|
|
SHALEY IYO BERBERA LAMA ARAG IYO LAMA MAQAL AYAA KA DHACDEY Waxa warbixinta noo soo koobay Ismaaciil Maxamed Gadiid oo SDWO uga soo warama Somaliland oo ka qayb galay aaskii Madaxweynaha.
SDWO 7/5/02 - Aaskii Madaxweynahii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo muuqaalkii guud ee Berbera. Magaalada berbera waxaan soo gaadhay habeenkii Isniintu soo gelaysay ee loo diyaar garoobayey aaska madaxweynahii hore ilaahay ha u naxariistee, Baabuurtu hargeysa ilaa berbera sanka ayay isku hayeen oo wadadu waxa ay ahayd tu aad u biisi ah oo aad moodo in loo qaxayo xagaa iyo berbera, Berbera markii aan galnay waxaad moodaysay in aan somalilandba cidi ka maqnayn, baabuurta iyo dadka meel laga maro may lahayn, habeenkii waxaad arkaysay dariiqyada oo meel walba la hurdo, meel cag la dhigo ayaa la waayey dad awgeed, quraan baa meel walba ka baxayey, habeenkaas dadka intooda badani may seexan baabuurta iyo dadka lugaynayaana may kala goin habeenkii oo dhan iyagoo raxan raxan u socda ayey soo gelayeen Berbera. Sidoo kale iyadana waxa biisi ahayd wadada ka timaada burco oo iyadan baabuurtu sidaas oo kale sanak isku haysay. Dadka isugu yimid waxa lagu qiyaasay marka sedex meelood loo qaybiyo dadka somaliland ku dhaqan meel ahaan, looma kala hadhin culimaa udiinku waxey kaga tukadeen masaajid kasta oo ku yaal somaliland salaadii duhur, Magaalada Hargeysa iyadu waxayba u ekaatay magaalo cidla ah oo laga guuray, Airport ka Berbera oo laga soo qaadey meydka iyo xabaashu waxey isku jireen 12km waxeyna baabuurtu u soo kala soo soctey mudo 90min(saacad iyo badh) sababta oo ah xadiga baabuurta oo aad u badnaa. Guud ahaan dadka waxa ka muuqatay murugo iyo geeri oo qof wal oo aad aragtaaba uu ilmaynyey, waxaana muuqatay in umadii oo dhami isku qalbi ahaayeen oo ay midoobeen geerida naxdinta leh ee dhacday awgeed. Warfidiyeeno dibadeed oo tiro badan ayaa joogey, waxaa halkaa ku qabtey shir jaraaid (press release) wasiiru dawlaha arimaha dibeda ee ethiopia uu ku sheegey sida loo wareejiyey awoodii talada somaliland, wuxuu yidhi waxey caalamka u muujisey inuu dhisen yahay nidaam aan cid kaliya ku koobneyn oo mudan iney africa kaga daydaan horimarka nidaam ee somaliland. wuxuu intaa ku darey inaanu ka xijaaban somaliland oo qudha ee uu yahey hogaamiye weyn oo ka baxey africa oo dhan, ma jiro qiraal ka weyn kan 10kii sano ee u dambeeyey wuxuu qabtey. Wuxuu intaa ku darey wasiirku dadka reer somaliland iney maanta muujiyeen biseyl iyo iney ka baxeen tijaabadii ugu weyneyd taasi oo marageedu yahey sidey maaamulka u wareejiyeen turxaan la'aan. Wadanka oo dhami waxa uu ku jiraa baroor diiq 7 cisho ah oo uu ku dhawaaqay maalintii Jimcihii Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, Meel wal oo aad argtid masaajid, makhaayad, baabuur, guri iyo idaacadiiba waxa ka socota quraan, dadka oo dhamina ilaahay waxa ay uga baryayan madaxweynahaas geeriyooday in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaan shacbi weynaha Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo. Ismaaciil Maxamed Gadiid - SDWO - Hargeysa |