|
|
PRESS RELEASE Press Release: Doorashadii Shirgudoonka ee Golaha Wakiilada ee Muranku ka dhashay iyo wuxuu dastuurku ka qabo Click here - The History of Somaliland
Waxa hore loo yidhi hadalkoo mid ah laba lagama dhigo, Waxa meesha lagu muransanyahay maaha hebelbaa sidaas yidhi, waxa meesha yaala dastuurkii shacbigu ugu codeeyeen 97%, Waxa haboon in lagu kala baxo oo xukuumaduna dhawrto dastuurka dalka, Bal aan inyar ka iftiimino wuxuu dastuurku ka qabo habkii doorashada shirgudoonka cusubi ku dhacday. Qodobka 44aad,
firqadiisa 1aad waxay odhanaysaa: Golaha
cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood
oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu
yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda. Qodobkani si fiican baa loogu dhaqmay wax
dhibina kamuu iman. Qodobka
44aad Firqadiisa 3aad
waxay odhanaysaa: Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo
dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn;
waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen:
Qodobkan inta dhaarinta Gudoomiyaha Maxkamada mooyee intiisii kale si
badheedh ah baa loo baal maray, Qodobkani wuxu toos u qeexay in marka la
doorto ninka ugu dadaweyn, isla markiiba la doorto shirgudoonka golaha cusub.
Dastuurku awood muu siin ninka golaha ugu dadaweyni inuu dib u dhigo
fadhiga golaha , eeg qodobkan soo socda ee Dastuurka qaranku ku qeexayo sida
dib loogu dhigi karo fadhi gole baarlamaan. Qodobka
45aad firqadiisa 4aad
waxay odhanaysaa: Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa aqlibiyad fudud (hal
dheeri); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.
Su,aasha loo baahanyahay in laga jawaabo waxay tahay muxuu dastuurku
siduu dhigayo Mudane Ibraahin
dhaadheere u raaciwaayey oo waakii golaha u soo jeediyay in fadhiga dib loo
dhigo iyo inkale ee hadana isagoon
jawaabtii sugin ku dhawaaqay in shirku xidhanyahay oo albaabka uu uga booday.
Dhaadheere wuxuu meel kaga dhacay qodobkan 45aad firqadiisa 4aad waxana
waajib ah in maxkamad lagu horgeeyo si loo dhaawro sharafta iyo awooda
dastuurka isla markaasna wuxuu khalkhalgeliyey nabadgelyada dalkoo dhan,
waxaanu dalka u soo jiiday sumcad xumo aad u balaadhan. Qodobka
45aad firqadiisa 2aad
waxay odhanaysaa: Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay
joogaan kala badh in ka badani tirada uu golahu ka koobanyahy.
Maadaama aanu si dastuuriya ninkii ugu dadaweynaa aanu ku xidhin
fadhigii golaha: fadhiga golahu wuu sii soconayaa maadaama ay isla markaasna
fadhigii ku soo hadheen inkabadan kooramkii loo baahnaa isla markaasna ay
dooran karaan shirgudoon sida uu dhigayo qodobkii dastuurka ee aan kor ku soo
sheegnay. Hadaba
waxa wax lalayaabo ah sababta xisbiga talada dalka haya ee UDUB uu ugu
xadgudbayo dastuurka dalka maadaama ay ogyahiin in labada xisibi ee mucaaridku
ay haystaan aqlabiyada baarlamanaka oo marwalba ay mucaaridku helayaan
shirgudoonka golaha, Waxaanu u
soo jeedinaynaa Xukuumada inay aqbasho shirgudoonka cusub isla markaasna
shacbiga ay ka raali geliso khalkhalka iyo jahaweeerka uu geliyay dastuurka
sida badheedhka ah loogu tuntay. Wasiirka
arimaha gudaha iyo taliyaha booliskana waxaanu ka waaninaynaa inaanay isku
deyin in shacibiga ay xoog ku muquuniyaan oo aan ardayda la raasaasayn, oo aan
saxaafada madaxbanaan qoriga dabadiisa lagu garaacin iyagoo meel iska taagan
oo aan waxba galabsnin, Shacbigu
waxay hada taaganyahiin waxaan afweyne ka diidnay Udub ka yeelimaayno. Waxa
iyadana wax aad loola yaabo ah amarka ay maxkamada sare soo saartay ee ay ku
xaaraantimaysay inuu barlamanku kulmo. Maxkamadu
wax ku haboon inay dib u akhrisato dhawrkaas qodob ee aan kor ku soo qeexnay
ee sida quruxda badan u qeexay habka uu barlamanka cusubi ku hawlgelyo, kuna
amarto in xisibiga udub uu u hogaansamo awaamiirta uu dastuurku dhigayo.. Gebogebadii
Shacabigana waxaan u soo jeedinaynaa inay dhawraan deganaanshaha iyo
nabadgelyada, isla markaasna ay ilaaliyaan dastuurka, kana dhiidhiyaan ku
xadgudubkiisa. Long
Live Somaliland Guled
Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO Axmed
Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeen - SDWO Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha ururka SDWO
|