SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Faallo ku wajahan murashaxa madaxweynaha

Sallaan ka dib waxaa jira in baryahan danbe ay u noqotay nin waliba ceesaantii ceel keen waxaa fooda inagu soo haye xilligii doorashooyinka Madaxweynaha haatan ragga u kala baratamaya Madaxweynaha iyo xisbiyada ay ka soo kala jeedaan, hadaba had iyo goor waxaad arkaysaa umadeena oo xaqiiqda ka fog isla markaana nin waliba ninka uu u xaglinayo mooyee ka kale taariikhdiisa aasayo maan jeclaysan in aan  faaladan ka bixiyo xiligan laakiin waxaa kalifay dhawr nin oo isu jaawabaya iyagoo canbaaraynaya musharaxiinta qaar aan ka gudbo sidan soo socotana aan u dhigo
 
1)Mujaahid MAxamad Axmed (Siilaanyo) tariikhdheer buu ku leeyahay dalka Somaliland waxay ahayd wakhti xun oo umada reer Somaliland la baabinayo markuu Maxamad Axmed Siilaanyo iyo Halyayada lama ilaawaanka ah intooda nool iyo inta dhimatayba ay Cudud u noqdeen Ururka SNM in badanbaa la soo halgamayay guushiina la hel ka dib Siilaanyo waxa uu wax ka soo qabtay Xukunkii Somaliland ka jiray wuxuuna intiisa badan ahaa Wasiirka Maaliyadda  Md. Siilaanyo waa nin aad u dajin yaqaana xaga maaliyada isag oo isla markaana meelo badan hogaaminteeda ku wanaagsan Runtii Siilaanyo waa nin ay taariikhduusa Cadahay oonan anigu halkan ku soo koobi karin
 
2)Md.  Daahir Rayale Kaahin  maxaad ka taqaanaa waxaa inooga filan taariikhdiisa  mudada gaaban ee uu xilka hayay qof waliba waxa uu ka makhraati kici karaa in ay Xukuumadiisu ooga dhawdahay xukuumadii hore ictiraafka isagoo ka sii anba qaadaya halkay soo gaadhsiisay xukuumadii hore tusaalayaal hadaynu soo qaadano waxyaabuhuu Md. Madaxweynuhu qabtay waxaa ka mida in waftigii ugu ballaadhnaa ee gobolka Sool tagaa uu isagu diray in uu inoo hirgaliyay in ay doorashooyin Dawladaha hoose dhacaan in siyaasadda dibadu si ka wanaagsan sanadihii hore ay u socoto. waxyaabo badan uu qabtay oonan halkan ku soo koobi karin oo badan ayaa jira bal hada se aad maskaxdaada ka baadhi karto
 
3) Ing.  Faysal Cali Waraabe  waa kuma  Faysal runtii waa nin aad u da yar walina ina muu soo marin firfircoonida faysal nin dadiisa ah oo bishii mar ama laba jeer isaga duula aduuunka guudkiisa bal si uu uga dhaadhiciyo wadamo badan Somaliland in ay tahaya wadan buuxisay shuruudihii wadan lahaan jiray  Faysal waxa uu si adag had iyo goor ula hadlaa cadawga Somaliland Faysal waxaa lagu xasuusan karaa in had iyo jeer uu baraarijoyo wadan walba uu soo maro dadka reer Somaliland ee markaa ku nool meeshaas  Faysal waxa uu halgan dheer oogaga jiray Waqooyiga Yurub in ku dhaw 10sanno gooni isutaaga Somaliland isagoo markaa aanu wax jago haba yaraatee u haynin Dawlada Somaliland intaa waxa uu raaciyay in maalintii Dastuurka Somaliland hiilka u baahnaa curadkii u kacay isaga noqday ururkiisiina sharciyeeyay Dastuurkan lagu codaynayo runtii taariihk aad u dheer ayuu leeyahay ninkii ubaahdaana raadsan karo
 
4) hadaba dulucda iyo nuxurka hadalka hadaan u soo laabto taariikhdu waa halgan socda kumana koobna wakhtigii dagaalada oo kaliya walow Wakhtiga dagaaladu mudanyihiin sharaf iyo taariikh dheeraada raggan aan ka faallooday waxaad arki kartaan in ninba taariikhda in ku leeyahay nin waliba meel ku wanaagsan yahay ILAAHAY  (SW) quraankiisa inoogu sheegay in dadka qofba meel ku wanaagsanyahay tusaale wanaagsanna waxaa inoo ah Madaxweynihii geeriyooday alle ha u naxariistee muu ahayn nin ka tirsan ragii SNM keebka hayay wakhtigiii dagaalka bal hada se habka maamul siduu u yaqaanay iyo siduu somaliland wax ugu taray ku cadahay taariikhda dalka
 
maanta waa Ilaah mahadii hadii raggaa qiimaha badan ukala bartamayaan Madaxweynanimada hadaba kaad wadato maahee ka kalena xasuuso haduu helo in uu wax uu kaga wanaansanyahay kankale uu jiro ragga ku murmaya shabakadaha qaarna tusaale u qaata qoraalkan waxaan ku darsan lahaa intaa ururka Somaliland Focus in ay ka tusaale qaataan walaalahooda uruka SomalilandForum  oo kaalin wayn kaga jira halganka mandqada Maandeeq  Somalilandfocus waxaan kaloon ka codsan lahaa in ay ka daayaan cabashada ay ku qorayaan shabakada Somaliweyn ...
 
 
                        Cumar Cabdi Nuux
                       Calaydh2@hotmail.com 
                      Helsinki Finlad

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE