Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Dakhligu ismuu dhimin, wasaarradahana waxaanu ka jarnay kharashaad aan muhiim ahayn”,, wasiirka Maaliyadda

Published on April 27, 2015 by   ·   No Comments

Wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay  in dakhliga dawladu uu kor u kacay, isla markaana lacago loo isticmaali jiray meello aan loo baahnayn in ay ka joojisay wasaaradihii iyo hay’adihii isticmaali jiray.

Marwo Samsam Cabdi Aadan oo u warantay BBC, waxaanay   tilmaantay in korodhka dakhliga uu yahay mid cad oo muuqda, hase yeeshee hadal-haynta ah in hoos u dhac ku yimid dakhliga dawladda ay tahay mid aanay waxba ka jirin.

“iyadoo imika lagu jirro wakhtigii uu dakhligu hoosayn lahaa, hadana imika kor ayuu u kacay, oo  lacag intaa leeg oo dollar ah suuqa maanaan soo gelin karneen haddii aanu dakhligu kor u kicin. Waxaa kale oo aanu haynaa mushaharka 4 bilood oo shaqaalaha. Markaa dakhli hoos u dhacay ma jirro. Lacago loo isticmaali jiray meelo aan loo baahnayn, waanu xakamaynay. Markaa meelahaasi way odhanayaan dakhligi wuu yaraaday, laakiin waa wax muuqda sida uu dakhligu u kordhay, waana la arki karaa” ayay tidhi wasiirka maaliyadu.

Waxay ku dooday wasiirku in lacagta kharashaadka ah ee ay ka jartay wasaaradaha dawladda qaarkood  ay kala tashatay  masuuliyiinta hay’adahaasi, isla markaana aanay lacagahaasi dhamaanba ka wada jarin, hase yeeshee laga dhimay intii markii hore loo qorsheeyay.

Waxaanay   tidhi “Wax aad ah kamaan jarin, laakiin waan la tashanay, waayo wasaaraduhu iyaguba way garanayaan marka miisaaniaydda la samaynayo, miisaaniyaduna waa odoros, mid waliba waxay is odhanaysaa wax iskaga darso, mid walibana way og tahay waxa mudnaanta  u ah, dadkuna waa dad wadanka wada danaynaya oo ka wada shaqaynaya. Markaa wasaaradaha waanu ka wada tashanay oo waxyaabaha aan aadka loogu baahnayn ee aan daruuriyaadka ahayn  ee miisaaniyadda ku jira meelaha qaar waa la yareeyay,  laakiin dakhligu meel fiican oo aad u wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanu rejo waynahay in aanay waxba iska dhimi doonin dakhliga dawladda sidii qorshuhu  ahaa ayuu noqonayaa”.

Dhinaca kale  wasiir Samsam, waxay sheegtay in qoxoontiga ka soo qaxay dagaaladda dalka Yemen ka socdaa in ay saamayn dhinaca dhaqaalaha ah ku yeelanayso Somaliland, xukuumad ahaana ay u diyaar garoobeen sidii looga  gaashaaman lahaa wixii dhibaatooyin ah ee ay la imanayaan qoxoontigu.  “Dabcan saamayn ayay inagu yeelanaysaa dadka ka soo qaxaya Yemen.  Markaa waa in aan ka sii gaashaamanaa in aanay waxba ina yeelaynin”.

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...