|
|
Baaq In La Sii Daayo Cali Qoryooley Xisbiga ILEYSKA Somaliland oo ka mid ah todobada xisbi ee sharciga ah ee ka jira Somaliland sinaba uma aqbali karo in hawl wadenadiisa iyo dhammaan xubnihiisa laga qaado xoriyadooda dastuuriga ah si sharci darro ah, laysagana hayo sabab la’aan, laguna hayo caddaalad daro, taas oo si weyn u dhawici karta dimuqraadiyada, talo wadaagta iyo si siman ugu loolamidda hoggaaminta qaranka oo dhammaantood rukummo aas aasi ah u ah distoorka, sharciyadda iyo wada lahaanshaha Qaranka Somaliland. Sidoo kale Xisbiga ILEYSKA Somaliland wuxu aaminsan yahay in Cali Qoryooley haba yaraatey aanu danbiile ahayn, mana jirto sabab uu ugu sii nagaado xabsiga. Waxa kale oo marag madoonto ah in lagu tuntay Distoorkii iyo sharuucdii dalka oo aan marnaba la horkeenin maxkamad sharci ah. Sidaa darted Xisbiga ILEYSKA Somaliland wuxu si weyn ugu baaqayaa in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo xoriyaddiisii dastuuriga ahayd muwaadinkaas oo isla markaana ah xubin firfircoon oo ka tirsan Xisbiga ILEYSKA Somaliland.Ibraahim Ducaale Saleebaan(Tallaabo) - Guddoomiyaha Xisbiga ILEYSKA Somaliland
|