|
|
Dal Afduuban, Dad Qafaalan (Hijacked Country, Abducted People) Waxaaa qoray: Ibrahim Xasan Gagale Dhalashadii Jamhuuriyadda Somaliland ee bishii May 1991 kuma iman sal-fudayd iyo laab-la-kac balse waxay ku timid go`aan taariikhi ah oo lagama maarmaan ahaa ka dib markii Somalia ummadda geyigaas ku dhaqan ka gashay dembiyo culus oo xidhiidh ahaa muddo 30 sano ah (1960-1990) kuwaas oo isugu jirey xukun dulmi, xasuuq weyn, iyo burbur aad u fool xun. Waxaa kale oo ummadda Somaliland si wadajir ah isugu raacday in dalka iyo dadka Somaliland lagu dhaqo nidaamka dimoqaraadiga ah si loo sugo cadaaladda, loo gaadho horumar degdeg ah, loona helo aqoonsi caalami oo dhakhso leh. Jamhuuriyadda cusub ee Somaliland waxaa lagu qaaday dagaal siyaasadeed ee dibadeed si laysku hortaago qaranimadeeda iyo aqoonsiga beesha caalamka. Dawladaha shisheeye ee dagaalkaas isku bahaystay waxaa kaalinta hore kaga jirey welina kaga jira Jabuuti, Somalia iyo dalalka Carabta. Markii dagaalkaas siyaasadda ee dibedda lagu fashilmay, waxay huwantaasu go`aansadeen, siiba Jabuuti iyo Somalia, in dagaalkaas qaran-dumiska ah loo raro gudaha Somaliland, waxaana geed dheer iyo geed gaabanba loo fuulay sidii loo dhexgelilahaa xukuumadda, golayaasha iyo Xisbiyada Somaliland gacantana loogu dhigilahaa xubno awood sare ku leh Jamhuuriyadda Somaliland si loo fusho shirqoolada lagu burburinayo dimoqaraadiyada dalka ee lagu mijaxaabinayo madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland. In kasta oo Moxamed Ibrahim Cigaal qudhiisu ahaa keli-taliye xukunka dalka maroorsaday mudadii 9 ka sano ahayd ee uu ka talinayey geyigaas (1993-2002), isku dhacyo jireen, dimoqaraadiyada Somaliland dhaawacantay, dhaxalkaas xunna uu uga tagey Somaliland, ayaa haddana waxa uu markasta burburinjirey shirqoolada shisheeye ee lidka ku ahaa qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland, waxaanu daacad u ahaa qadiyadda Somaliland ee madaxbanaanida iyo aqoonsi u raadinta oo meel fiican maraysey. Maalmo yar ka dib geeridii Cigaal ee May 2002, waxa Daahir Riyaale Kaahin loo dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo ka mid ahaa saraakiishii aad daacadda ugu ahayd Taliskii Siyaad Barre ee laga xorreeyey Somaliland lana dagaallamay Ururkii SNM. Tan iyo maalintii Riyaale loo magacaabay hoggaanka Somaliland, waxaa dalka ku habsatay ceeryaamo madaw oo ku salaysan siyaasad ah, “Qawda maqashii, hoosna ka burburi.”, waxaa soo baxay tabo aan mugdi ku jirin oo lagu mijaxaabinayo qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland. Riyaale waxa uu noqday ninkii ay weligooodba raadinayeen Ismaciil Cumar Geelle, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo dawladaha labadaas nin u soo shuba lacagta lagu burburinayo Somaliland oo Jabuuti la soo mariyo. Sida aynu la wada socono, markii Riyaale loo magacaabay madaxweynaha Somaliland, waxa uu si deg deg ah booqasho lama filaan ah oo aan lala ogeyn ku tegey dalka Jabuuti waxaanu kulan qarsoodi ah la yeeshay Ismaciil Cumar Geelle , iyada oo la tuhunsanyahay in Ina Salaadna kula soo xidhiidhay khadka talifoonka. Marka la eego waxyaabaha Somaliland ka dhacay shirkaas ka dib, waxaa cad in kulankaas lagu dejiyey sidii loo burburinlahaa madaxbanaanida Somaliland, lana qorsheeyey khadkii lagu fulinlahaa arrintaas kuna salaysan, marka la eego qaska haatan ka taagan Somaliland, sida soo socota: 1. In Riyaale , isaga oo lacagta dawladda iyo ta shirqoolka shisheeyaba ku isticmaalaya laaluush xad dhaaf ah, samaysto xukuumad daacad u ah isaga, kalsooni weyn ka samaysto xubno muhiim ah ee golayaasha qaranka, xusho guddiga doorashooyinka, Xisbiga Udubna dhiso si markastaba loo boobo doorashooyinka si aanu xukunka dalka uga degin ilaa inta la burburinayo madaxbanaanida Somaliland. 2. In Dalka awood sare ay ku yeeshaan xubno taageersan SHirkii Carta ee 2000 si ay uga kaalmeeyaan Riyaale siyaasadda lagu mijaxaabinayo Somaliland. 3. In la burburiyo nidaamka dimoqaraadiyada ee dalka iyada oo xukunka dalka lagu maroorsanayo boobidda doorasho kasta, lana mamnuucayo banaan-baxyada, lana cabbudhiyo xurriyadda saxaafadda iwm. 4. In nidaamka dawliga ah lagu burburiyo qabyaalad, musuqmaasuq, laaluush iyo eex. 5. In sharciga dalka la laalo laguna dhaqo dalka wareegtooyinkii Siyaad Barre oo kale dadkana layska xidhxidho marka la doono, shaqada laga eryo, loona hanjabo haddii aanay taageerin Udub 6. In la dhaawaco xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya si markaas Somaliland cidla isku soo taagto weydana Itoobiya oo ka mid dalalka taageersan una dooda qadiyadda Somaliland. Waxay ahayd dalkii keli ahaa ee soo dhaweeyey isla markaana badbaadiyey maatada Somaliland markii dalkooda lagaga saaray xabbad sanadihii 1988 iyo 1989. Ummadda Somaliland waxay ummadda Itoobiya u haysaa mahad iyo abaal aan duugoobin. 7. Iyo in boobka doorashooyinka laga sameeyo qas iyo qalaalse abuuro xaalad layska horkeenikaro beelaha ummadda Somaliland si loo waayo aqoonsi caalami, qaranimaduna u burburto. Qof kasta oo dersa 7daas arrimood ee kor ku xusan waxa uu ogaanaya inay dhammaantood ka dhaceen welina ka dhacayaan Somaliland. Waxaa hadda lagu jiro qodobka ugu dambeeya ee 7aad kaas oo Riyaale iyo Xisbiga Udub ka abuuray qas iyo qalalaalse doorashadii madaxweynaha ee la qabtay 14kii Abril 2003, markii lagu guulleysanwaayey qalalaasihii laga abuuray doorashooyinkii degaanka ee Diisambar 2002. Sida la wada ogsoonyahay Xisbiga Udub waa lagaga adkaaday doorashada madaxweynaha waxaana ku guulleystey Xisbiga Kulmiye ee uu guddoomiyaha ka yahay Axmed Moxamed Moxamuud “Siilaanyo.” Doorashadan si cad ayaa Xisbiga Udub u boobay iyaga oo gadaal ka keenay sanaadiiq ay buuxsadeen iyo tirooyin ay is-dhaafiyeen. Goobjoogayaashii doorashada madaxweynaha ee caalamka ka socdey waxay caddeeyeen in Xisbiga Kulmiye lagaga boobay guusha laaluush badan iyo wax-is-dhaafin awgeed. Riyaale waxa uu u wakiishay boobka doorashada Axmed Cali Cadami oo uu jagada u dhiibtay kuna musuruufo Huteelada Hargeysa,iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha, Ismaciil Aden Cosmaan, oo isaga oo ku dhaqmaya falalka ay ku kacdo mooryaanta Xamar u hanjaba dadka, ku cabsiiya ciidamada, ruqseeyey ciidamadii iyo shaqaalihii u codeeyey Xisbiga Kulmiye, moodaya in lacagta iyo shaqada dawladda leeyahay Xisbiga Udub, rabana inuu guusha Xisbiga Kulmiye xoog ku qaato taas oo aan marnaba u suurtogaleyn. Maalmo ka hor doorashada madaxweynaha waxa uu Riyaale 3 sano u kor dhiyey Golaha Shacbiga Somaliland si ay ugu xalaaleeyaan boobka doorashada. Golahanu maanta waxba kama duwana golihii dhexe ee Siyaad Barre marna eryijirey marna magacaabijirey, mana metelaan shacabka Somaliland sababta oo ah lama soo dooran ee waxaa iska leh oo ay u shaqeeyaan Taliska Riyaale ee maanta khatarta ku ah qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland. Dad badan oo u codeeyey Xisbiga Udub ma oga shirqoolka uu maleegayo Riyaale ee burburinaya qadiyadda Somaliland. Waxa maanta ayaandarro weyn ah in kii, waa Riyaalee, shalay dadka iyo dalka Somaliland laga badbaadshey uu guusha madaxweynenimada ka boobo kuwii shalay naftooda u huray badbaadintaas (1982-1991) si xalaal ahna ugu guulleystey doorashadaas. Waa arrin aad u dhaliilaysa garashada, damiirka, iyo wadaninimada ummadda Somaliland . Waa hubaal in maanta laga alalaasayo Xamar waxa ka socda Somaliland awgeed oo la leeyahay, "Allaylehe ninkii Riyaale waa burburiyey Somaliland, nin raga dheh." Sida la wada ogyahay, markii Cadami ku dhawaaqay boobka doorashada madaxweynaha, waxa markiiba Riyaale hambalyo deg deg ah u soo diray keli-taliyaha Jabuuti ahna cadawga kowaad ee madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland, Ismaciil Cumar Geelle, waxaana si weyn looga dabbaaldegey Jabuuti. Sidoo kale waxaa Riyaale hambalyo u soo diray madaxweyne-ku-sheegga Somalia, Cabdiqaasim Salaad Xasan. Markaas waxaa halkaas ka cad oo aan mugdi ku jirin in shirqoolka burburinta qadiyadda Somaliland uu dhab yahay, waayo qofna uma hambalyeeyo madaxweyne qadiyad uu diidanyahay. Kooxda warmoogta ah ee aaminsan qaranimada Somaliland kana tirsan Xisbiga Udub, Golayaasha Qaranka, iyo Golaha Wasiiradda ee maanta taageersan una sabcinaysa xukun boobka Riyaale iyo taliskiisa ma oga dambaska dabka huwan oo ah shirqoolka duugan ee lidka ku ah jiritaanka Somaliland kaas oo ay ka dambeeyaan Riyaale, Geelle, Iyo Ina Salaad, mana oga inay ka qaybgelayaan burburinta madaxbanaanida iyo aqoonsiga siyaasadeed ee Somaliland. Ma oga in loo adeegsanayo iska-horkeenka ummadda Somaliland si shirqoolkaasu u hirgalo dabadeedna aayaha Somaliland afka u dhaco. Maanta dalka Somaliland waa afduubanyahay, ummaddiisuna waa qafaalantahay, waxa afduubay oo qafaashay Riyaale, Geelle, Ina Salaad, iyo kooxda warmoogta ah ee Reer Somaliland. Haddaba, marka hore waxaa ummadda Somaliland ku waajib ah adkaynta nabadgelyada, midnimada, iyo deganaanshaha Somaliland si loo fashiliyo shirqoolada cadawga gudaha oo Riyaale madaxa ka yahay iyo kuwa dibedda ee Ina Salaad iyo Geelle madaxda ka yihiin. Marka labaad, ummadda Somaliland waa inay degdeg iskaga badbaadisaa Riyaale iyo Taliskiisa ee Koonfur kuwada haddii kalese waxay ku dhicidoontaa god ka dheer kii SNM ka soo saartay bishii January 1991. Sida keliya ee ay deg iskugu badbaadinkartaa waxa weeye in aanay marnaba aqbalin, aqoonsan, oggolaanna dawlad ay Riyaale iyo kooxdiisa khatarta ku ah aayaha Somaliland ka soo dhisaan boobka doorashadii madaxweynaha. Waa in ummaddu si wadajir ah u taageertaa dawladda uu soo dhiso Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mudane Axmed Moxamed Moxamuud “Siilaanyo.” oo ummadda Somaliland si xalaal ah ugu dooratay madaxweynaha bishii Abril 14, 2003, isla markaana ah halyeyga maanta dalka iyo ummadda Somaliland ka badbaadinkara afduubka iyo qafaalashada cadawga, kuna soo celinkara Somaliland tubtii loo abuuray oo ah Jamhuuriyad madaxbanaan oo sugeysa aqoonsiga beesha caalamka, kuna dhaqikara dimoqaraadiyad iyo dawladnimo nadiif ka ah qabyaaladda, laaluuska, musuqmaaasuqa, markiibana kobcinkara dhaqaalaha dalka oo aad u liita. Mr. Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye waa in aanay marnaba gabin ummadooda iyo dalkooda maanta u baahan badbaadinta mar labaad, waa inay badbaadintaas rumeeyaan. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Qofka aan garan waxa jooga, waxa soo socdana ma garto.” Waxa la joogaa xilligii Taliska Riyaale degdeg loogu bedelilahaa xukuumad xalaal ah, daacad u ah qadiyadda Somaliland oo u madax ka yahay Axmed Moxamed Moxamuud “Siilaanyo.” Ummadyahay kala garo nasteexaaga iyo cadawgaaga oo degdeg iskaga badbaadi Riyaale iyo Xamar, degdegna u soo cesho sharaftaadi qaranimo iyo dawladnimo ee la ogaa wixii dhiig loo daadshey doonyana ku burburay. Waxaaa qoray: Ibrahim Xasan Gagale, May 1, 2003. Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
|