Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Dhalinyarada ururka Dhalinyarada ee Subeer awal oo xaflad balaadhan oo ay ku taageerayaan Musharaxnimada Muuse Biixi ku qabtay Crwon Hotel

Published on May 30, 2014 by   ·   No Comments

Hargeisa 20/05/2014 (SDWO.COM) Ururka Dhalinyaradda beesha Subeer Awal ayaa Caawa xaflad balaadhan oo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweynenimo ee Muuse Biixi Cabdi ku qabsadeen hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

10346109_520433241416123_4696012263378210442_n

Boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeedda beesha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin musharaxnimadda Muuse Biixi, isla markaana ay gaadhay wakhtigii ay dalka ka noqon lahaayeen madaxweyne.

Ugu horeyn Afhayeenka ururka beesha Subeer Awal Maxamuud Haaruun ayaa sheegay inay hoolkan iskugu yimaadeen dhalinyaro wada aqoonyahano ah, kuwaas oo si aqooni ku dheehantahay u sheegay aragtidoodda iyo ahmiyada weyn ee ay u hayaan xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay inay nabadda cid ka jeceli aanay jirin si edeeb lehna u gudbinayaan fariintoodda.

Gudoomiyaha ururka beesha Subeer Awal Cabdiraxmaan Xasan Aadan ayaa sheegay in  madaxweynaha iyo umadda Somaliland u sheegayaan inay si aan kala hadhlahayn u taageerayaan Muuse Biixi, isla markaana dareenkooda iyo garaadkoodaba si madax banaan oo aanay cidi soo abaabulin u cadaynayaan taageeradoodda.

Ku xigeenka ururka Subeer Awal Cabdirashiid Maxamed Aadan ayaa isna sidoo kale tilmaamay ujeedadda ay halkan iskugu yimaadeen inay tahay inay muuujiyaan taageerada ay u hayaan musharaxoodda Muuse Biixi oo hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

10363700_520433311416116_259636681539351798_n

Xoghayaha ururkan Cabdikariim ayaa ka sheekeeyey afartii sanadood ee u dambeeyey ee madaxweyne taladda dalka hayey uu khilaafka kulmiye jiray, isla markaana cadeeyey in Cabdikariin Xinif oo taageersan garabka madaxweynaha uu sheegay in aanu xeerkan 14 ee KULMIYE marna awood siin gudoomiyaha xisbiga, haseyeeshee wuxuu sheegay in aanu Xinif aqoon ka tahay garasho la’aanta xeerkaasi waxa uu ka hadlayo, waxaanu sheegay in xeerka 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha, isagoo shirgudoonkii shirka loo doortayna tilmaamay  inay yihiin kuwo ka leexday shaqaddii loo igmaday.

“Horta khilaafkan kulmye afartii sanadood ee u dambeeyey  wuu jiray khilaafka kulmiye oo wuxuu ka bilaabmay maalintii laga tallogalin waayey xukuumadda iyo xulisteedii, waxa jira inaad ku wareerteen shirgudoonkii shirka lagu doortay waxay shaqadeedu ahayd inay isku soo ururiyaan codadkii iyo xubnhii golaha dhexe si ay gudoomiyaha ugu soo gudbiyaan balse dhinac kale ayey la mareen, waxa dhowaan ka hadlay Xinif oo sheegay in qodobka 14 uu ku arki waayey awoodda gudoomiyaha, haseyeshee muu arki waayin ee wuu garan waayey oo aqoon bay ka ahayd ee waxaan u sheegayaa in qodob 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha”ayuu yidhi Xoghayaha ururka Subeer Awal Cabdikariim.

Faysal Maxamed Madar (Faysal Qumuj) ayaa sheegay in madaxweynaha sida uu doono ha u arkee ay tahay markoodii, isla markaana beesha subeer Awal kula heshiiyey inay shanta dambe isku soo sharaxan.

“anagu ma nihin dad lagu guuri karo ee waxaanu nahay dad wax ku guuura, qolada kula joogta hadii ay been ku sheegeen maanta anaga runta ku sheegayna oo kugu celinayna ee maanta waa markayagii cidii doonta ha ka xanaaqdo, madaxweynaha waa inay beeshiiisu qabata oo runta u sheegna, anagu cid ma caayeyno cidna ma af lagaadaynayno laakiin waxaanu u sheegaynaa uun in aanu maanta maalintayaddii tahay”ayuu yidhi Faysal Qumuj.

 

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dhalinyaro iyo aqoonyahan ay ka mid ahaayeen Ayaan Muuse Ismaaciil, Cabdirisaaq Xasan Rakuub iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo cadeeyey inay mawqifkoodu yahay inay taageeraan musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye cidna uga cadhoodhayn ee ay hanti badan iyo dhiig badan ka qabo oo wakhtigii ay madaxweyne Siilaanyo taageerayaan dhalinyaro badan oo beeshani u godgashay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in wasiirada ku garab roorayaa ay yihiin kuwii beelahooda kalsooni ka haysan ee wakhtigii doorashaddii baarlamaanka ku dhacay.

Si kataba ha ahaatee, munaasibadan oo dhalinyaro badani iskugu timid ayaa si wanaagsan ku soo gabogabowday, isla markaana nabad ku soo dhamaatay, waxaana isaguna dhalinyaradaasi siday u hadashay iyo nabadgalyada ku soo gabogabeeyeen ugu hambalyeeyey dhalinyarada mulkiilaha hoteel Crown  Cismaan Hindi.

 

 

 

 

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...