|
|
PRESS RELEASE Dimoqraadiyadii aan sedexda jeer u codeynay ma waxay ina dhaxalsiisay in ardaydii Gebiley iyo waalidkood habeen madoow la xukumo – Waa Ayaan darro Click here - The History of Somaliland
Sida aan ka wada warqabano
waxa dhowaan magaalada gebiley ka dhacday fal aad u qalfsan oo aad u faal xun
isla markaasna aan ka turjumayn xornimo ku noolaanshaha muwaadintiinta ee uu
dastuurku qeexay. Ardaydu iyagoo
ka cabanaya waxqabadka dowlada hoose ee gebiley ayay is hortumeen xafiiska
dowlada hoose. Waxa wax lalayaabay noqotay
markii habeen madoow ardaydii guryahooga loogu daatay sidii taliskii macangaga
ahaa ee dalkan laga xoreeyay dabadeena saldhiga booliska ee Gebiley labadii
habeenimo xukun degdeg ah lagu riday isla habeenkiina loo dhaadhiciyey jeelkii
siyaad bare uu ku cabudhin jiray bulshada ee Mandheera. Dooroshooyin iyo
dimoqraadiyad baan aduunka tusaynaa waxba inoo qabanmaayso hadii ay weli
taagantahay wixii lagula dagaalmay taliskii hore ee car juuq dheh, xukuumadu
waxa ay si badheedh ah ugu xadgubtay qodob dastuuri ah qodobkiisa 43 aad ee
xuquuqda qofka xoriyada laga qaaday, xubintiisa 2 aad ayaa odhanaysa (Qofka
xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u
leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood - laga
bilaabo marka la qabtay). Waxaan iyaguna aan ilaa hada
ka hadlin arintan xisbiyada mucaaridka ah ee shacbigu sida diiran ugu codeeyay
aqlabiyadii barlmankana siiyeen si ay uga hortistaagaan oo ay dhufays uga
noqdaan xukuumada oo cabudhinweyn ku haysa xaquuqal iinsaanka. Waxaan
xisbiyada leenahay dadweynahii idiin codeeyay jeelasha ayay ku jiraan
abaalgudkiina weli way idinka sugayaan. Shacbigana waxaan leenahay
inyar baa ka hadhee hinjiyaay oo barlmankan cusub ajandahiisa koowaad waxay
tahay tirtirida gudida xaaraanta ku dhisan ee xukunka degdega oo
loo adeegsado qofkii la rabo in sifo sharci darro ah lagu xidho sida
ardaydan gebiley iyo waalidiintooda. Xukuumada waxaan u soo
jeedinaynaa in si shuruud la,aan ah ardaydaas iyo walidiintoodba loogu soo
celiyo xoriyadoodii iyadii oo bil ramadaan lagu jiro isla markaasna ay
xukuumadu ka waantoowdo falalka noocan oo kale ah oo aanay dhicin dheriga waxa
karka ka keena waa kulaylkee aan shcabiga la gadoodsiin. Baarlamankan cusubna waxaan u soo jeedinlahayn intaydaan ka hadlin musuqmaasaq iyo wax isdaba marin waxa la iidkna fadhiyaa inaad cadaalada dalka sugtaan oo jeelashaa soo wada martaa soona eegtaan dhawrka boqol ee qof ee bilaa maxkamada jeelasha uga buuxa isla markaasna ku amartaan cideey khusayso in xoriyadooda dadkaas loo soo celiyo. Long Live Somaliland Guuleed Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha guud ee SDWO
|