Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xildhibaan Golaha deegaanka Hargeysa oo shalay ciidanku ku garaaceen oo ay xidheen markuu ku dhejistay gaadhigiisa sawirka Muuse Biixi

Published on May 31, 2014 by   ·   No Comments

Hargeisa 31/05/2014 – (SDWO.COM & SomalilandNews.net)  Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa ayaa isagoo hortaaga hotel ka iskaandaniifiyan ee xaafada Dunbuluq ay ciidan boolis ah ku qabsadeen inuu ku dhejistay gaadhigiisa sawirka Muuse Biixi.

Ciidankan ayaa sawirkii gaadhiga ka rifay, xildhibaankiina si xun u jiidjiiday oo gaadhigoogii saartay oo ay doonayeen inay soo xidhaan, nasiib wanaag waxa goobtii soo gaadhay mayer ku xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne oo  markiiba telephone kula hadlay taliyaha booliska una sheegay inuu ciidankiisa amarsoo siiyo ah inay xilidhabaanka ay xidheen faraha ka qaadaan, hadii denbi loo haystana talaabada sharciga ah loo soo maro oo aan sharcigu dhigeyn in xildhibaan iska socda boolisku iska xidho.

10363700_520433311416116_259636681539351798_n

Sawirkii xildhibaanka lagu qabsaday

 

Arintan ayaa ka mid ah talaabooyinka guracan ee maalmahan u danbeeyay ay boolisku ku kacayeen in qofka sawirka Muuse biixi ku dhejista gaadhigiisa la xidhayo.

Dadka aya ilaa hada isweydiinaya cida soo bixinaysa amaradan aan loo dulqaadan Karin ee cabudhanysa fikirka iyo xoriyutul qawlka qofka.

 
,, ,,,.