SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Ninkii Nala Tartamayaa Ha Soo Baxo.. Somaliland-Na Inta Isaaqa Sheegataa Ugu Xun”

Hargeysa (Haatuf): Maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle ayaa shalay furay dhismayaal cusub oo laga hirgeliyey suuqa ku yaal agagaarka dhismaha qabyada ah ee loo yaqaan guriga xisbiga, waxaana guryahaa cusub oo loo dhisay ganacsatada bacadlayaasha loo qayb-qaybiyey si bakhtiyaanasiib ah, iyadoo ay dhismayaashi ka kooban yihiin ilaa 114 aqal. 

Xafladii furitaanka dhismayashaa cusub oo ay ka soo qayb galeen madaxda dawladda hoose ee Hargeysa, ganacsatada bacadlayaasha ee suuqaa iyo dadweyne kale waxa hadal ka jeediyey maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle, wuxuuna khud-badiisa ku sheegay inay dawladda hoose wax badan qabatay mudadii uu xilka hayey, isla markaana wuxuu Cawl si weyn u cambaareeyey dadka dhaliila hawl-qabadkiisa.

Maayar Cawl waxa uu sheegay in dhismahan la hirgeliyey ka dib markii uu maamulka dawladda hoose aqoonsaday inaanu suuqa dhexe ee bacadlayaasha Hargeysa ku filan magaalada Hargeysa, isaga oo Cawl xusay inay xukuumadda dhexe waydiisteen in loo ogolaado dawlad hoose ahaan inay goobtaa ka dhisaan bacadlayaal cusub. 

“Jidka madaarka cid Shidaal bixisay mooyaane ma jirto cid kale oo naga caawisay, bacadlihii WAAHEEN oo muddo toban sannadood ah xidhnaa oo ay ummad badani ku ceeshto, isagana maanta waanu dhamaynay, marka la eego cidda gashay waa ilaa 500 aqal, qoyskiibana waxaynu ka soo qaadaynaa inay 5 qof yihiin, marka waxa halkaa ku nool ilaa 30 kun oo qof oo uu maalintii bariisku uga soo baxaa anigu sanuunad bay cunaan odhan maayo”- sida waxa khudbadiisii furitaanka bacadlayaasha cusub ku yidhi Cawl, wuxuuna intaa ku daray “Marka ay suura gashay inaanu ka fekerno xagaynu talaabo u qaadnaa ayaanu halkan nimi oo guriga xisbiga la odhan jirey oo aad ka xishoon waydeen inaad ka bedeshaan magaca xisbigii hantiwadaagga kacaanka Somaliyeed, markaas ayaan madaxweynihii aynu jeclayn ee daacadda ahaa  ee uu xaqu ku soo degay (Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal)  u tegey oo aan ku idhi bacadle keli ahi kuma fila magaalada, dabadeed Illaahay ha ka jaa’isa siiyee wuu idiin ogolaaday inaanu halkan dhisno , markaa iminka waxa dhamaaday114 aqal , ilaa 500 oo aqal ayaa iyana bariiska cad kala soo baxaya”. 

Cawl, isaga oo ka hadlaya wax qabadkiisa waxa uu yidhi “Ama aanu biro taagno ama wax beernee magaalada bilicdeeda waanu sii kordhinaynaa.., talaabada aanu labadaa sannadood qaadnay waa mid qofkastaaba arkayo, ninkii caafimaad qabaaba wuu arkayaa, anigu nin buka lama hadlayno, nin qabiilo ka soo jeeda lama hadlayno, nin afar nin oo siyaasiyiin ah ka amar qaata lama hadlayno.  Ummad yahay waxaad tihiin cidhib la’, meelna ku gaadhimaysaan xaasid-nimo, nin u jeed iyo saqajaanimo, taa waxaan ballan idiinku qaadayaa inaydaan guul ku gaadhayn, waxa keliya oo aad waayo-arag u tihiin iminka sidii uu Maxamed Ibraahin Cigaal uga tegay ee uu xaqu soo degey inaad idinkuna soconaysaan, anaguna soconayno.  Ninkii Illaahay cimriga u dheeraynayo isagaa ku shuqul leh ee cay, dacaayad iyo saqajaanimo laguma soo dhowayn karo cimriga, laakiin amaanta iyo sadaqadda iyo marka aad wax qabadkaaga uga jeedo inaaddan meesha ku sii joogto way barakaysaa cimriga, anigu waxan uma dhisayo meesha ku sii joog, maalin dhowna doorashaa dhici doonta idinka ayaana u xor ah ninkaa dooranaysaan, waxaana laga yaabaa inaan doorashada ku jiro iyo inaan ku jirin-ba, laakiin bal ninka nala tartamaya ee waxaas oo kale qabanayaa ha soo baxo, yuu jaraa’idka wax ku qorine.” 

Maayar Cawl wuu sii waday khud-badiisa wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay beel ka mid ah beelaha Somaliland oo uu u jeediyey hadalo uu ku naanaysayo, wuxuuna yidhi “Somaliland waxa ugu xun, maalin dhowayd-na waan idhiye inta badhtanka ku jirta ee Isaaqa sheegata, Isaaq ma aha ee waa is-daaq oo mid-ba mid buu cunayaa, cid la nabad-gelinayaana ma jirto, madax la ogol yahayna ma jirtoi, sidaana ummad ku noqon maysaan, marka waxaynu odhanaynaa hadii aad leedihiin cad isu damqanaya Isaaq-nimadu way jirtaa, hadiise aanay jirin wax isu damqanayaa, waar adeer ma jirtee habro ayeynu nahayye aynu is nabad gelino, kelmadda la yidhaahdo Isaaq-na waxaynu ku bedelanaynaa is-daaq.  Waar mansabka la fuulayo Illaahay baa ku shuqul leh, cayna lagaga tegi maayo, hadii aad afar iyo labaatanka saacadood I caayeysaana kagama tegayo, amaanna kuma joogi karo, markaa idinku wax qabadka ku xisaabtama ”.

Published: Somalilandnet

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE