Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Raasaas xoogan oo is qabsatay xaafadaha Jigjigayar iyo Xero Awar ee Hargeysa

Published on May 29, 2014 by   ·   No Comments

Hargeysa 29/05/2014 (SDWO.COM) Warar hada naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay caawa socoto rasaas aad u xoog badan oo ka dhacaysa xaafadaha Jigjigayar iyo Xero Awr ee magaalada Hargeysa.   Wararkii u danbeeyay ee aanu helnay ayaa sheegaya in ay rasaastu bilaabantay ka dib markii ciidmada RRU du ay weerar ku qaadeen guriga Cabdilaahi Abokor – Wasiir ku xigeenkii hore ee aminga oo shalay shir jaraaid oo uu qabtay sheegay in xubno tirsan xukuumadu ay ka mid yahiin ururka alshabaab.  Xirsi oo manta dalka ku soo noqday ayaa sheegay in talaabo laga qaadidoono isla markaasna beeniyay inay xidhiidh la leeyahiin ururada aragagaxisda.

Ilaa hada wax khasaare ah oo ka dhashay waxa la xajiijiyey hal qof oo ku dhaawacmay laakiin warar sugan oo khaasaraha ka dhashay lama hayo.

Cabdilaahi Abokor ayaa la sheegayaa in ciidamada RRU du u kacaysteen iyagoo jidh dil xun u geystay dhinaca xarunta sirdoonka.

Markii hore ee ay rasaastu bilaabantay ayaa dad badani u qateen inay rasaastu ka dhacayso dhinaca guriga gudoomiyaha Xisbiga Kullmiye ee Muuse Biixe.

Dhinaca kale magaalada Hargeysa ayaa wixii 10kii ka danbeeyay bandoo lagu soo rogay oo baabuurta dadka laga dhigayey oo yidhi ka lugeeya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco SDWO.COM

 

 

 
,, ,,,.