Monday, March 30th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Waxa furmay kulankii ay xukuumadu ku baaqaday inay mucaaridka kula kulantao 20ka May

Published on May 20, 2015 by   ·   No Comments

Waxa si rasmiya uga furmay magaalada Hargeysa kulankii uu ku dhawaaqay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.  Kulankan ayaa waxa isku soo horfadhiistay dhinacyada xaga siyaasada ee ku kala duwan mudo kordhintii ay golaha guurtidu u meel deyin ee ay u sameeyeen xukuumada Kulmiye.

Dhinaca xukuumada kulankan waxa ku metelaya  Madaxweyne ku xigeenka Saylici, iyo wasiirka arimaha gudaha Warancade.  xaga xisbiga Kulmiye ay metelayaan Gudoomiye muuse biixi iyo gudoomiye ku xigeenka Maxamed Kaahin,   Xisbiga wadani Cabdiraxman  Gudoomiye Cirro, Xisbiga UCID gudoomiye Faysal.

 

Laakiin lama hubo inay shirka ku weliyaan xubnahii kale ee la hadalhayey inay labada dhinac kala metelidoonan, sida gudoomiye ku xigeenada xisbiga UCID Seed iyo Cali Gurey,   dhinaca UCID musharaxa madaxweyne ku xigeenka Mataan iyo Buubaa.   dhinaca xukuumada gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Faarax.

Dadka siyaasada ka faalooda ayaa saadaalinaya inaan wax natiijo ahi ka soo bixi Karin kulanka maadama ay labada dhinac kala taaganyahiin laba meelood oo aad u kala fog, halka ay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ku doodayaan inan laga noqon Karin go,aankii golaha guurtida oo ah mid dastuuriya, sidaa darted kulankina yahay is turxaan bixin murankii ka dhashay mudo kordhinta, halka mucaaridkuna taaganayahay in laga noqdo mudo kordhinta golaha guurtida oo lagu noqdo mudadii ay gudida komishanku qabtay.

Dalalka Somaliland taageera ayaa indhaha ku haya, waxa ka soo baxa shirkan manta furmay,  dhinaca kale waxaan la sheegin in shirkani uu  manta ku egyahay inuu sii socondoono dhawrka cisho ee soo socda.

 
,, ,,,.