|
|
Doorashada Qabyada ah, Qiilka Guurtida, Qaladka Gudida Doorashada, iyo Qaniinyada Ururada Siyaasada Sida xogogaalku ka wada war hayo, 7 bishan waxay Gudida Doorashadu ku dhawaaqeen dib u dhac ku imanaya doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka madaxwaynaha, iyaga oo sabab uga dhigay dib u dhaca doorashada arimo la xidhiidha xaga dhaqaalaha sida, iyaga oo ayna diyaar ahayn, sanaaduuqdii, iyo documentigii kale ee lagama maarmaanka u ahaa qabashada doorashada. Haddaba gudiga doorashadu qoraalkii ay soo saareen sida u cad waxa ay ku tilmaameen inay tahay Goaan doorashadiina ay dib u dhigeen ilaa 30/03/2003, xiligani oo ah 37 cisho ka dib maalinta ugu danbaysa mudada sharciga ah ee xukumada madaxwayne Riyaale, oo ay tahay in la doorto madaxwayne iyo u xigeen cusub 22/02.2003. Waxa haddaba mid lala yaabo noqotay Goaanka ka soo yeedhay Gudida doorashoonyinka ee aan meelnaba haysan, maadama oo sharcigu dhigayo in doorashada laga faraxasho inta ka horeeysa mudada u hadhay xukumada hadda talada haysa taasi oo lagu macnayn karo Karti daro ka soo if baxday Gudida doorashada waxayna dhaawac wayn gaadhsiinaysaa dhamaan wixii wanaag ahaa ee ay soo qabteen ,maa daama oo ay jabiyeen Dastuurkii dalka u yiilay kaasi oo ah ka kala xaqaya umada isla markaana lagu kala baxayo marka la is qabsado. Waxa iyaguna si ban u
dhaliilayn Golaha guurtida kuna tilmaamay inay gudida doorashadu faraha la
galeen arin aan iyaga u ool isla mar kana ay faraha la galeen xil u yaal
golaha guurtida, waxa kale oo Arintaasi qoraal ka soo saaray madaxwayne
Rayaale, oo ku tilmaamay dhawaaqaa ka soo yeedhay gudida doorashada in loo qaato
mid talo bixin ah ka dib marki uu arkay inay gudida doorashadu ay qar jafayaan. Runta marka la iskugu yimaadana
waxa arintaa dhaliisheeda qaadaya inta u badan Gudida doorashada oo ah gudidii
looo igmaday inay dalkan ay ka dhacdo doorasho , Gudida doorashadu waxay ka
gaabiyeen sida cad arintii loo igmaday waxayna ay qabyo ka dhigeen dorashadii
loo hanwaynaa, waxayna wadaan "Maantana farbaan maydhayaaye Ha
ii fadhiyo geelu", soo maaliduna waxay tidhaa "Arin Dag dagsiiyo u
Baahan Lagama Daaho", waxay ahayd in gudida doorashadu ka sii gaashaan taan
una diyaar garoobaan, lana socodsiiyaan xukumada talada haysa wixii doorashada
dib u dhigaya, tusaaale ahaan arintan hadda ay sababta uga dhigayaan inay dib u
dhigtay doorashada oo ah arin dhaqaale,taasina waa qiil raqiisa, waana
arin lagu tilmaami karo Maamul xumo iyo inay Gudida doorashadu Ragaadiyeen
Hawshii loo Igmaday.
Haddaba saddexdaa arimood ee kor ku xusan waxa iyaduna daba socota suaal ah, Ma suuroobi karaan, bal aynu si kooban u eegno:- Waa Qodobka koowaade, waxa xukumada mudada u kordhinkara Golaha guurtida oo ah golaha labaad ee xeer dajinta dalka marka laga yimado Golaha wakiilada, qodobka awooda siiyana waa qodonkaa 83 aad Farqadiisa 5 aad, oo haddii aynu ku celino odhanysa "Hadii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka marka mudada xilkoodu dhamaado waxa golaha Guurtida ku waajib ah inay mudada xilka u kordhiyaan madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, iyaga oo tix-gelinaya mudada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto". Haddaba maadaama ayna maanta jirin Nabad galyo xumada uu tilmaamayo qodobkani , waxa iska macruuf ah inaanay bananayn in la adeegsado Qodobkan, laakin sida looga bartay Golaha guurtida inay ku xagaf siindoonaan qodobkan , iyada oo horeba ay u isticmaaleen xiligii xukunkii Marxuum Maxamed Ibraahim Egal (Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyee), Haddaba doorkani waa wakhti ka gadisan xiligaa ay isticmaaleen noqona maayo sidii bariigii hore, oo waxa muuqata sida Asxabtu uga qaylinayso maanta in loo kordhiyo xukumada. Waxayna hadda ku hawlan yihiin Golaha guurtidu sidi ay wadada ugu sii xadhi lahaayeen isticmaalka qodobkan , iyaga oo guud ahaanba la shiray Asxaabta Siyaasada ee dalka oo la filayo inay yidhaahdaan Adeerayaal duca qaata laakin bal waa Eegi doonaa Halka ay ku danbayso. Haddii aynu uga sii gudubno qodobka labaad , oo ah in Haddii Doorashadii suurtoobi wayday , Qodobkii 83 shaqayn waayay , waxa Distoorku banaynayaa inuu xilka sii hayo Gudoomiyaha Golaha guurtidu inta ay doorasho ku suuroobayso. Arintan oo Haddii sharciyan la eegayo noqon karta mid lagu wada qanci karo, Maadaama oo Distoorkii dalku ina farayo, iyado asxaabta siyaasigii ay ogol yihiin sida ku cad baaqa tala bixin ta ah ee ay soo saareen saddexda xisbi ee , Hormood , Sahan iyo Asad, ee odhanaya in la sameeyo Dawlad ku meel gaadha oo ay u wada dhan yihin dhamaan asxaabta dalku. xukumadaasi oo soo diyaarisa Doorashooyin xalaala, oo laga wada raali yahay. Ugu danbayn Arinta saddexaad haddi aynu u gudubno, In wax ka badal lagu sameeyo Distoorka dalka Kaasi oo ah mid Fasax uu inoo siiyay Distoorka dalku , Xalna noqon kara in loo adeegsado in wax lagaga badalo qodobka 83 5 aad , oo lagu daro Duruufaha hadda ina hortaagan ee ah xaga dhaqaalaha waa haddii aynu u raacno Adeegsiga qodobka 83 aad iyo Gudida doorashada taladoodii. Sideedabana wax ka badalka Distoorku waa mid inoo banaan xili kasta, waana mid aynu waxna ku soo kordhin karno waxana ka badali karno, Si ay Xeedho xeedho u noqoto ilkana u nabad galaan, Mana aha Distoorku Waxyi samaawiya, ee waa wax ay Umada somaliland iyaga oo dhan ku heshiiyeen, Imikana Haddii lagu heshiiyo in wax laga badalo Waa arin mudnaanteeda leh, waxa mihiim ah uun kolba wixii ay Umadu ka raali tahay in lagu dhaqo lagaga baxana dhibaatada jirta. Ugu danbayntii waxa aan ku soo xidhayaa qoraal kaygan, Bal aynu dhawrno Halka la iskala soo dhaco Maalmaha soo socda iyo "Doorashada Qabyada ah, Qiilka Guurtida, Qaladka Gudida Doorashada, iyo Qaniinyada Ururada Siyaasada" Wabilaahi Towfiiq: Mohamed Mohamoud Aden (Mohd Dubbe) m_dubbe@yahoo.com Hyderabad , India
|