SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Alla ha u naxariistii Marxuum Cigaal Madaxweynahii hore ee Somaliland mudo yar ka hor intaanu dhiman ayuu ciidanka u tegay oo qudbad dheer oo waano iyo dardaaranba iskugu jirta u jeediyay, wakhtigaas oo Wergeyska Jamhuuriya uu ka qoray maqaalkan hoosta ku qoran,  Ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo - aamiin -aamiin - aamiin

Madaxweyne Cigaal Siminaar u xidhay saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaran

Hargeysa (Jam)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa shalay booqasho ku tegay xarunta Guud ee ciidanka Qaranka Somaliland, halkaas oo uu kaga qayb galay xidhitaanka siminaar     u
socday muddo toddobaad ah Saraakiil ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ee gobolada iyo degmooyinka .


Mudane Cigaal oo munaasibadaas ka jeediyey khudbad dheer oo isugu jirtay waano, dhiirigelin iyo dardaaran waayeel oo uu ku guubaabinayey ciidamadaa tababarku dhammaysatay waxa uu ku bilaabay isagoo ka hadlaaya waqtigii ugu
horaysay ee uu galo dhismaha taliska ciidanka qaranka Somaliland oo waqtigii Dowladdii Siyaas Barre  ahaa qaybtii 26aad uu yidhi; “Gurigan soo galkiisa, maraan idiinku imid oon meesha eeg eegayay mooyaane waxaa iigu dambaysay
1985kii, iyadoo uu Moorgan ka madax yahay, wuu ka qurux badnaa gurigu maalintaa sida uu maanta yahay, qalab badan oon maanta oolina waa yiilay, laakiin haddana guul daro kale ayaa taalay.


Raggii meesha joogay maalintaasi, wajigooda wixii ka   muuqday iyo waxa wejigiina ka muuqda maanta kaaf iyo kala dheeri weeye, waayo? Maalintaa duli baa ka muuqday, rag dad u cabiidsan oo nin qudha u cabiidsan oo lagu tagri falayo, loo qabaansanayo inay dad waxay u jeclaayeen gacantooda ku laayaan, kuna xumeeyaan oo ku addoomiyaan, ayaa ka muuqatay, shaqada aad hayso maalintaad neceb tahay oo waxaanad ku iimaan qabin lagagu kelifayo subax,
maalin iyo galab walba wejigaaga ayay ka muuqataa, taasina waxa leh digtaatoornimada”.  


Mudane  Cigaal,   isagoo ka hadlaayay waano uu u jeediyey ciidankii ugu horeeyey ee lagu furo xerada tababarka ciidamada ee Dararweyne waxa uu yidhi “Maalintii aynu furaynay iskuulkii Dararweyne ayaan raggii meesha ila joogay u sheegay waxaanan idhi; “wixii idin soo maray haddii aanan idinka waaninaynin aniguna ka waaninaayo dalkan milateri, inuu xukumo inaanu u hunguroonin, ma jiro nimaan ka waaninaayo, haddii wixii idin soo maray ee aad soo aragteen aydaan kaga waantoobin oo maanta aydaan kaga xanaaqin,  digtaatooriyad wuxuu Maxamed Siyaad ka bilaabay markii ugu horaysay Soomaalinimo.


labadii sanno ee u horeeyey rag caqiibo leh, cilmi leh oo hagaagsan oo weliba reer waqooyigeenan u badan ayuu u dhiibay xukunka Soomaalinimo ayaan ku shaqaynayaa ayuu na yidhi, anigu Af-gooyaan ku xidhnayn berigaas, raggayagii xidhnaa ayaa ku dagaalami gaadhay bagaa laynooga qabtay dalka waakaa soo waynaga raystaye. Nin aad iyo aad u karti badanoo Ismaaciil Cali Abokor, la yidhaahdona Raadyowga ayuu u dhiibay, markaasuu maalin walba wax ku qasaayay, Ruushankiina  markii uu arkay inuu nin karti leh yahay, ileyn nimankaasaa talada gacanta  ku hayee ayay iyana wax walba u fureen oo hub u keenen, qalabkii iyo wax kasta u keeneen, warkaasaan Raadyow yar oo meesha noo yiilay ka dhagaysanaynay”
Madaxweynuhu isagoo arrintaa ka sii hadlaayana waxa uu yidhi “Maalin Maxamuud Cabdi Caraale, Idaacadda wax laga weydiinayay ayaa la yidhi, waar lacag badan oon horey loo arki jirin, baa idin soo gashay dawladda maaliyadeedoo way toban laabantaye ma raggii meesha joogay ayaa iska cuni jiray, waxaana uu yidhi; “mayee anigu cidbaa wax cuni jirtay iyo ma cuni jirin odhan maayee Maxkamad iyo dad ku shaqo leh, ayaa ka garnaqi doonee, laakiin waxaan idin sheegayaa lacagtan maanta soo gashay waxa weeye cashuuro iyo waxaan la siin jirin raggii hore oon laga biqi jirin dimuqraadiyad aan
laga biqi jirin, ayaa maanta markii milaterigu meesha qabsaday baqe laga baqaayo naloogu keenay, toddoba cisho oo dambe muu joogin  maalintii laga eryey shaqada oo laga fadhiisiyey, waayo, runtaa la diidadayay maalin walba sida uu mid u siibayay maalinba siday wax u soo dhinmayeen waxay gaadhay inuu maalinba talaabo soo qaado, Soomaalinimada ayuu ka soo degay Daaroodnimuu ku soo degay, Daaroodnimuu ka sii degay, Daarood koonfureed ayuu ku soo degay, waa ka soo degay aakhirkiina markii uu inaga sii tagayay isagoo Mareexaan xataa u kala abtiriyey  oo reer Diini maraya meel uu ka
mari lahaaba ayuu inaga tegay, maahana wax marxuum Maxamed Siyaad Barre u  gaar ahaa ee waxa weeye diktaatoor walba sidaa, maalin walba nin buu  eryayay, waa nooca la yidhaa: - Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa.
Maalinba ninbaa ka aaminka baxaa, bal eeg kaasi siduu maanta ii soo eegayay,  markii aan suuqa maraayay wax ii sacab tuma ma arag.


Waxaan garanayaa khudbad uu maalin akhriyey oo uu yidhi :  “Intaa I hor  fadhida ee sacabka tumaysa ayaa dadka u xun”.
Madaxweynaha oo ka hadlayay sida ciidanku qiimo iyo sharaf ku yeelan karo waxa uu yidhi; “sacabkaa loo tumi jiray, maanta sida la idiinku tumaayo, marka afar nin oo wada socda oo dirays gashan la arko, berigii dambena 1990kii wixii ka horeeyeyna marka afar askari oo wada socda la arko, ayaa sida ugaadha la didin jiray, waxaanan doonayaa in aad ku noqotaan halkii sacabka loo tumi jiray, waanad joogtaan, oo aad maraysaan maanta.


Waxa weeye dalka, dadka iyo diinta, diktaatooriyadi qiimo uma soo wado waxa ay ku faanaan reer galbeedku oo ay yidhaahdaan:- dimuqraadiyada anagaa abuurnay.  Waxba may abuurine 1400 oo sanno ka hor, ayaa Abubakar markii la doortay ee la baayacay khudbadii uu ku aqbalayay ee uu xafiiska ku qaatay ayuu ku yidhi: “Haddii wixii Ilaah I amray  aan anigu guto oo aan idinku wado xaqii iyo cadaaladii, sinaantii, iyo walaaltinimada waar ila qabta oo idinkuna daacad ii noqda, haddii aan anigu ka baydho dowgii Ilaahay ina mariyeyna waxaan xaq idiinku leeyahay ma jirto. 

Ingiriisku maalintaa harguhuu huwanaa, Maraykana ma buu jirin oo lama aqoon,  reer Yurub oo idilna may ahayn waxay is moodayaan, dad, dal iyo diin mid walba waxa ku wanaagsan in taladu halkaa miiska talaa, inaga dhaxayso, idina   tan halkaa taala aad daafacdaan oo ninka ka baydhana aad ka qabataan”.    Mudane Cigaal, waxa uu sheegay in ciidamada Qaranku ay wakhtigan  ku taagan  yihiin waddo wanaagsan, isagoo Madaxweynuhu ka sii hadlayana dadka wararka
beenta ah ka faafinaya qarankan ee shakiga ku beeraya mujtamaca Somaliland dhexdooda iyo kuwa caalamkaba waxa uu yidhi “Rag badan maaha, waxa dunida ay la wareegayaan been weeyi in la eryado been baa u gaabisa, beri dhowayd waxay yidhaahdeen 23kii February, baanu dhulka qabsanaynaa niman Maraykan ah oo aanu ballan lahayn, oo wafdi ahaa baa soo socday, Addis Ababa ayaa lagu joojiyey oo la yidhi:-  nin qudhoow is biimeeyoo bal aad iska dhimatide ama alle ha ku badbaadiyee, ragga inta kale Addis Ababa ayay kugu sugaysaaye tag, markii uu yimi xafiiska ayuu iigu yimi, markii uu ii yimi ayuu aniga igu yidhi:- bal digtoonow meesha waxbaa la sheeg sheegayaaye, waxaan ku idhi :- 

Belaayada aad sheegaysaa qalbigaaga ayuun bay ku jirtaaye, adiguun baa  lagu bajistaye wax  dalkan joogaa ma jiraan, waxa uu yidhi:- “u hoyan maayo halkan ee baabuur ha la I siiyo, baabuur ayaanu siinay oo halkan kaga qaadnay Jigjiga ayaanu ku geynay, subixii ayaanu diyaarad ka raacay waxaanan ku idhi :- muddo maalin ka dhow ma jirtee, bal Addis Ababa naga warayso 23ka February waxa ka dhaca, haddii kale ka waantooba nimankiinan ajnebiga ah ee nin walba isagoo xafiis weyn iska fadhiya beenta laga iibsanayo, dabadeedna ku soo kacay beentii dee la idinkula socon kari maayo sidane dalkan anagaa u talina, anagaa u madax ah, anagaa sirtiisa og, anagaa bogiisa iyo baalkiisaba ka war hayna oo og, dee hadii aydaan anaga waxba na weydiinaynin ood hadba tuug qol madow wax idinkaga shuba aad waraysanaysaanoo anagii aad weliba noola imanaysaan, markaa nimankii way tageen, waxayna naga maqnaayeen dhowr iyo toban cisho way soo noqdeen iyadoo kii  la socday waxaanan ku idhi:- babadkii kugu jiray ma kaa hadhay? Waxa uu yidhi : - haa, wax danbaan
idinka maqlo mooyaane in aan been dambe dadkaa ka iibsano ayaan idiin ballan qaadaynaa”.


Madaxweyne Cigaal isagoo arrintaa ka sii hadlaya uu yidhi “waxay yeelayaan dalkani ma jirto, maalin walba iyagaa is ceebaynaya, shacbiga Somaliland-na waa ka il baxay, idinkana idin ma lihi weji xun tusa, aniga iyo iyaguba waanu idiin simanahay waxa aanu nahay dadka aad daafacaysaan, laakiin haddii wax la duminayo dadka sidan ka daaya xaq baad u leedihiin, dalka daaficiisa ayaanu nahay ee waxyaabaha qaarkood ma eegan karnee dalka sidan u dhaama, ninkii Wiilwaal la hadlayay wuxuu yidhi:- waar Wiilwaaloow reerka bajada kala bax, markaa aad iyo aad ayaan idiin faaninayaa, idinku amaanayaa, waxan idinka muuqda iyo talada aad yeelateen, intii kale ee aad ka timaadeena u gudbiya, raggiina wax ay idinkaga daydaan waxa la yidhi: - awrka dambe awrka hore raadkiisa ayuu leeyahay, ragga kale raggiinan weeye waxay idinku arkaan ayay ku dhaqmayaan, haddii habeenkii afar reer hebel ha u yeedhaan iyaguna afar reer hebel ah ayuun bay u yeedhayaan, haddiise ay idinka arkaan idinkoo isku xidhan oo taladiinu mid ciidan ay u badan tahay iyaguna taasi ayay idinkaga dayan doonaanoo ciidan wanaagsan ayaad u madax noqon doontaan oo madaxtinimadiina ogol, markaa nin idinkoon u danaynayn dalkaad u dhaarateen oo qudha mooyaane, waxa ciidan wanaagsan aad ku dhisi doontaan marka idinka wanaagu idinka muuqdo”.


Mudane Cigaal   isagoo ka hadlaaya sida uu dalku ku joogo ama ku dhaqmo waxa uu yidhi “Nin is faanshay waa ri’ is nuugtay, bal aan is nuugo anigu maanta, anigu shacbiga Somaliland waxaan ku joogaa mid bay igu og yihiin inay ii
wada siman yihiin oo cidna aanan cidna ka dhawaysan iyo in waxoogaaga agoonta laga soo ururiyey aanan ka hunguraynayn, labadaa arrimood ayay igu aaminsan yihiin oo ay igu wataan oo aan ku wataa, markaa ninka madaxda ah
marka ay ka muuqato isaga hoostiisa waxa ka dhismi doona wax wanaagsan, kalsooni iyo isku kalsoonaan leh, anigu ciidankan waan ku kalsoonahay kuwa halkaa ila jooga, kuwa booliska ah, iyo idinkaba kalsoonibaan ku qabaa,
sababtaan ugu qabaana waxa weeye ma jirto wax gooni ah oon u diraayo, waxaan aniguba u shaqaynayo mooyee dal dhis, qaran dhis, iyo qoomiyad dhis mooyaane, iyo dad walaalee, 1993kii markaanu halkan nimi waad ogaydeen raggiinan aad xukumaysaan waa raggii wadooyinka fadhiyey ee dadka ku baadhanayay, maalmahan waaba la idin gacan haadinayoo waxa la idin leeyahay:- waar xoogaagan yar ee la idiinku magacaabay idinkaa dalkan u talin jiraye, waa maxay waxan ayaa la idin leeyahay, malaha hungurigaasi baaba idin galay, wuxuu yidhi :- Madaxweyne waabanad naga war hayn, haddii
aan Ilaah farashkii inoo furin 1993kii ilaa iyo 1995kii maanta in yar baaba naga noolaan lahayd, maalin walba qaad baanu cunaynay habeen oo dhana Daji baanu cabaynay, maanta laba xaas ayaan leeyahay iyo afar carruur ah, guri walbana laba carruur ah ayaa ii joogtoo, maanta reer baan u madax ahay oo  oday ayaan ahay, odayaasha loo yeedho ee lala tashado ayaan ahay, maalintaa dhoweydna Dayday ayaan ahaa, waxaan ku leeyahay ballan ayaan kuu qaadaynaa aniga iyo wixii ila mid ahi, waxaad sheegaysaa ninka noola yimaada in aanan kugu soo simine ee aanu anagu xabad ku dhufano.


Ninkaasi waxa uu ka mid ahaa raggii madaarka haystay ee uu Dhegoweyne u madaxda ahaa, ee anigana dhowr jeer ii diiday in aan ka dhoofo Madaarka, maanta sidan ayuu u hadlayaa, Alxamdu Lilaah dalkii halkaa ayuu marayaa sidii uu Abuubakar u sheegay ka saajinka ah, kan Jananka ah iyo kan Madaxweynaha ahba, intaas baa laga rabaa inay ka muuqato inuu wanaag wado inuu dal dhisaayo, taasaanan idin farayaa”.


Mudane Cigaal isaga oo ka hadlaaya Laas-caanood waxa uu yidhi “Maxamed Siyaad Barre, ayaa meesha uu u dan leeyahay maalintaa inuu nabar gaadhsiiyo ayuu odhan jiray:- halkaa farbaa ku godan, waar Laas-caanood far ku godani ma jirto, maalin dhowayd niman odayaal ah, ayaa doonayay inay is tusaan ayaa igu yidhi:- lacag baa loo qaadaa nimankii Dhulbahante la odhan jiray, oo wax walba iyaga ayuunb baad iska siinaysaa, waxaan ku idhi:- waxay Somaliland inteeda kale kaga duwan yihiin ma jirto, nin waliba wixii loo dhiibay waa hunguraynayaa, koobkaa shaaha ah halkaa gee haddii la yidhaa dhexda ayuu ku sii kabanayaa, inta qudha ee ay idin dheer yihiin waxa weeye raad baa meel kale u yaaloo laba canlayntaas ayay idin dheer yihiin ee waxa kale waa wax aan wada qabnaa ayaan ku idhi, waxaanan leeyahay khusuusan aniga reerkaa gacan saar ayaanu lahaan jirnay weligayo, siyaasaddana waxoogaa loolan ah ayaa naga dhaxaysay, saaxiibtinimo gaar ahina way naga dhaxaysay, Alle ha u naxariistee ninkii Cali Garaad la odhan jiray, ayaanu baabuur u wada raacnay Af-gooye oo ku sii sheekaysanay, waxaanan ku idhi:- waaryaa Cali dalka waxa u taliya siddeed oday oo Majeerteen ah oo Kuraaje Dasuude fadhiya maalina ma kuu yeedheen oo ma yidhaahdeen Ina Garaad Jaamac ayaa yimide bal aanu ra’yi weydiinee inoogu yeedha? Markaasuu yidhi:- maya, markaasaan ku idhi:-


Maalintaas C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ra’iisal wasaare noo ahaa, haddii uu gabo ina ma u malaynaysaa inay nimankaasi yidhaahdaan, bal aynu maantana Ina Garaad Jaamac ku eegno, maya ayuu yidhi, haddaba maxaad isugu qabtaa markaynu Xamar nimid inay anigana wax iga dhaceen adigana wax kuu kordheen? Wuxuu yidhi :- 

inta uu magacaabay nin marxuun ah oo dhintay ayuu yidhi:- aniga ma hebel baad I moodaysaa, anigu Hargeysaan qiimo ku lahaaye, Xamar adiga ayaa qiimo ku yeeshay”. Madaxweynahu isaga oo la hadlaya ciidanka waxa   uu yidhi;  “idina waxaad ku faantaan oo aad tidhaahdaan qaran baan ciidan u nahay ayaad helaysaan.


Maantana beelaad ciidan u tihiin, marba meesha ay ka dilaacdo waar bal gaadha, shalay Booramaan idiin dirnay waxaan idin leenahay waan idiin soo ducaynaynaa, Ilaahayna waa naga aqbalayaa”. 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE