|
|
WARGEYSYADA
LOOGU YEEDHO MOQDISHO TIMES IYO XOGOGAAL OO SOMALILAND KU HAYA DAGAAL XAGA
SAXAAFADA AH (Press Released
21/01/02 – Somaliland Democracy Watch -UK– SDWO)Waxa mid aad loola yaabo
ah waxyaabaha ay qoraan labada wargeys ee ka soo baxa magaalada Muqdhisho
kuwaasi oo ay ka muuqato in ay wadaan dagaal xaga saxaafada ah oo ay kaga soo
horjeedaan deganaanshaha iyo kala danbaynta ay Somaliland gaadhay tani oo ku
tusaysa sida ay uga xunyahiin nabadgelayda iyo horumarka ay Somaliland ku
talaabsatay isla markaasna maadaama ay Financial Times ka soo xigato wararka ay
qoraan waxa ay ugu talo galeen in ay aduunka tusaan in aanay Somaliland wax
nabad iyo maamuli ka jirin.. Horaa loo yidhi been sheeg se been run u eg sheeg. Nacayb ay somailand u
qabaan ayaa wargesyadaasi ay qoraan wax ala wixi ay doonaan. Haddaba waxa nasiibdaro noqotay in wararkaas iyadii oo anay
iska hubsan ay ku soo baxaan website ay leedahay wargeyska la yidhaah Financial
Times ee ka soo baxa magaaladan London
Waxyaabaha ay qoreen ee aan
aadka ula yaabnay waxa ka mid ahaa. Bishii September 2001,
Ka dib markii qaraxyadu ka dhaceen dalka Maraykanka ayaa iyaguna waxa ay
qoreen warar ay sameeyeen oo ay lahaayeen, Waxa la qarxiyey gurigii madaxtooyada
ee Somaliland isla markaasna qaraxaas oo aad u weeynaa wuxuu sababay in gurigii
intiisii badnayd duntay, markaa uu qaraxu dhacayna uu madaxweynahu ku sugnaa
goobtaas se wax dhaawac ahi aanay ka soo gaadhin, imikan booliska iyo CID du ay
soo baadhayaan cidii ka danbaysay qaraxaasi.
Iyagoo sheegaya in ay warkaas ka soo xigteen Radio Hargeysa iyo Taliyaaha
ciidanka booliska Somaliland oo ay la xidhidheen. January 16th
2002 markii ay maqleen weftigii xaqiiqa raadiska ee qaramada midoobay in
ay gaadheen Hargeysa maqleena sababta ay Somaliland iyo Somalia ay u marayaan ay
tahay bal in ay wax ka ogaadan xaalada nabad gelyo, ayaa waxa ay Muqdisho Times
qortay laguna faafiyey website ka Financial Times in hub badan oo ay dawlada
Itoobiyi ku soo caawisay Somailand ay jidad goyn u galeen mucaarid hubaysan oo
ka soo horjeeda Somaliland meesha la yidhaahdo Wajaale halkaasi oo dagaal culusi
ka dhacay ka dibna mucaaridkii aay hubkii gacanta ku dhigeen dhawac iyo
dhimashana gaadhsiiyeen ilaaladii shixnadaas hubka ahayd la socotay. January 19th 2002, Waxa ay marlabaad soo qoreen Moqdhisho times wararkii ay ku sheegayeen in hub Somaliland u socday lagu qabtay Wajaale, Se imika sheekadii way yara bedeleen waxayna yidhaadeen Raadyoow ay leedahay Oramadu oo ku yaala Eleteriya ayaa sheegay in hubakaas oo ay itoobiyi u dirtay Somaliland lagu qabtay tog wajaale, halkaasna ay mucaaridku khasaare weyn u geeysteen ciidamadii itoobiyaanka ahaa, iyagii oo sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee hub loo soo mariyo Somaliland dhinaca dhulka iyadii oo hore loogu keenijray diyaaradado. January 20th 2002 Wargeysaka loogu yeedho Xogogaal ee ka soo baxa xamar ayaa isna qoray in Radio Hargeysa sheegay in gudoomiyaha Bangiga Somaliland uu ka digay lacag faalso ah oo ka timid dhankaas iyo Somalia ay soo gashay Somaliland lagana feejigaado, tani oo ay ku sheegeen in sekuuratiga oo aad u jilicsan darteed ay suurto gal noqotay in lacagtaasi ay Hargeysa soo gaadho. Lacagtaasi oo ay soo geliyeen iskana leeyahiin dad baayacmushtari. Isla markaasna uu gudoomiyahu ku amray in boolisku ay soo xidhxidhaan daadkaas lacagtaas keenay. January 20th
2002 Wargeyskaa loogu yeedho Moqdishu Times ayaa qoray in Hargeysa lagu
xidhxidhay 20 qof oo halkaas ku shirayey, iyadii oo lagu eedeeyay in ay ku guda
jireen shir aan sharcigu ogeleyn,
se dadkaas la qabtay ay sheegeen in aanay wax shir ah ku jirine ay iska
qayilayeen, imikan ay dadkaas daba socdaan haaydaha xaquuqda adamiga sidii loo
sii deeyn lahaa. Wararkaas oo dhana lagu baahiyey website ka Financial Times ka. January 13th 2002 Wargeyska Moqdisho Times ayaa qoray laguna fidiyey website ka Financial Times in taliyahii Jeelasha Somaliland Col. Ali Sugal Dhodi uu baxsaday tegayna Burco isagoo sheegay in uu arkay in Cigaal yahay keligii taliye aan dadka u ogoleeyn in ay si xoriyad ah u hadlaan, isla markaasna dadbadani ay jeelasha ku jiraan ilaa 4 sano iyadii oo aan la xukumin, taliyahaasina uu ku tilmaayay in maamulka Cigaal ku sii xunyahay kii Siyaad Bare waxaanay intaas ku dareen in taliyahaasi yahay kii ugu horeeyay ee darajadaas oo kale leh oo ka baxsada Cigaal una galay mucaaridka. Halkan laguma soo koobi
karo wararka ay Financial Times tu ka soo xigato labadaa wargeys oo aad maalin
walba ku arkaysid been qaawan. Hadaba
waxa haboon in laga feejignaado wararkaas been abuurka ah ee ay ku kaceen
saxaafadaha ay leeyahiin cadawoga Somailand, xidhiidhana lala sameeyo website ka
Financial Times, laguna baraarujiyo wararkaas been abuurka ah ee loo soo
gudbinayo website kooga. Emailka Financial Times kuna
waa
News@ft.com Long
Live Somaliland Guled Cabdi – Gudoomiyaha Ururka - London Mukhtar Axmed - Gudoomiye xigeen - Hargeysa Axmed Maxamed -Afhayeenka ururk - London
|