Warsaxaafadeed:
Waxa wax aad looga xumaado ah una xanuun badan in 13 sano ka dib aan aragno isla
markaana ay soo noqoto in dhalin aad u yaryar
iyagoon maxkamad la soo taagin habeen madoow la xukumo
Waxa
loo baahanyahay inay xukuumadu arinka qaboojiso oo anay u arag dadka cadow oo ay
u aragto shacbkeedii oo gadooday
Somaliland
Democracy Watch Organisation (SDWO London 20/05/04) – Maanta waxay somaliland
dimoqradiyadii ay ku taamaysay mudada dheer ay u tahay maalin madoow, waa maalin
aad looga tiiraanyooda, waa maalin walwal badan, waa maalin xasuus hore dib u soo
celinaysa, waa maalin niyadjab ku abuuraysa mujaahidiintii u soo halgantay
xornimada manta la hadhsanayo, waa maalin dadkii ku shahiiday halkgankii ka
dhigaysa looma ooyaan isla markaana meel kadhac weyn u aha agoontii iyo ooriyihii
ay ka tageen.
Waxa wax
aad looga xumaado ah una xanuun badan in 13 sano ka dib aynu aragno isla
markaana ay soo noqoto in dhalin aad u yaryar iyagoon maxkamad la soo taagin
habeen madoow si qarsoodi ah loo xukumo. Go’aan kaasi waxa uu ku noqday
dhamaanba muwaadiniinta Somaliland wax laga argagaxo dad badan ka yeedh siisay
illaahow riyow nooga dhig maadaama ay maskaxdood dib ugu soo celisay falakii ay
ku kici jirtay dowladii hore ee faqashtu.
Hadaba
hadaanu nahay bahada Somaliland Democracy Watch Organisation
aad baan u dhaleecaynayaa xukunkii lagu qaaday dadkaasi dhalin yarada
ahaa iyo gudidii lagu magacaabay gudida nabadgelyada ee fulsiay, maxaa yeelay
arinkan ay ku talaabsadeen maaha arin nabad galyo wax kataraya ee waa arin nabad
galyada khalkhal galinaya awoodii maxkamadaha iyo dastuurkan meel ka dhac weyn u
ah.
Sidoo
kale waa wax laga damqado awooda xad dhaafka ah ee ciidanka booliska Somaliland
ku isticmaaleen dadkoodii, dhalinyaradoodii iyo caruurtoodii.
Waxay noqotay arin aan la filayn
Maanta
dadka intooda badani waxay isweeydiinayaan isbedlka weyn ee ku yimid xukuumada
Somaliland oo isu rogtay dowlad xoog adeegsanaysa sidii tii hore ee dalka laga
xoreeyay oo noqotay(Aggressive
Government) markaa xukumada waxaan u soo jeedin lahayn inay dadka ula dhaqanto
si sidan ka dabacsan cidina cid xoog kuma muquunin karto oo taliskii horeba
halkuu maray waan ogeyn, markaa waxa loo baahanyahay inay xukuumadu arinka
qaboojiso oo anay u arag dadka cadow oo ay u aragto shacbkeedii oo gadooday,
isla markaa ay xukuumadu is weeydiiso dheriga karka waxa ka keena waa kulaylkee
tolow maxaa dhacay sidee wax looga qaban karaa.
Waxaan u
aragnaa in dhibaatadani ka dhalatay shacbiga oo dareemay inaanay xukuumada
Somaliland habayaratee dhegaysanin cabashooyinkooda tani oo soo taagnayd tani
iyo maalintii gooni isutaaga Somaliland oo kolba heer soo maraysay, marbay
taagnayd in dadku ku ciilbaxaan joornaalada oo ay cabashooyinkooda ku soo
bandhigaan ilaa ay maanta ay soo gaadhay in mudahaardaayo dhacaan, hadii
xukuumadi dhegaysanweydo shacbigiidoortay waxa timaada sida dalal badan oo
dunida ka tirsan ka dhacday in shacbigu ay mudaharaado balaadhan iskugu soo
baxaan oo ay keentay in xukunkii
laga riday dowladahaas.
Waxaan u
soo jeedinaynaa in ay xukuumadu magacaawdo gudi madaxbanaan oo la
kulanta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhan soona baadha
cabashooyinka jira iyo sida wax loogaqaban karo, si dalkan looga badbaadiyo qas
iyo qalalaase hore leh.
Waxaanu
ku taageersanahay ururka xuquuqal Iinsaanka ee somaliland soo jeedintoodii ahayd
in la baabiiyo oo la kala diro gudida lagu
magacaabay gudida nabadgelyada qaranka oo sidii taliskii hore ee afweyne
booliska dhexdiisa habeen madoow wax ku xukumaya. Dalku maxkamad dastuuriya buu
leeyahay ee in gudi ka awood saraysa maxkamadii dalka ugu saraysay lamagacaabo
wax dastuurku dhigayo isla markaana uu ogolyahay
maaha.
Shacbigana
waxaan u soo jeedinaynaa in mudaharaadyada sinabadgelyo ah lagu sameeyo oo aan
dhagaxtuur la samayn, meelna aan la jejebin ee cabashooyinkooda si nabadgelyo ah
ay ugu soo bandhigaan wadooyinka waaweyn ee dalka.
LONG LIVE
SOMALILAND
ALL MAHAD
LEH
Guled
Cabdi Sheekhaash- Gudoomiyaha SDWO
Axmed
Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO
Mukhtar
Axmed Sh. Adan – Xoghayaha Guud ee SDWO
Cabdiqani
Cismaan Xandule – Afhayeenka SDWO