SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

WARSAXAAFADEED KU SAABSAN DOODII  LA MAGACBAXDAY CAAWA CAQLI KEEN  

Nin xilqaaday eed qaad 

(Somaliland Democracy Watch Organisation SDWO 06/07/04). Waxaad odhankartaa Somaliland dimoqraadiyadeedii  waxbaa u kordhay mar hadii sedexdii xisbi intey meel soo wada fadhisteen ay si cad uga wada doodeen danta guud ee dalka iyagoo meel iska dhigey isku muuqashadoodii iyo hebel ku jiqsii. 

Marka u horeysa waxa amaan balaadhan u soo jeedinaynaa ururkii soo qabanqaabiyey kulankii Caawa Caqli Keen ee Xarunta Xal Abuurida (Center for Creative Solutions) ee xilka weyn iska saaray inay doodani qabsoonto oo isla markaasna meel ay iskugu keenan masuuliyiin ka kala tirsan sedexda xisbi oo qarkood goolaaftan weyni ka dhexeeyay. 

Arimaha halkaas lagaga doodayna waxa ay bilow u yahiin hanaanka dimoqraadiyada ay Somaliland qaadatay taasi oo noqotay meel kulmisay sedexda xisbi iyo shacabigoodii waxaanu rajaynaynaa in xaruntani ay halkaas ka sii wadidoonto oo ay soo qabanqabindoonto kulmo kale oo noocan oo kale ah, sida sedexda xisbi oo dood la iskugu keeno ku saabsan waxa ay dalka iyo dadka u qabanayaan ee ay rabaan in lagu doorto sida, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, shaqo abuurid, nabadgelyada iyo arimaha dibada, si ay iskaga dhaafaan shaqsi weerarka iyo hebal waxaas buu ahaan jiray. 

Hadaba waxa mid aad looga fajaco oo lala yaabo  noqotay warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha wakiilada ee canbaareeyay kulankii quruxda badnaa ee Caawa Caqli keen oo dad badani guda iyo dibadba ku diirsadeen taasi oo warsaxaafadeedka lagu sheegay inay ahayd meel madaxda lagu aflagaadaynayey oo la marin habaabiyay oo aan wax midho dhal ah yeelandoonin.    Takale ee la isweeydiiyay waxay tahay maxaa keenay in warsaxaafadeedkan la qariyo afhayeenka baarlamanka ee uu magaciisu  ku saxeexnaa. Golaha baarlamanka marna lagama filayn arin noocan oo kale ah iyo diidmo caadaan ah oo ay kaga hortagaan hanaanka dimoqraadiyada ay Somaliland qaadatay,  Nin xilqaaday eed qaad bay somalilidu hore u tidhi, markaa ninka masuulka ahi waa inanu ka boodin hadii waxqabadkiisa wax laga sheego oo aanu u turjuman in la caayey, Madaxweynaha Maraykanka iyo Raysawasaaraha Ingriiskaba inta dadka la soo horfadhiisiyo oo telefishanka aduunkoo dhana laga daawanayo ayaad arkaysaa dadkoo intay mikirifoonka qaataan ku leh beenbaad sheegaysaa ama aad sheegtay iyo daacad matahid, waa kee masuulkeena taas oo kale aqbalikaraa dimoqradiyadana sheeganaya.  Hadaba laba aan isqaban aan kala reebno dimoqraadi baanu nahay iyo lama hadlikaro. 

Xukuumadana waxa ku waajib ah inay kulmada noocan oo kale ah ay dhiirigeliso oo ay ku taageerto Idaacada Radyow Hargeysa oo ay u suurto geliso dadweynaha inay doodaas ay ka dhegaysankaraan Idaacadu intii ay gaadhikarto, sababtoo ah idaacadu qayb weyn bay ka qaadataa waciyigelinta dadweynaha, doodahana waxay ka mid yahiin kuwa ugu mihiinsan wacyigelinta dadweeynaha. 

Gebogebadii waxaanu ku soo gunaanadaynaa Xaruntan dooda quruxda badnayd soo diyaarisay amaanbay ka mudnaayeen golaha baarlamanka iyo xukuumada ee may ahayn in la canbaareeyo oo hawshii sida tabaruca ah ay iskugu xilqaameen laga niyad jebiyo.  Se waxaan leenahay umadeenii baa ilaahay sidaas ka dhigaye ee ha ka caajisina, hana ka niyadjabina ee joogteeya kulmada noocan oo kale ah 

Long Live Somaliland 

Guuleed Cabdisheekaash – Gudoomiyaha Ururka SDWO

Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO  

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE