Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Salaadinta Iyo Waxgaradka Beelaha Buuhoodle Iyo Qurilugud Oo Shir Ay Isugu Yimaadeen Kasoo Saaray Qodobbo Nabadeyn Ah

Published on April 27, 2015 by   ·   No Comments

Burco(SDWO.com):  Odayaal iyo waxgarad ka kala socda deegaannada Burco iyo Buuhoodle ayaa shir uga furmay deegaanka Aadan-waal oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Shirkan oo ujeedadiisu tahay sidii nabad looga dhex-dhalin lahaa beelo dhawaan xurgufi ku dhexmartay jiidaha u dhexeeya deegaannadaas, ayaa waxa laga soo saaray shirkaas qodobbo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Wufuudan ka kala socotay labada dhinac oo shalay shirkaas isugu yimi ayaa waxa kala hogaaminayay salaadiin iyo cuqaasha labada deegaan ah. Sidoo kale waxa wehelinaya Culimo-awdiin kasoo jeeda labada beelood., waxaana shirkaas lagaga wada-hadlay sidii labada beelood ee ood-wadaagta ah loo dhex-dhigi lahaa nabad waarta, isla markaana aanay dib u dhici shaqaaqooyinka soo noqnoqday.

Weftiga dhinaca Buuhoodle ka soo ambabaxay ayaa waxa hogaaminaya Garaad Cabdirisaaq Garaad Sooofe, Suldaan Siciid Cismaan iyo Garaad Saleebaan Buraale, halka inta badan Cuqaasha Buuhoodle ay wehelinayaan.

Dhinaca Bariga Burco ayaa waxa iyaguna ka socda, Isimo, Cuqaal, iyo Waxgarad kale waxaana  hogaaminayey Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Maxamuud Guuleed, Suldaan Maxamed X. Xuseen waxaanu kulankani si toos ah uga bilaabmay deegaanka Aadan-waal oo u dhexeeya Buuhoodle, Qoru-lugud, Xadhadhan iyo Coodanle, wada-hadallada labada dhinac ayay wariyeyaasha ku sugan goobta wargayska DAWAN u sheegeen in wada-hadalladani muddo saacado ah socdeen ka dibna, war-saxaafadeed si wada jir ah labada dhinaca ku faahfaahinayaan wixii lagaga wada-hadlay ay uga soo saareen.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyey ee labada dhinac dhexmara  tan iyo markii dagaaladu ka dhaceen Deegaannada, Maskax-Buqle iyo Kalshaale dabayaqaadii bishii March ee ina dhaaftay, waxaana la rajaynayaa in nabad waarta ay ka dhalato kulankan, iyadoo xukuumadda Somaliland hore ugu igmatay salaadiinta labada dhinac oo muddaba ku hawlanaa dhexdhexaadinta beelahaa ood-wadaagta ah. Sidoo kalena la walaaleeyo iyadoo laga dhex saarayo arrimaha siyaasafda sida ay madaxda dhaqanku codsadeen.

Waxa goobta wada-hadalka ku sugan guddoomiyaha gobolka Buuhoodle iyo maayarrada degmooyinka Buuhodle iyo Qori-lugud, iyagoo dhamaantood cadeeyey in shirkan wada-hadalka nabaddeed qabsoomay furitaankiisiina lagu guulaystay,qodobbo wax ku ool ahina ka soo baxeen.

Kulankaa ayaa xubnaha labada dhinac iyo marti sharafka kale ee ka qayb qaadanayay tiradoodu lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 150 ergay.

Waxaana gebagebadii shirka qodobadii ka soo baxay oo dhamaystiran warbaahinta u akhriyay Sheekh Cumar Soodaani waxaanu yidhi. “Shirkan oo qabsoomidiisa muddo lagu hawlanaa wuxuu saaka (doraad) oo ay bisha April tahay 25 ka qabsoomay deegaanka Aadan-waal,waxaana shirka oo socday una dhexeeyey beesha Habrjeclo iyo beesha Dhulbahante ee degan Buuhoodle ay isla qaateen qodobbadan:-

1-       Nabadgelyo.

2-       Xabad joojin.

3-       In la qabto shirwayne dambe oo loo muddeeyey 21 cisho ka dib.

4-        Waxaa shirkaa dambe marti-gelinaysa walaalahayaga Habarjeclo, iyagoo soo gudbin doona goobta la isugu imanayo.

5-       Waxa dhinac walba laga dhaariyey 11 oday oo isku noqonaya 22 xubnood, taasoo ku salaysan in daacad ay ka yiniin qodobbadan la isla qaatay.

6-       In labada dhinac ay soo jeediyaan baaq nabadeed oo fariin u ah cidkasta oo ay khusayso.

7-        In dhinac looga soo wada jeesto beesha, qoyska, jifada jebisa heshiiskan ay maanta labada dhinac isla qaateen oo ka bilaabmaysa maanta (doraad).

Ka dib waxa hadalka la wareegay salaadiinta labada dhinac, waxaana ugu horeyn ka hadlay halkaas Suldaan Maxamed X. Xuseen, “Waxaan qirayaa maanta (Doraad) in kulankani yahay mid ka bislaaday labada dhinac raalina laga wada yahay, maantana waxay inoo tahay maalin weyn oo aynu dhidibbada u aasnay nabaddii xaal-xaalkiina uu hadhay.”

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo isaguna shirkaas ka hadlay ayaa yidhi. “Waxaanu ku suganahay deegaanka Aadan-waal anagoo ah beesha Habarjeclo iyo beesha Dhulbahante ee Buuhoodle, waxaananu isugu nimi shaqaaqooyinkii muddada soo jiitamayey waxaanu isku afgaranay qodobdadaa uu Sheekhu akhriyey, waxaanu ku heshiinay in ciidamada la kala qaado nin welibana gurigiisii tago, in ciddii dhib dambe la timaadaa ay isaga iyo qoyskiisa ku ekaan doonto dhanna looga soo wada jeedsan doono. ummadani waa dad walaalo ah oo wax walba wadaaga, wixii hore wax ka dambeeyaana inaanay dhicin ayaanu idiin sheegaynaa, oo aanu idiinku nahay hogaamiye wixii hadhayna anagaa ballan-qaadnay inaanu dhamaystirno haddii xabad la isla garab yaaci jiray oo la isu hiilin jiray nabad baanu idiinku bedelaynaa oo aanu go’aansanay maanta.”

Ugu dambayntiina waxaa goobtaa lagu dhaariyey 22 xubnood oo odayaal ah oo labada dhinaca ah, waana markii u horeysay ee kulan labada dhinac ahi ay isu yimaadaan shir miisaankan oo kale leh.

SDWO.com/Hargasya Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...