SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Ninka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye

Cumar Cabdi Nuux - Finland

Ninka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.. ereyadaasi waa ereyo  ka da wayn 30 sanno waxaa laabtiisa ka soo maalay alla ha u naxariistee C/laahi Suldaan Tima-Cadde.. Aamiin ..
ereyadani waa ereyo la wada yaqaan ciyaal ilaa ciroole se aad moodo in la isu adeegsado kaliya marka wax la iska ridanayo.. tima cadde markuu ereyadan tirinayay dabcan xaalada maanta taagan way ka duwanayd se bal ereyadu waa kuwo dhaxal noqda ereyadan iyo kuwa la midka ahiba ay jiridoonaan ilaa inta afkani ka jiridoono (Af-Soomaali) 
 
Ereyada abwankan hadaan kala qaado oon soo qaato ereyga hore ee ah Ninka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye .. ereyadani waa ereyo qiimo iyo qaayoba ugu fadhiya dadka caqliga wanaagsan ee imaanku dheehanyahay markiiba waxaa kugu soo dhici karta in ereyadani xujo yihiin.
runtii abwaanku marka uu ereyadan tirinayay macnahoodu waxa uu usocday sida ay u taaganyihiin abwaanka oo isla markaa dadka ku soo dabaalayay in bal in uun diinta loosoo laabto taasoo dawo u noqonkaraysay qabyaaladii iyo cilmi la aantii jirtay xiligaa.. wakhtigaa oo wax dagaal ah oo si xun la isu gumaaday aanu taariikhda ku soo marin iyadoo la isu gumaadayo kaliya qabiil ahaan dagaaladii ka soo maray dadka Reer somaliland  dawlladii cadawga ahayd ee la baxday Kacaanka .. dagaaladani khaasere badan ayay gaysteen waxaad se moodaa in woxogay khibrad ah laga faaiiday,
khibradan oo ah in bal hadii qabiil qabiil ku dagdagi jiray ama odayaal qabiil ka socdaa xume ka talis la soo ordi jireen in bal maanta dib u yar hakiyaan arimahaas  oo la wada ogaaday in qabiilna aanu quudhsan karayn ama aanu muquunin karayn haduu dad iyo dhaqaaleba ka badanyahay kankale  kolay khibradahaasi waa kuwooda wanaagsan..
 
in badan baad aragtaa  wax wax ku siiya se wax wax kuu sheega in yarbaad aragtaa,
dulucda nuxurkani waxay tahay hadaynu eegno xaalada maanta Somaliland taagantahay baa waxay tahay in muddo 12 sanno ah  la waday sidii bal 30kii sanno ee ka ka lumay somaliland in bal ay si dagdag ah ku gaadho nasiib darro Somaliland waxyaabaha ay ku soo hagaagtay ilaa hadanna hortaagan baa waxay tahay in bal marka hore ay la jaar tahay Dad aan dawlad lahayn oo jaarxumo Somaliland xagaa ka dareento (Somaliya)  dhanka kale waxaa inaga xigta Dawlad xumaantaada mooyee wanaagaaga aan ka talin (Jabuuti) taasna waxaa keenaysa dee in ay meelo badan inagula bartamayaan oo ay eegayaan hadhaw somaliland oo la ictirafo waxaa idinka wareegaysa Dakada bada cas  waxaa la idinkaga xoog badanayaa xaggan iyo badacas waxaa la idinkaga awood badan doonaa dhulka iyo badaba dhaqaale ahaan iyo awoodba..
 
xagga kale jaar waxaynu la nahay dawlad qadiimi ah oo jirtay wakhti dheer  waxyaabaha aynaan isku keenayn waxaa ka mid ah dawladan iyo inaga waxa weyn ee mar walba tuhunku ka taagnaanayo oo ah Diimaha kala duwan oo mar ay noqotoba la iskaga hor iman doono ta dheeraadka ah oo ah in bal hadana xaqiiqda marka loonoqdo Ethopia ay isku dayayso in aan laga madaxbanaanaan oo ay isku dayayso in bal mar walba saas loo hoos joogo oo saas loogu baahdo .
 
intaas oo arimood jamhuuriyadan u adkaysiga badan waxay ugu adkaysanaysay oo ahayd in bal ay isku duubnaan muujinayeen goor iyo ayaan shacabka dahabka ahina tan iyo haatan shookaanta u hayeen siyaasiyiintooda aa aanay marnaba ka indho jeedsanin hogaanka dalka..
 
runtii hadaba waxaa la soo gaadhay xili aynu ka ilka dhacsano hab beeleedkii oo loo gudbo dimuqraadiyad iyo afkaar meel wada marta  muran door leh ayaa hadaba dhex taagan labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye oo ku saabsan bal hada kii doorashadaa sida xalaasha ah u helay taas oo kama danbays ay maxkamada sare ee qaranku  ansaxindoonto kooda guulaytay hadaba shacabyohow wanaagsani inagoo kala Xisbiyo ah hadana aynu is kuwada xisbi nahay oo 4jiho ee Somaliland jihada bada mooyee jihooyinka kaloo dhan ay inaga xigaan dad ay tahay in aynu ka foojignaano mar walba ayaa waxay tahay talada maantu in aan lagu jahawareerin xisbiyada koodii badiya oo kii badiyaba loo hogaansamo dhammaan taageerayaashii kala duwanaa, oo danta guud la eego, waa in la xasuusto in labada xisbi ee is eryanayaa labadaba si is le,eg loogaga codeeye dalka bari ilaa galbeed oo xisbina qabiil laguma tilmaami karo xisbina qabiil ma beer laxawsan karo dadka kala duwan oo fikrado ku walaaloobay weeye umada codaysay yaan la kala didin,  hogaamiyihii xisbi ee duda ama ka dida ga,aanka maxkamada sare dee kaas umaba cadda 3jiho ee ah in la iska ilaaliyo  kaa dhan ha laga wada maro waayo wuxuu duulan ku noqon doonaa jamhuuriyadan dahabka ah
 
ugu danbayn iyo gabogabo  oo ah ninka  duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyeene dhammaan xisbiyadu waxay balanqaadeen in distoorka loo hogaansamo diintana lagu dhaqo dalka ballan qaadyadaa xicbiyadu yaanay ka bixin
 
Wabillaahi Towfiiq
 
Cumar Cabdi Nuux
Helsinki Finland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE