SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xadhiga Cali Qoryoolay ma caddaalada xukuumadduu ka turjumayaa?

Waxa siday dadweynaha Somaliland ee dalka iyo dibaddaba ku dhaqan intooda badani og tahay, in 1, Ogst, 2001, xabsiga dhexe ee Hargeysa si aan sharciga waafaqsanayn loogu taxaabay Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay), oo ah nin da’yarta dalkan ee wax garadka ah ka mid ah, waxa lagu xidhay fekerkiisa shakhsinimo ee ku aadan marxaladan dalku haatan marayo iyo weliba Dowladda oo uu ka mid yahay dadka sida badheedhka ah wax uga sheega una naqdiya dhalliilaha iyo goldaloolooyinka tirada badan ee xukuumadda haatan xukunka haysaa leedahay.

Waxa sabab looga dhigay xadhigiisan dhanbaal uu qoray 26, July, 2001, kuna magacaabay dhambaal Ergo Qaran ah, dhambaalkaas oo quseeyay kuna soo socday madaxtooyada, golayaasha Qaranka, Madax dhaqameedkii Burco ku shiray, iyo maxkamadda sare, waxaanay u badnayd tallooyin uu u soo jeediyey dhammaan qolyahaa dhambaalku ku socday, waxay tallo soo jeedintaasi keentay in ay ka cadhoodaan xukumadda Madaxweyne Cigaal, oo haatan u xuub siibatay xisbiga UDUB, si uu tallada dalka oo uu sagaal sanno oo hore soo hayay uu dib ugu soo noqdo, uguna nagaado kursiga Madaxweynenimo, ilaa iyo inta ka hadhay cimrigiisa, si dhib yarna aanu kaga tagayn waa siday sheegaan dadka ku xeel dheer siyaasadda dalkeenan curdinka ah aqoon badana u leh odayga iyo damaciisa siyaasadeed.

Haddaba xukuumad kasta oo jirta waxay leedahay xeerar iyo sharci (rules and procedures) oo u dhaxeeya iyaga iyo shacbiga, xadna u ah, ay haboon tahayna in ay ilaaliyaan labada dhanba, haddaan dib u milicsano xeerka u dajisan dalkeenan Somaliland ee yab yabka iyo yagleesha ah welina aan la ictiraafin, waxay tusmadiisa 3aad, tilmaamaysaa xuquuqda qofka, xorriyadda aasaasiga ah iyo waajibaadka saaran muwaadinka, qodobka 32aad, ee tusmadan 3aad, ayaa dhigaya in muwaadin kastaa xor u yahay in uu rayigiisa ku ban dhigi karro qoraal, hadal, muuqaal, suugaan, ama qaabab kale oo xeerka waafaqsan.

Waxa xukuumadda gaar ahaan hay’addaha arrintani khusayso aan xasuusin lahaa in la dhowro dhammaanba shuruucda dalka u taal gaar ahaan distoorkii aynu dhowaanta u codaynay oo qeexaya wuxuu muwaadin kastaaba xaq ugu leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay, murana kama joogo in sharciga oo lagu tunto, xadhiga, caga jugleynta joogtada ah, cabudhinta iyo xabsi ku ururinta lagula kaco shacbiga gaar ahaan wax garadka iyo hantida ummadda oo la boobaa in ay yihiin calaamadaha keli talisnimada iyo nimaan kalsooni buuxda ku qabin naftiisa iyo shacbigiisaba, isla markaana adeegsada awood aan masuuliyad lahayn.

Ugu dambayntii Dowladda gaar ahaan Wasiirka caddaalada iyo cidii kale ee uu ka go’o arrinku, xadhiga Cali-Qoryoolay, ma caddaalada xukuumadduu ka turjumayaa?. Waxaan xasuusin lahaa Wasiirka caddaalada Mr. Caafi, oo dhowaan sheegay in aanay jirin wax dad ah oo u xidhan fikrado dood ah, in Cali-Qoryoolay, ka mid yahay inta u xidhan fekradooda waxaanan filayaa hadalkaa Wasiirku wuxuu ka mid ahaa uun karti darrada Masuuliyiinta Dowladda oo awooddi waayay in uu masuulku ka war hayo cidduu masuulka ka yahay, waxa kale oo aan kula tallin lahaa cida mindida daabkeeda haysa ee tallada dalku ka go’ddo in ay muwaadinkan Cali-Qoryoolay, oo aan qabo inaanu jirin haba yaraatee wax dambiya oo uu Qaranka ka galay qoraalkiisuna waafaqsan yahay xeerarka dalkan u dajisan, in loo soo celiyo xoriyadiisa haatan laga xabisay si dhakhso ahna loo soo daayo.

Xuseen Sh. Muxumed X. Faarax, Hargeysa Somaliland.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE