|
Ciidanka Qaranka iyo Hubka culus looguma talo galin mudaharaadSDWO (London 6/3/05) Maalintii Sabtida 4/03/2005 waxay caasimada dalkeena ee Hargaysa u muuqtay jiid dagaal oo aad moodaysay inay kaba ciidan badnayd agaaga hore ee ciidanka qaranku difaac dalka kaga jiraan, kadib markii isku imaatin ay isugu yimaadeen taageerayaasha xisbiga mucaaridka ee kulmiye xaruntooda magaalada Hargeysa. Isusoobaxan oo aan ahayn mudaharaad loogu talo galay xukumada iyo mid loogu talo galay in cabasho lagu soo bandhigo toona lakiin ahaa mid xisbiga kulmiya sida uu noo sheegay amaba ay u soo abaabuuleen ay doonayeen inay kula hadlaan dadweynaha taageera xisbiga. Habkii xisbiga kulmiye u abaabulay isku imaadkan ayaa ahaa mid maalmihii la soo dhaafay ka dhawaajiyay masuuliyiin badan oo isgu jirta heer qaran heer gobol iyo heer degmaba kuwaasi oo uga digayay xisbiga kulmiye inuu joojiyo habka uu waxa u wada oo ay u arkayeen in uu yahay mid khalkhal galinaya nabada qaranka. Arigtida masuuliyintaas kala duwan ayaa jawaabtii ay ka bixiyeen kulankii kulmiye ee Sabtidii noqotay mid dadweyne badan cabsi galisay aadna uga xumadeen soo dhoobida ciidanka qaranka gudaha magaalo madaxda iyada oo aanay jirin baahidaasi. Dadweyne badan ayaa iyaguna arintan ku tilmaamay mid meelka dhaca ku ah bulshada degan magaalada Hargaysa oo ah bulsho danaysa nabada qaranka cabsidaa laga muujiyayna aanay ahayn mid looga bartay amaba ka suurtowda. Waa goolaaftan xukumadu kaga hortagayso balanka 29 March ee kulmiye lakiin hadaanu rabshad doon nahay cidana uga gaban mayno, waxaa yidhi wiil dhalin yaro ah oo ahaa dadkii taageerayay kulmiye. Waxaa wax laga xishoodo ah islamarkaan sharf daro ku ah dimuquraadiyada dalkeena Somaliland in la adeegsado ciidan si culus u hubaysan marka laga hor tagayow mudaharaad. Haddii ay timaado xasilooni daro waxaa jira ciidankii loo gu talo galay waa ciidanka booliska oo waliba dhawaan loo taba baray sida looga hortago mudaharaadka rabashada wata. Hadaba waxaa haboon in hayadaha ay arimahani khuseeyaan ka waantoobaan kana foogaadaan u adeegsiga ciidanka qaranka ama ciidan aad u hubaysan marka ay umadu iskugu soo baxado mudaharaad ay ku cadynayaan mowqifkooda kaasi oo ah mid xalaala nidaamka dimuquraadiyada aynu qaadanayna ogoshahay. Long
Live Somaliland Guled
Cabdi Shaakhaash – Gudoomiyaha SDWO Axmed
Maxmed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO Mukhtar
Axmed Sh. Adan (Taysa) Xoghaya guud ee SDWO
|