SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

DIMOQRAADIYADII SOMALILAND WAAGIIBAA KU GUDUUTAY 

SDWO – Somaliland Democracy Watch Oraganisation – Press Release 30/11/2004 London).  Ugu horeyn waxaan aad u dhaleecaynaynaa xadhiga lagula kacay afarta qareen ee sida sarajooga ah maxkamadu ugu xukuntay min sedex sano oo xadhiga. 

Iyada oo idhaha caalamku bar yahayn danbe si gaara ugu fooraraan nidaamka dimoqradiyada Somaliland, isla markaana tusaale loogu soo qaado dawlado badan oo ka mida dunida sadexaad hab u socodka dimoqraadiyada Somaliland ayaa waxa carqalad iyo ceeb u soo jiiday xadhigii degdega ahaa ee dhawaan lagu la kacay qareenadii u doodayay gabadh da yar oo dacwad lagu soo oogay. 

Maxkamad qalanlaase iyo buuqba waa ka dhashaa nidaamo badan oo loo xaliyi karo ayaa jira iyada oo la dhawrayo sharciga, kala danbaynta iyo dimoqraadiyadaba.  Somaliland oo arimaahaasi oo dhan ku socod bariyina waxay u baah nayd inay u yeelato foojignaan, dulqaad iyo dhawr sanaan si ay u muujiso dawlad-nimada iyo nidaamka ay ku faaanto inay gaadhay. 

Hadab xadhigan ay xeer ilaaliyaha iyo gudoomiyaha maxkamadu la beegsadeen qareenada oo muujinaya ku tagrifalid awoodeed marka laga eego mudada ay xabsiga u taxaabeen isla markaana ah meelka dhaca ay u gaysteen hankii loo qabay dimoqraadiyada Somaliland dhana ka muujinaya dulqaad la’aanta iyo xal u helis la’aanta arimaha qaarkood ka haysta xeer ilaaliyah iyo gudoomiyaha maxkamada. 

Siday wax ka noqdeenba Xeer ilaaliyaha iyo gudoomiyaha maxkamada waxaa la yidhi caano daatay dabdood la qabay.  Hadaba waxaanu ugu baaqaynaa maxkamada iyo xukumadaba in arinkaasi laga daba tago laguna dadaalo sidii si dhakhso aha qareemada loogu soo celin lahaa xoriyadooda kadibna loo sixi lahaa halka qaladku ku jiro loogana foojignaan lahaa sidii aanay ceebtan oo kale aanay dub ugu dhacdeen maxkamadaha Somaliland. 

Guud ahaan waxa shacbiweynaha meelwal oo ay joogaanba ka wareeriyay kiiska gabadhayar ee mudada intaas leeg soo jiitamayey khalkhalka iyo ceebahaa la arkayana soo gaadhsiiyay maxkamada iyada oo ay ahayd inmarhoreba dhan loorido xaqiiqdiisana loo dhaadhaco cidii u xidhan xoriyadooda loo celiyo haddii aan waxa cad lagu hayn. Yaan xaalku noqon dimoqraadiyadii Somaliland waagiibaa ku guduutay. 

Allaa Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh – Long Live Somaliland 

Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye kuxigeenka SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE