo is miidaamin ah. Wuxuu rabay inuu tago qadaafi tuuladaasi uu ku dhashay, malaha inuu ku dhinto halkaasi iyo inuu ku qaato saacadaha u danbaysay ee nolashiisa.

 Qaddafimurder

Markii la tooganayey Qadaafi iyo isagoo ooyaya

Ninkani wuxuu sheegay inuu gaadhi la saarnaa qadaafi markii diyaaradaha dagaalka ee Nato ay duqeeyeen.

 

Waxa uu sheegay in Qadaafi uu ka baxay Tripoli oo uu tegay magaalada Sirte 18kiii August oo ahayd laba cisho ka dib markii jabhadii NTC ay soo gashayTripoli.   Daoud wuxuu sheegay in isagu uu kaga hadhay Tripoli oo uu sii joogay ilaa 22kii August ilaa ay cadaatay in magaalada aanay ku sii nabadgeli Karin dadkii ka tirsanaa maamulkii Qadaafi.

 A video grab taken from the mobile phone

Markii la toogtay ee meydkiisa la saarayey gaadhiga

Wuxuu sheegay inuu isagu u baxsaday dhinaca magaalada Bani Walid isaga iyo inankii qadaafi dhalay ee Seef Al Islam iyo madaxii sirdoonka ee Cabdullahi Al Senoussi.  Waxaanan la joogay Bani Walid afar cisho, ka dibna waxaan ku biiray Qadafi oo aaan ugu tegay Sirta.

 qaddafi_body_129752353

Meydkii Qadaafi oo goob lagu dawado mudo dheer yaaley

Mr Daoud waxa uu sheegay in nolashoodu maalinba maalinta ka danbaysa ay ku sii adkanaysay oo ay ka sii daraysay marwal oo ay jabhadu ku soo durkaysay halkii ay ka joogeen magaalada Sirte, waxaanu sheegay inay ku dhex dhuumalaysanayeen oo ay iskaga kala gudgudbayeen guryahii madhnaa ee laga qaxay oo ay kolba bedelayeen guriyaha ay ku dhuumanayeen 3- 4tii cishaba mar.  Waxaanu ku noolaynbuu yidhi cunto yaraan, biyo la,aan, laydh la,aan iyo isgaadhsiin la,aan aanu ka go,anay aduunka intiisii kale oo nolashayadiiba waxay ku soo ururtay 180 degree ayuu yidhi.

 

Wuxuu sheegay in Qadaafi maalmahii u danbaysay uu wakhtigiisa ku luminjiray wax akhris iyo wax qorid farobadan. Wuxuu siitay buugag badan oo ugu jiray shandad weyn. Malmahii u danbaysay Qadaafi waxa ka muuqatay khalkhal badan ka dib markii  ciidankii difaacayey ay doonayeen inay magaalada iskaga baxaan.

 

Wuxuu yidhi aniga iyo rag badani waxaanu aaminsanayn hadii anay ka bixin magaalada inta aan dhan walba iskuweer laga qaban inay adkaandoonto hadhow in laga baxo. Laakiin nasiib xumo waxa diiday in magaalada laga baxo Qadaafi.  Aakhirkii 20kii October ayaa Qadafi iyo wiilkiisii Muatassem go,aansadeen inay ka baxaan magaalada oo ay u fakadaan dhinaca tuuladii uu qadaafi ku dhashay oo 20km u jirta.  Ciidankii ku soo hadhay oo dhamaa 350 nin ayaa iskugu soo ururay waxaan gaadheen 200 oo nin sababtoo ah maalin walba ragna waa ka dhimanayey ragna waa ka dhaawacmayey, qaarkoodna reerahoogii ka qaxaeyey magaalada ayay iska raaceen.

 

Ciidankoogan aan gaadhayn 200 buu yidhi Mr Daoud waxay intooda badani ahayeen shacbi aan habaysnayn dagaalna aan garaynayn wax qorshe oo lagu baxsadana aan garanaynin.

 

Wuxuu yidhi waxay ka koobnaayeen ilaa 40 gaadhi  waxaanu qorshahu ahaa in salaada subax inta dhulku aanu iftiimin xiliga ay filayeen in jabhadu yara seexdeen ay magaalada ka baxaan, nasiib daro buu yidhi wakhigii baa naga dhacay oo waagiibaa noo beryay oo saacadu markay ahayd sideedii subaxnimo ayaanu u anbobaxnay tuuladii qadaafi ku dhahashay oo la yiraah Jaref, laakiin markiiba waxa weerar nagu soo qaaday diyaaradahii Nato oo markiiba gaadhi ku dhufatay gantaal. Waxaan xasuustaa in markiiba meeshu ay qasantay  oo la khalkhalay oo la wada argagaxay oo gaadhigii aan la saarnaa Qadaafi uu gariirkii gantaalaha uu xataa Airbagii nagu furmay taasi oo keentay in dhawac fududi uu qadaafi ka soo gaadhay madaxa iyo laabta.

 

Wuxuu sheegay inay isku deyeen inay baxsadaan laakiin ay rasaas ooda kaga qaadeen jabhadii NTC du, ka dibna ay Diyaaradahii NATO mar labaad weerar ku soo qaaday, weerarkan labaad ayaa keenay dhimashada iyo dhawacii ciidankoodii ku dhacay ee baabiiyey baabuurtii ay wateen oo dhan.  Sidaadaanu uga boodnay baabuurkii aanu ku jirnay aniga iyo qadaafi ayaa waxa qabsaday gantaalkii diyaaradahu soo ridayeen, runtii waxay ahayd argagax weyn.  Wuxuu yidhi wax kale oo aan samaynaa muu jirin oo aan ahayn inaan naftayada la orodno,  waxaanu miciinsanay buu yidhi lugahayga hase yeeshee waxa na qabsatay rasaas aan kala go,o lahayn oo ay jabhadu nagu ridaysay, jabhada oo siku weegaartay dhuumahii biyaha ee aanu ku dhex baxsanaynay.  Wuxuu sheegay inay markaasi ay xasuusi ugu danbaysay ka dib markii uu dhacaw ka soo gaadhay dhabarka oo uu miyir belay, sidii qadaafi loo dilayna war kamaan hayn intaa wixii ka danbeeyay.  Laakiin waxaan aaminsanahay buu yidhi in dilkiisa ay ka danbayn karaan jid goyn ay u galeen taageerayaashiisii daacada u ahaa isaga.

 

Daoud wuxuu yidhi taariikhdii Qadaafi hada waa laga dooodayaa, waan arin u taala dadka taariikhada qora. Qof waliba fikirkiisuu ku cabirayaa qadaafi, qaar waxay u arkaan keligii taliye dadkiisii xasuuqay, halka figrado ka soo jorjeeda figradan ay jiraan.

 

Daoud wuxuu yidhi qadaafi wuxuu mar walba aaminsaa inuu xukunka sii haysanayo. Waxaanu sheegay in isaga iyo ragii ku dhodhowaa qadaafi ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu dalka iskaga tago tan iyo bishii March is sharafi ku dheehantahay oo uu ku badbaado, laakiin waxa taladayadaasi ka hor yimid oo diiday inamadiisii gaar ahaan Seef Al Islam,  wax dhib yar maaha qof 42 sano xukun iyo awood soo hayey in daqiiqado gudahood lagu yidhaah wakhtigiinii waa dhamaaday.

 

Wuxuu yidhi kama warqabo meel uu imka ku suganyahay Seef Al Islma laakiin waxaan aaminsanahay buu yidhi inuu dalka uun ku dhex dhuumanayo maadama aanu wadana martigelinaynin mar hadii ay maxkmada aduunku raadinayso.

 

Inta badan madaxdii Libiyi way ka werwereen markii kacdoonadu ay bilaabmeen bariga dhexe, waxayna ka baqayeen inay kacdoonadaasi oo gaadhidoonaan Libiya.  Wuxuu yidhi waxaan xasuustaa markii aanu maqalnay in madaxweynahii Tunisiya xukunkii laga riday oo uu dalka ka baxsaday,  wuxuu yidhi gaadhi baanu wada saarnayn aniga, qadafi iyo madaxii sirdoonka, wuxuu yidhi waanuna ka soo wadalnay intii aanu gaadhiga soosaarnayn  anagoo ka nimid Sabxa oo ku taalada dhinaca koonfurta laakiin hadana kacdoonkan umaanu qaadan mid khatar ah, qadaafi markii danbana wuxuu dareesanaa inay khiyaameeyeen madaxdii dunida ee uu aaminsanaa inay saaxiib dhow yahiin sida Talyaaniga, Faransiiska iyo Turkish ka..  Laakiin wuxuu yidhi khiyaamada ugu badani waxay ka timid dhinaca ragii u qaabilsanaa inay difaacaan caasaimada Tripoli, waxa la dhigay qorshe lagu difaacayo caasimada laakiin waxa khiyaamo sameeyay madaxdii sarsare ee ciidanka ee loo xilsaaray dhinaca nabadgelyada, iyagoo horseeday in maalmo aad u yar gudahood lagu qabsado caasimadii. Wuxuu yidhi in ka badan 3800 oo askari  ayay ahayd inay difaacaan albaabada laga soo galo Tripoli, laakiin habeenkii ay jabhadu soo gashay waxa qudha oo goobtii ay ka soo galeen joogay wax ka yar 200 oo askari.

 

Mr Daoud oo sugaya  maxkamadayn la xidhiidha xasuuqii jeel ku yaala Libya oo dad badan lagu xasuuqay sanadkii 1996kii iyo isagoo lagu eedeeynayo inuu ahaa ninkii masuulka ka ahaa soo kiraynta calooshood u shaqaystayaashii laga soo kirsanayey Afrika si ay shacbiga u cabudhiyaan markii danbana la dagaalmayey Jabhada, inkastoo uu isagu dafirsanyahay arimahan.

 

Laakiin wuxuu qiray in Kacoodnku ahaa mid shacbi oo dadweynaha oo dhami taageersanaayeen aakhirkiina waaakuwaas guulaystay, imika waxa looga baahanyahay inay ilaashadaan guushaasi oo ay isku hayaan wada jirka Libiya.

 

Mar la weeydiiyay inuu iska qoomameeyo ka mid noqoshadii xukunkii Qadaafi, isagoo qoslaya wuxuu yidhi mararka qaarkood wax walba waan qoomameeyaa, xataa waxaa isku qoomamaynayaa inaan weli noolahay, waa wax caadiya buu yidhi in qofku marar nolashiisa ka mid ah uu qoomameeyo markuu dib wax u eego, laakiin mararka qaarood waxaad qoomamaysaa wakhti danbe oo habsan ah in wax la qoomameeyo.

Waxa soo turjumay Guled Cabdi Sheekhaash

 

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash – SDWO Chief  Editor

 
,,

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.