Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne ku xigeenka oo shaahado sharaf gudoonsiiyey Maayerka Magaalada Berbera

Published on June 28, 2015 by   ·   No Comments

Gudida wasiirada ee ku hawlan maamul daadajinta oo uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa sidii caadada u hayd ku kulmay shirarkoodii 16kii bisha 6 2015 kaas oo ka dhacay Hall shirarka ee Madaxtoyada, waxaana ka soo qayb galayn Wasiiro, Agaasimayaal guud iyo Maayarada degmoyinka lagu bilaabay tijaabada maamul daadajinta.

berberamayr1

Berbara oo ka mid ah degmooyinka lagu bilaabay tijaabada maamul daadajinta waxbarashada ayaa loo aqoonsaday inay noqotay degmada ugu muhiimsan ee sida fiican u fulisay hawshii loo qorsheeyay, waxaana uu halkaa Madaxwayne kuxigenku ku gudoonsiiyay Shahaado sharaf uu mutaysatay Maayerka degmada berbera Mr. Abdishakur Mohmaoud Hassan Cidin oo isagu hogaaminaayey maayaradii lagu tijaabiyey maamul daadejinta, ka dib markii uu sidii la rabay uga soo baxay ugana dhex muuqday guud ahaan gobolada dalka.

Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku ku dhiiri galiyay maayerada kalena in ay horumar sameeyaan kuna daydaan maayar Cabdishakuur si ay bulshadu u hesho adeeg kufan oo ku filan, dalkana u noqda bilic iyo waxqabad muuqda oo dhaxal gal ah.

Kulankan oo ahaa mid ay inta badan ku tartamaan maayarada magaalooyinku ayaa bishan loo aqoonsaday maayarkii ugu haboonaa maayarka Gobolka Saaxil Mudane Cabdikashuur Maxamud Xasan Cidin


berberamayr2 berberamayr3

 
,, ,,,.