Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shirkii Wadahadalada Xukuumada iyo Mucaaridka oo ay xukuumadu dib ugu riixday ilaa iyo beri Salaasada

Published on May 25, 2015 by   ·   No Comments

Kulankii sedexaad ee loo balansaan inay fooda is daraan xubnaha kala metelaya xukuumada iyo sedexda xisbi qaran maanta oo isniin ah ayaa ay xukuumadu codsatay in dib loo dhigo ilaa iyo malinta beri ee salaasada ah.   Dibu dhacan ayaa la sheegayaa inay xukuumadu weli ku mashquulsantahay sidii ay u xalaalaysanlahayd 22kii bilood ee gurtidu sheegeen inay u kordhiyeen xukukuumada.   Warar ka rasmiga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya inay xukuumadu adeegsanayo oo ay abaabulayso culimada waaweyn ee dalka siiba kuwa dhinaca xukuumada lagu tiryo, iyadoo la sheegayo in wasiir xirsi uu xalay kulan ugu tegay imaamka masaajidka cali mataan ee Sheeekh Maxamed Adaan, sidii uu u soo horkici lahaa culimada waaweyn oo dhexdhexaadin ka gasha arimaha dhexdhexaadinta ee labada garaba iyadoo xukuumadu rabta in culimadu ka dhaadhiciso mucaaridka inay ogolaadaan 22ka bilood oo aanay aduun weynaha inagu soo jeedin.

Gudoomiyaha xisibiga UCID – Faysal Cali Waarabe oo ka hadlaya dibu dhaca ku yimid wadahadlada ayaa sheegay inay ilaa beri taageersanayiin dibu dhaca ku yimid shirka hase yeeshee wuxuu ka digay in dhinaca xukuumada xal lagu qanco laga sugayo oo ay la yimaadaan, waxaanu sheegay hadii xal la gaadhiwaayeo inaanay guud ahaanba aqoonsanaandoonin xukuumada Kulmiye wixii ka daneeya 26ka June ee sanadkan, waxaanu sheegay waxaanu qaadidoonaa talaabooyinkii aanu aniga iyo siilaanyo heshiiska ku ahayn xiligii mudo kordhintii xukuumadi UDUB ee ahayd in shir qaran la iskugu yimaado oo la soo dhiso dowlad ku meelgaadh ah.  Faysal ayaa dadka u sheegay inay kala doortaan koox kiish daloola wadata iyo inay dalkeena doorasho ka dhacdo oo shacabku meel uga soo wada jeeesto.

Dhinaca kale gudoomaha xisbiga Wadani – Cabdiraxman Cirro ayaa isaguna sheegay inuu ogolyahay dibu dhaca ku yimid shirkii maanta ee ilaa beri, waxaanu ka dhawaajiyey in xukuumada xal laga sugay, waxaanu sheegay inaanay jirdoonin mar afraad oo dib loo dhigo oo ay xakuumada 3 jaanis oo hore siiyeen, sidaas darteed waxaanu ugu ducaynaynaa madaxweyne ku xigeenka buu yidhi inuu la yimaado xal lagu heshiiyo.

Labada xisbi ee mucaaridka ah  ayaa kala taagan laba meelood oo kala durugsan, xisbiga UCID ayaa isagu wata in la isla ogolaado qorashii xisbiyadu ku heshiiyeen ee 15ka November 2016, halka xisbiga wadanina uu wato qorshahii gudida dooroshooyinka ee 1da June 2016ka, halka ay xukuumaduna wadato qorshahii ay guurtidu ugu kordhisay 22ka bilood.

 
,, ,,,.