SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Isu soo bax balaadhan loogu baroor diiqayey Marxuum Cigaal ayaa lagu qabtay Dalka Koonfur Afrika

Pretoria (Maandeeq Hargeysa) -  Maalintii shalay fagaare lagu magacaabo Ras -ooli Centre  uslouw oo ku yaala magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, una dhow cusbitalkii Milateri ee uu ku geeriydooday Marxuum Cigaal, saddexdii bishii, ayaa lagu qabtay isu soo baxa balaadhan kaasi oo loogu baroor diiqayo geeridii Marxuum Cigaal.

Isu soo baxan fagaarahaasi ka dhacay, ayaa waxa ka soo qayb galay hogaamiyaha Golaha culu’aamudiinka ee dalka Koonfur Afrika Sh. C/xamiid Gabier, xubno ka tirsan hogaankii xisbigii xornimada dalkaasi dhaliyey ee ANC ahna xisbiga talada dalkaasi hadda haya iyo xubno ka socda xukuumadda dalkaasi.

Warsaxaafadeed munaasibadaasi lagu qaybiyey ayaa u qornaa sidan:

“Marxuum Cigaal, wuxuu ku qiimaysan yahay inuu ahaa ruug cadaagii siyaasadda ee Qaarada Afrika, kii ugu danbeeyey, ruug cadaagaasi oo Afrika ku hogaamiyey inay ka xoreeyaan gumaysigii gaadhsiiyaana xoriyad siyaasadeed.     Waxaanu marxuum Cigaal meel muuq dheer kaga jiri doonaa ragaasi ruug cadaaga ahaa oo ay ka mid ahaayeen Kwame Nkrumah, Leopold Senghor iyo Jomo Kenyatta. 

Furitaankii munaasibadda tacsida ah ee fagaaraha Pretoria ,  waxa hadal furitaan ah ka jeediyey mas’uul ka mid ah  Jaamacadda Koonfur Afrika Mr.   Iqbal Jhazbhay, waxaanu yidhi “Jeclow ama ha jeclaanine, Cigaal wuxuu ahaa shaqsiyad cimlaaq ku ah dhinaca siyaasadda oo ku sugnaa mid ka mid ah cidhifyada qaarada Afrika oo qas dhinaca siyaasadda ahi ka jiro”. Waxa kale oo uu yidhi Prof. Iqbal “In yar uunbaa maanta fahmaysa qiimaha weyn ee taariikhiga ah ee uu lahaa marxuum Cigaal iyo muhiimada uu ugu fadhiyey qaarada Afrika, waxaynu markhaati goob joog ah uga nahay marxuum Cigaal nabadda iyo xasiloonida uu ku soo dabaalay cidhifkii uu ka hawl galayay ee Qaarada. Dalka uu sida gaarka ah uga baxay marxuum Cigaal waxa uu leeyahay lacag u gaar ah iyo maamul ku dhisan dimuqraadiyad oo nidaamka gudaha ee dalkaasi ka jiray.

Turxaan la’aanta lagu caleemo saaray ku xigeenkiisii Md. Daahir Rayaale Kaahin oo hadda hogaamiye loogu doortay Somaliland, ayaa waxay calaamad u tahay nidaamka dastuuriga ah ee laga dhaxlay marxuum Cigaal, tallaabadaasi oo isla markaasina muraayad u ah qaarada Afrika”.

Hogaamiyaha Golaha Culimaa’udiinka dalka Koonfur Afrika Sh. C/Xamiid Gabier oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa nin aan isla weyni lahayn, taasi oo ay daliil u tahay isagoo diiday dhisme magaciisa loo bixin lahaa, in kastoo in badan laga codsaday inuu aqbalo magacaabidaasi”.

Waxa kale oo uu Sheekhu yidhi “Cigaal wuxuu sharafkii u soo celiyey dadkiisa, waxaanu baray qiimaha noloshu leedahay iyo qiimo la’aanta ku jirta is dilka iyo gacan ka hadalka, wuxuu isku dayay marxuum Cigaal ka soo celinta bulsho masiibo siyaasadeed ku habsatay, taasoo ahayd inqilaabkii Milateri ee uu ku qabsaday Somaliya Maxamed Siyaad Barre”.

Dhinaca xukuumadda Koonfur Afrika waxa fagaaraha isu soo baxa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, kaasi oo sheegay in dhambaalo tacsi ah oo loogu baroor diiqayo marxuum Cigaal ay ka soo gaadheen meelo badan oo dalkaasi Koonfur Afrika ka mid ah, waxaanu isagoo sifaynaya Marxuum Cigaal yidhi “waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loogu doorto ra’iisal wasaaraha Somaliya”.

 

Waxa kale oo uu wasiirku intaa ku daray erayo tacsi ah oo dadkii fagaaraha joogay qiiro ku riday dareenkooda.    Bayaan uu soo saaray xisbiga talada haya ee ANC, ayaa isna wuxuu u qornaa sidan:

“Waxaan xushmayn u haynaa dhaxalkii uu ka tegay marxuum Cigaal oo ahaa shaqsiyad meel ku leh taariikhda Afrika iyo halgankii loo soo maray madax bannaanida laga qaatay Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana lagu xasuusan doonaa marxuumka hogaamintiisii uu ku hantiyey nabadda iyo xasilooida ay Somaliland ku naaloonayso.

ANC waxay si kalgacal ku jiro u xasuusnaan doontaa taageeradii ay ka heli jirtay marxuum Cigaal intii ay ku jireen halgankii lagaga soo horjeeday midab takoorka, gaar ahaan taageero ay si gooni ah uga heleen muddadii gaabnayd ee uu ahaa safiirkii Somaliya ee dalka Hindiya.  

Radio Somaliland.com

  SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE