|
|
DAMEER
RAACNAYAA BAQALKU DUULNAYAA DOORKAN WAA INAAN DAYAXA AADNAA Fajeciso,yaab iyo
amakaag ayaa ku dhacey dadkii Markey akhristeen eeda ka soo yeedhey mujaahidka
dhiiranaanta iyo af-adeyga kaalinta koowaad galey, xaalku wuxuu ka dhigan yahey
sidii ninkii yidhi Dameer Raacayaa, Baqal
ku duulayaa, Doorkan waa inaan Dayaxa aadaa. Ifafaalaha
muuqdey maalmahan, kadib doorashooyinkii dawladaha hoose oo aad moodo in xisbiga
KULMIYE natiijadii uu filayey uga
soo bixin dabadeedna shaki ka galey guusha doorashada madaxweynaha oo u ekeeyd
in xisbigu isa siiyey saadaashoodii hore, mareyso ilaa aflagaado madaxweyne,
Mujaahid buugu wuu yaaley guddo iyo dibedba
12 sanadood ee u danbeeyey, madaxweyne RIYAALENA hogaanka sare ee dalka
ayuu ka mid ahaa 6 sanadood ee u danbeeyey wax waqtigan Awrta xidhiidhsan loola aadayo baasle waxbaa nooga iftiimey. Runtii eedu waa
mid khalkhal iyo buuq lagu galinayo dalka iyo dadka markaan qiimeyo xilliga
hadalku soo yeedhey, waxaanse ku faraxsanahey bulshada Somaliland oo ah dad ka
korey aqoon fiicana u leh,xirfada ay adeegsadaan
siyaasiyiinta ku caanbaxey iney ku fushadaan dantooda dabadeedna ka
dhaqaaqaan. Waa su’aale yaa dayacey kuwii soo dagaalamey, soo naafoobey, ku
agoomoobey iyo danbiilayaashii dhibta geystey?. Mujaahidku door
weyn buu ku lahaa hogaaminta SNMiyo Somaaliland-ba, sidoo kale saaxiibadiisa ku
jira xisbiga KULMIYE ma manta ayey xusuusteen, oo ay weliba kula dul kufeen
madaxweynuhii qaranka mise xaalku waa habar dhalli weydey allelo ku waalatey, la
idiinkama fadhiyo inaad qalalaase ku abuurtaan marxaladan kala guurka ah oo aad
la soo shir tagtaan eed iyo canbaareyn aan meelna heysan dadweynaha somalilandna
idiinku dooran mayo sidaasi waxa la idinka dhowrayaa waa barnaamij hufan oo aad
idinku ku qeexeysaan siyaasadiina. Madaxweyne Daahir
Riyaale wuxuu sidaa sharftii Qaranka iyo umada Somaliland sifo sharci ahna wuu
ku yimid hogaanka, mana gayaan in sidaa qaawan loo aflagaadeeyo Qaranka iyo
umada somalilandba, xagxagashadan foosha xumina waxey sii siyaadineysaa
taageeradii umadu u heysey Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba. Xaqiiqo weeyi
inuu hadalkaasi yahey mid ka dheer kana fog luqada siyaasiga isla mar ahaantaa
ay waxyeelo weyn u geysaneyso xisbiga kulmiye ee uu mujaahidku ka tirsan yahey
kaasoo uu hogaamiyo mudane siilaanyo oo loo aqoonsan yahey inuu yahey siyaasiga
ugu hadal hufan una xirfad badan 3 musharax ee asxaabta siyaasiga ah. Gebogabadii
Waxaan leeyhay dadku inuu samraan moodaye
waa sidii welli, naftan ay saacado u hadheen loo saldhigiwaa, islamarkaa
bulsha weynta Somaliland ay sare ugu dhawaaqayaan Wallee
seefta boqonteyda goyn dib uma soofeysto. SOMALILAND DALKEYGA SOMALILAND DADKEYGA |