SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

SHACBIGA SOMALILAND WAXBAA U KORDHAY  (WAA TABTII LOO BAAHNAA) 

Somaliland Democracy Watch Organisation(SDWO) - Press Release 22-02-04 London.  Sida laga wada warhayo waxa maanta  22kii February 04 ka dhacay magaalada Hargeysa isku soo bax lagaga cabanayey Cadaalad darada ku baahday maxkamadaha Somaliland iyo guud ahaanba hayadaha Garsoorka dalka oo dhan.  Hadii aan nahay ururka Somaliland Democracy Watch aad iyo aad ayaan u soo dhowaynaynaa isku soo baxaas maanta ka dhacay Hargeysa muwaadiniintii soo abaabushayna isku soo baxana aad ayaanu ugu hanbalyaynaynaa. 

Waa markii u horeysay ee isku soo bax balaadhan oo noocan oo kale ahi shacabku ku muujiyaan hoolka shirarka ee wasaarada arimaha gudaha kaasi oo ku saabsan cadaalad darada baahday,  dadkan oo qorshahoogu ahaa in banaanbaxa weyn oo dibad baxa ah  ku muujiyaan cabashooyinkooda hadana tani waxa ay u muuqatay in ay cabsigelisay xukuumada lagana codsaday ababulayaashii dibadbaxa in horta cabashadooda lagu dhegaysto hoolka shirarka ee wasaarada Arimaha gudaha. 

Hadaba shacbiga waxaan u soo jeedinaynaa inay raaceen tabtii toosnayd ee ay xaqooga ku raadsanlahayeen oo ah ta qudha ee xukuumadahu wax ku dhegaystaan, sababtoo ah cadaalad darada oo tan iyo gooni isu taagii Somaliland si xun u wiiqday dalka oo dhan wax laga qabtayna aanayjirin, oo xataa marka aad tagto maxkamadaha Hargeysa aad arkayso niyadjabka halkaas ka muuqda iyo dadka dulman ee aroorwalab ku kalahaya kuna soo hungooba maxkamadahii wax kala saari lahaa, taasina ay sababto in dadku sharciga gacmahooga ku qaataan, oo mararka qaarkoodna khasaarooyin kala duwana ay geeystaan. 

Maanta shacabka waxa ay ka warheleen in isku soo baxani gigilay xukuumada oo codsatay inaan dibad baxa la samayn ee dadku kula kulmaan wasaarada arimaha gudaha masuuliyiin sare oo xukuumada ka tirsan,  hadaba waa inaan halkaas lagaga hadhin ee dabagal lagu sameeyo wixii ka soo baxa shirkaas sida tooska ah  maanta u dhexmaray  xukuumada iyo shacabka oo ah markii ugu horeysay oo kulankan oo kale dhaco, waana guul iyo qadarin u soo hoyatay shacabka Somaliland oo muujiyey inaanay cadaalad daro iyo musuqmaas intaas ka badan loo dulqaadan karin. 

Muwaadiniinta Somaliland xaqbay u leeyahiin inay cabashooyinkooda ku muujiyaan si nabadgelyo ah, isla markaasna hada laga bilaabo halkaas laga sii wado oo wixii qalqalooc ah ee xukuumada laga arkaba cabashooyin lagu muujiyo tanina waxay dabar u noqon doontaa cadaalad daradii iyo guud ahaanba musuqmaasuqii dalka hadheeyay, waxaan leenahay horana aan warsaxafadeedyo ugu sheegnay in shacabka dalka gudahiisa ku sugani ay dalkan wax ka qaban karaan oo la xisaabtami karaan iskudheelitirka cashuuraha dalka soo gala iyo waxqabadka dowlada iyo guud ahaanba habsami u socodka xukuuumada, sida tan manta dhacaday ee cadaalad darada lagaga cabanayey oo kale, oo wasiirkii ama hayadii la dhaliilaba la isugu soo baxo khayriyada iyo xafiiska ay khusayso oo cabashooyinka halkaas lagu muujiyo ilaa dadku helaan jawaab ay ku qancaan ama masuulkaas oo is casila mooyee banaanbaxyadana si toos ah loo wado. 

Waxaan ku soo gebogebeeynaynaa warsaxaafadeedkan inyarbaa ka hadhee hinjiyaay, cadaalad daradii iyo musuqmaasaqii inyarbaa ka hadhay oo waxa ay hada xukuumadu ku qasbantahay inay dhegaha u furto cabashooyinka muwaadiniinta Somaliland ee aan horey dheg loogu dhigijirin. 

Allaa Mahad Leh    -  Long Live Somaliland 

Guled Cabdi Shaakhaash – Gudoomiyaha Ururka SDWO

Axmed Maxamed Yusuf -   Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha Guud ee SDWO

C/Qani Cismaan Xandule – Afhayeenka Ururka SDWO

Foosi Xuseen Rooble  -       Wakiilka SDWO ee Pakistan

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION