|
|
Banaanbaxii ugu balaadhnaa oo Jaaliyada Somaliland ee UK ay ka dhigeen Magaalada London
SDWO (London 22/02/07) Waxa Magaalada London 22/02/2007 ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageerayo qadiyada Somaliland. Dibad baxan oo lagu sameeyay xafiiska Raysawaraasaha dalkan Ingiirka hortiisa ee number 10 Downing Street ayaa waxa ka soo qayb galay dad kor u dhaafay sedex kun oo qof oo ka kala yimid dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalkan UK, sida London, Bristol, Cradif, Sheffield, Birmingham, Leicter, Manchester, Liverpool iyo magaalooyin kale oo badan, dadkan ka yimid magaalooyinka London ka baxsan ayaa waxay wateen basaska waaweeyn ee gobolada u baxa oo gaadhayay ilaa iyo 10 bus (Coach). Busaska ugu badan waxa watay jaaliyada ka socotay magaalada Bristol oo watay 5 coach iyo baabuur yaryar oo badan.
Banaanbaxan
waxa si wada jir ah u soo wada abaabulay sedexda xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo
KULMIYE, waxa kale oo ku taageeray lana soo qabanqaabiyey Xidhiidhiyaha
Jaaliyadaha dibada iyo xukuumada Cabdifataax Siciid, Gudoomiyaha Jaaliyada
Somaliland Society UK Maxamed Cumar Meygaag iyo Xafiiska
wakiilka somaliland ee Daawo Video Clip kan Banaanbaxii - Double Click the play bottom
Dadkan oo luxayey Calamada, Somaliland, England, Wales iyo calanka guud ee boqortooyada ingiriiska, dadkan waxa kale oo ay luxayeen boodhadh ay ku xardhanyahiin halkudhigyo kala duwan oo isugu jiray ingiriisi iyo afsomaliba oo ay ku muujinayaan jiritaanka Somaliland. Dadkan Wejiyadooda waxa ka muuqatay farxad, shucuur aad u heer saraysa iyo hamuum ay u qabaan sidii dalkooga ay ictiraaf ugu heli lahaayeen.
Waxa ay dadku iswadaweeydiinayeen dadka ka soo qaybgalay banaanbaxan oo aad u badnaa iyadii oo ay ahayd maalin shaqo ayaa hadana waxaad maqlaysay dadka oo isku hanbalynaya ka soo qaybgalka ay ka soo qaybgaleen oo ay fasaxa ka soo wada qaateen shaqooyinkoogii si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan gooni isutaaga Somaliland. Dhinaca kale caruur badan baad ku dhex arkaysay banaanbaxa maaadaama qaybo UK ka mid ahi ay ku jiraan iskuuladu fasaxii yaraa ee todobaadka ahaa. Daawo Video Clip kale ee banaabaxa waa reer Cardif - Double Click the Play Bottom
Dhinaca kale waxa noo suurto gashay inaanu waxa ka weeydiino Maxamed Cumar Meygaag oo ahaa xidhiidhiyaha gudida qabanqaabada banaanbaxa isla markaasna ah gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Soceity ee UK, ujeedooyinka ugu muhiinsan ee ay ka lahaayeen qabqaabada banaanbaxan aad ka u balaadhan.
Maxamed Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay: 1. Marka hore dabaaldegani ama baanaanbaxani wuxuu ka tarjumayaa shucuurta, kalgacalka iyo hanka ay dadka reer Somaliland ee UK ay u hayaan dalkooga hooyo. 2. Munaasabadu waa dabaaldag loo dabaaldegayo guusha iyo horumarka ay gaadhey Somaliland 16 sanadood ee ina soo dhaafey. 3. Waa banaanbax dad ka reer Somaliland ee UK ay ku ayidayaan iyagoo u midaysan qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.
Hadaba banaanbaxanoo bilaabmay 12kii Duhurnimo wuxuu socday ilaa iyo 5tii galabnimo. Saacadu markii ay ahayd 4 galabnimo ayaa dadkii banaanbaxayey waxa u soo baxay oo u yimid xubno ka tirsan baarlamanaka Ingiriiska oo ay ka mid yahiin Wasiirka horumarinta reer miyiga MP. Alun Michael iyo MP. Kerry McCarthy oo dadka ku soo dhexwareegay halkaasi oo sacab iyo sawaxanka iyo heesahu is qabsadeen hal mar.
Intaas ka dib Masuuliyiinta ka socotay dowlada Ingiriiska ayaa u hogaamisay xubno ka kala socday sedexda xisbi qaran, Wakiilka Somaliland ee UK, Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Soceity UK, Xidhiidhiyaha Jaaliyada dibada iyo Xukuumada iyo xubno kale si ay u galaan xafiiska Raysawasaaraha dalkan Britain si ay ugu gudbiyaan qoraal faahfaasan oo lagaga codsanayey raysawasaaraha iyo dowladiisu inay aqoonsadaan gooni isutaaga Somaliland, dhinaca kale dowlada Ingiriiska waxa laga codsaday inay hogaan u noqoto aduunweynaha sidii looga hortegi lahaa in dowlada somaliya laga yabyabay aanay ugu kicin inay dhibaato ka dhex abuurto Somaliya iyo Somliland, Iyadoo qoraalkaas sharaxaad dheer laga bixiyey sidii ay Somaliland ugu guulaystay in nabad iyo horumar ay ka abuurto dhulkeeda 16 sanadood ee u danbeeyay, iyadoo qoraalkaas lagu muujiyey siday u suurto gashay in 3 sedex doorasho dimoqraadiyi ay ka hirgelaan Somaliland iyagoon wax caawimo ah ka helin aduun weynaha.
Waxa kale oo jirtay qoraal ka kooban hal bogg oo lagu soo koobay taariikhda somaliland oo loogu talo galay dadka ajaanibka ah ee goobta maraya in loo qaybiyo oo halkaas dad badni oo ajaanib ahi akhriyayeen si ay u fahmaan banaanbaxan iyo ujeedooyinka ka danbeeya
Ka bilow Bidix: Mujaahid Maxamed Kaahin, Xuseen Axmed Caydiid iyo Mujaahid Cabdi Shugri Isku soo wada duuboo maanta waxa ay jaaliyadaha Somaliland ee UK muujiyeen iskuduubni iyo dal jacayl ay u qabaan dalkoogii hooyo, halkani oo noqotay goob kulmisa dad aan is araga mudooyin aad u dhaadheer oo u dhexeeya laba sano ilaa iyo 10 sanadood. SDWO News Desk - London Guled Cabdi Sheekhaash
|