|
|
11 April 1983 DAGAALYAHANADDII DHAQDHAQAAQA WADANIGA SOOMAALIYEED "SNM AYAA MIISKA SARAAKIISHA KALA BAXAY C/LAAHI ASKAR Hargeysa - Sheekadan qiirada leh
ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii Qarnigii hore ee lagula
baxay Muj.Cabdilaahi Askar Barkhadlewaxa ka waramaya oo ka sheekeyay Muj.Aadan
Maal Caqli oo ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku
nool yahay hadda magaalada Hargeysa, waxaana la ii sheegay inay raggii kale ee
hawlgalka ka qayb qaatey ay ka noolyihiin saddex nin oo mid ka mid ahi uu
Gobolka Sanaag joogo midna uu London ku nool yahay midina uu yahay Aadan Maalkan
ka waramaya dhacdadaas cajiibka ah. Waxa sheekadan soo ururiyey oo habeeyay
Muj.Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa weyn oo reer Somaliland ah. 12kii April oo ahayd maalintii loo dabaal degi jiray wixii la odhan jiray Xooggii dalka Somaliyeed ayaa dooxatadii dalka ka talinaysay qorshaysay in Cabdilaahi Askar la geeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada ee Hargeysa oo lagu qabanayay qayb xafladaasi ka mid ah. dadweynihii xafladaasi ka soo qaybgalay ayaa la doonayey in la tuso Cabdilaahi oo isku jabsan iyadoo looga gol lahaa in shacbiga kenodiidka ah lagu qanciyo in aan cidi u maqnayn, haddii ay u maqantahayna ay iska yartahay waxa ay tari karaanba, haddalada maalintaa laga hayay Gaani waxa ka mid ahaa "Kii ugu weynaa ayaanu heynaa oo idin hor keeni doonaa".Taladu tiisa oo keliya maahe tii Alle iyo tii Mujaahidiintuna meel ayay sii taalay, intii uu Cabdilaahi xidhnaaba waxay Mujahidiinti guduhuna gorfaynayeen sidii ay ula soo bixi lahayeen Cabdilaahi Askar. 11kii April 1983kii ayay Hurin ka tirsan Naftood hurayaashii SNM ee gudaha ku sugnaa oo uu horkacayay Ibrahim Ismail Maxamed oo loo yaqaanay Koodbuur ay goor casar ah soo gaxaysteen laba Baabuur oo Toyota ah oo iyago oo dhan Kow iyo Toban Mujaahid. Haddaba bal aynu eegno sida uu dhacdadan Aadan Maal uga sheekaynayo waxanu ku bilabay sheekadii sidan:- Bishii 4aad ee April 8dii 1983 ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdilaahi Askar lagu qabtay. In Cabdilaahi la soo furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkoodna halkan Hargeysa sii joogeen qaar na ay la socdeen. Fikradda soo furashada markii ugu horaysay waxa anaga noola yimid Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqanay Bir-jeex. Hawlgalku Furayaal ayuu lahaa oo Askarta waxa Mafaatiix u ahaa labadaa mujaahid, saraakiishana Ibrahim Ismail Maxamed (Koodbuur) iyo Cabdisalaan Turki. Aadan maal waxa uu inoo sheegayaa halkay sheekada ka soo bilaabeen, waxaanu yidhi "Sheekada waxaanu ka soo bilownay Guri aan ka fogayn Xeradii Birjeex. Maalintaa waxanu ahayn 10 nin. Maalintaa waxaanu qorshaynay inaanu fiidnimada la baxno Cabdilaahi Askar.habeenkaa way noo suurta galiwayday maxaa yeelay, 10-kayagii meesha fadhiday saddex ka mid ahayd ayaa naga baxday. Tiradayadii ayaa yaraatay oo 7 ayaanu noqonay waxaanu goaansanay inaanay caawa hawshu noo suura galayn. Sidaa darteed ayaanu ballan Beri ah u qabsanay si aanu kulan dambe u samayno." Aadan Maal haddana maalintii dambe bal ha lafa guro wixii dhacay"Bishii April 11-keedii anagoo kasoo qadaynay Hudheel ku yaalay xaafadii Iftin ayaanu soo raacnay Tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaalay meel Xabsiga dhexe ee Hargeysa Woqooyi Galbeed ka xiga. Waxa gurigaa lahaa Ismail Sheekh Ibrahim Xujaale, waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno 4tii galabnimo, Qolooyin ayaa naga soo habsaamay oo goordambe noo yimid. Sidaa darteed ayaanu hawlgalkii u qorshaysanay inaanu ka dhigno 5 galabnimo."Gurigan uu aadan inoo sheegay ee uu lahaa marxuum/mujaahid ismail sheekh ibrahim waxa uu ahaa ka ay ka baxeen colku, sidaa darteed ciidamadii dooxatada ahaa ee Siyaad Barre iyagoo falkan kaga aar gudanaya ayay Ismail la baxeen kuna toogteen Hargeysa, Ismail waxa la sheegay inuu taageray Hawlgalkaas isagoo sameeyay dabaaldeg. Aadan ha inoo wado shekadii "Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalay ayaanu ka dhaqaaqnay. Halkan imika Ibrahim dheereuu ka dhisayo Masaajidka halka kasoo horjeeda ee Dugsiga Sh.Baraawena Galbeedka ka xigta ayaanu kaga dhacnay wadadii. 5:25p.m daqiiqo ayaanu dhaqaajinay oo cidhib barako leh ku dhufanay. Ku talagalku waxa uu ahaa inaanu marno wadad dhaqtarka ka damabaysa oo aanu kasoo laabano Sheekh Ibrahim Biliso halkii uu ku jiri jiray ka dibna aanu hormarno Tubatariyada, oo sidaa miiska sarakiisha ku tagno." Aadan Maal oo ka mid ahaa ragaa naftood hurayaasha ah ee la baxay Mujaahidkaa ha inoo sheego sidii lagu galay Miiska Saraakiisha, "Waxaanu isu qaybinay laba kooxod oo midi Afar tahay midina Sideed nin tahay. Waxa horgalayay baabuurka hore ee ay sideedu saarnaayeen oo aan ku jiray. Markii aanu soo dhaqaaqnay Annagoo Sh.Ibrahim Biliso gurigii uu deganaa meel u dhaw marayna ayaanu ogaanay in baabuurkii Afarta nin saarnaayen naga hadhay. Halkii ayaanu ka soo noqonay. Anagoo marayna meel aan ka fogayn Xafiiskii nabad sugida ee hore oo ah halka arimaha debeda iyo dib u dejintu ku jiraan hadda ayaanu aragnay Baabuurkii oo taagan meel aan ka fogayn halka hadda laga dhisay Guriga Edna Aadan ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka dambeeya waanu ku soo noqonay. Shaw wuuba fadhiyaa Baabuurku Waanu riixnay Arday meesha maraysayna way nala riixeen. Waanu kariweynay Baabuurkii kale ayaanu ku jugaynay kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqay. Wadadii hore waanu ka leexanay oo waxaanu u soo leexanay tan Madaxtoyada hormarta. Intii aanu Baabuurka riixaynay ayaa Afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo uu iska tagay." Ogow akhriste Habeenkii ka horeeyay iyagoo Tobbana Saddex ayaa iska goostay, Aadan ha inoo wado ee raali ahaada, "Markii uu Babuurkii oo hashakadaynayaa noo kacay ayaanu isagii nidhi na horsoco si aanu u ogaano inuu istaagay iyo inkale. Markii aanu gaadhnay Geerashka ina Abu-site ayaanu Baabuurkii saddexdu saarnaAyEen dhaafnay oo horgalay. Waxaanu ku nidhi soo soco oo hawshaadi qabso. Hawshoodu waxay ahayd inay albaabka shishe ee Miiska ee Galbeed xigta ay tagaan oo ay Gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan. Annagoo sideed ahayna hawshayadu waxay ahayd inaanu Albaabka soke ee Bariga soo xiga ka galo oo Gaadhka gudaha ku jira kala calaf qaadno." Intaa ka dib maxaa dhacay, bal Aadan Maal ha wado mucjisadan, "Waxa direyskii ciidanka labisnaa Ibraahim Koodbuur iyo Ibrahim Carab oo aan darajo sidan. Balantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibrahim Koodbuur Gaadhka ku yidhaa : "waa Gaashaanle Ibrahim Koodbuur," haddii ay socda yidhaahdaana inaanu nabad ku galno, haddii ay yidhaahdaan "Nimanka dusha sarani waa maxay, ama ay Af-Somali kale ku hadlaan," Baabuurku iska socdo anaguna inta Gaadhka ah ee halkaa taagan aanu khaarajino; Baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado Gurigii uu Cabdilaahi Askar ku xidhnaa.". bal waa tan soo socota ee haddaba bal Aadan ha inoo dhamaystiro sidii wax u dhaceen "Halkaa goolada ah ee labaadna Gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayay. kuwiina deg deg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayey ilaalinayeen. Waanu iska dhaafnay, Waxa aanu tagnay Gurgii uu ku xidhnaa Cabdilaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhawaa. Halkaa waxa ku sugnaa Baabuurkii kale ee saddexdu saarnayeen. Waajibaadkoodu waxa uu ahaa inay Gaadhka albaabka Galbeed taagan laayaan si aanu Annagoo badqabna uga baxno meesha marka aanu hawshayada soo gudano". Markii aanu gudihii galnay waxa nala kulmay Ciidan laba Gaadh ah oo meesha wada fadhiyay. Baabuur yar oo jiib ah oo qori saarnaana xaga Midigta ayuu ka xigay, Jiib kalena waa uu ka dambeeyay, laakiin Jiibka hore waxa uu soo xigay xaga Guriga. Intii saarnayd meesha ayay iska taagtaagnaayeen. Nasiib wanaag qoryahoodi ma ay haysan oo Baabuurta ayay ka saarnaayeen. Xabbada Annaga ayaa ku bilownay oo ku horfurnay. Socodkii dheeraa ee Baabuurka iyagoo ka shakiyay ayay istaageen iyada oo qaarkood qoryahoodii ay haysteen, Iyaga oo taagan ayaanu Baaburka dheega ugu qabanay. Anagoo Baabuurkii saran oo aan ka dagin ayaanu xabadii ku bilownay, boodisna waanu ku darnay, marka aanu ku soo boodaynayna nimanka aanu ku boodaynay Qoryahayaga ayaaba is gadhayay." Gaadhkii maxay yeeleen bal Aadan ha inoo sii waramo waabu xiiqee, "Nimankii Gaadhka ahaa nin ka mid ah ayaa markiiba Beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaasoo aanu moodaynay inuu dhaawacanyahay oo Xabbadi ku dhacday. Ninkaasaa naga dilay Biixi Xaaji Xasan isla markaana Xabbado nagaga dhuftay Baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee Gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa Xabbado ridayey kaas oo ka mid aha kuwii Albaabka taagnaa, Ninkaas ayaa dhibaatadaa noo geystay, sideedayadii gudaha galay hawhsu way noo kala qaybsanayd. Ibrahim Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa inay Cabdilaahi Askar Qufulka ka jabiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo sheegay in uu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Dirwalka oo baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuuka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalanaa aanu ka fogaan dhakhsana ugu soo noqdo. Waxa aanu ku soo hadhnay Shan Mujahid. Anagana hawshayadu waxay ahayd khaarajinta Gaadhka iyo ilaalinta Ibrahim Koodbuur(Ilaahay ha u naxariistee), Cabdisalaan Turki iyo Cabdilaahi Askar. Shantayadii dagaalamaysay markiiba laba ayay ku dhacday. Kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid, waxaanu ku soo hadhnay saddex Siciid isagu dhaawicii gaadhiga kalamuu soo dagin. Biixi waanu is agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay, makii ay ku dhacday ayaan arkay ninka toogtay inuu yahay ninkan xaska dhex rafanaya." Aadan muxuu yeelay markuu arkay ninkan xaska dhex rafanayay, "Ninkii xaska dhex rafanayay ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay ayuu is-taagay meel cadceeda hoosteeda ah, dhinicii cadceeda ayuu naga maray, cadceeduna way sii dhacaysay oo waa ay na cawaraysay. Ninkii iyo cadceedii ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan. Xabbad baan ku dhuftay. Inta uu dhacay ahuu haddana siqay. Maloosh iyo ibrahim Carab ayaa ka daba wareegay. Waxa ka horyimid Gaadhkii debeda joogay kuwii ayay isla libdheen. Anigu markaa waxaan u baydhay kuwii Gaadiidka iyo daaqadaha Gurayaha si aan lanooga soo toogan. Markaa Gudaha waxaanu kaga dagaalamaynay saddex keliya Maloosh, Ibrahim Carab iyo Aniga. Baabuurkii Saddexdu saaranayen debeda ayay hawshoodi ka bilaabeen. Tasina waxay keentay in gaadhkii lasoo eryado oo ay xagayagii iyo Gudihii usoo yaacan. Markii aanu baxaynay mid ka mid ah oo meyda ayaanu halkii ku dhaafnay, mid kalena halkan Aqalka debediisa ayuu ku dhintay. Run ahaantii magaranayo khasaraha aanu geysanay intii uu leekaa, rag badanbaase meesha jiifay." "Ibraahim koodbuur waxa uu ku muusanabayay: Waar raga laaayayaay...waar raga laayaay. Saddex Albaab ayaa isku dhejisnaa oo meesha ka soo jeeday Cabdisalaan Turkina Albaabkii bidixda xigay ayuu jebiyay. Markii uu Albaabkii jebiyay ayuu yidhi kuma jiro, markasaan ku idhi "Waar ka Midigta..Waar ka Midigta. Wuu ku orday. Gacanta ayuu ula tagay, Cabdilaahi Askar markaa waxa uu bilaabay qaylo. Waxa uu laha "Waar Waa Ikan ..Waar Waa Ikan...Waar Waa Ikan". Bal haddaba Aadan Maal ha inoo sii wado sheekadan oo in badan oo Bulshada Somaliland ka mida ku ah maqal iyo sheeko xariireed."Markii aanu is tooyanaynay ee aanu lahayn kan kuma jiro ayuu na maqlay. Cabdisalaan Turki ayaa Albaabkii gacanta ula tagay. Handaraabkii ayuu soo gundhiyay. Markaas ayaan ku idhi : Waar Qoriga dabadiisa ku dhufo cabdisalaan Turki oo gacanta kula jira ayaa Ibraahim koodbuur qoriga dabadiisa ku dhuftay, waanu ku qaylinay: Waar ka daa ninka gacanta ha jabinine marlabad ayuu ku celiyay oo wuu jabay Albaabkii. Cabdilaahi Askar oo qaawan ayaa isagoo boodaya soo dhaafay, waxa soo baxay Cabdilaahi Askar oo aan lugaha ka xidhnayn ee gacmaha oo keliya ka xidhan, Nigis yarna sita oo ay nabaro ku yaalan Jidhkiisa". Dadka Cabdilaahi
Askar ku dhowdhowi waxay sheegaan in nabaradii maalintaa lagu dhuftay Cabdilaahi
ay wali ka muuqdaan Jidhkiisa, raali ahaada Aadan oo sheekadii xiisaha lahayd
wada ayaan dhex galee"Markii uu soo baxay ayaan is hor taagay Aniga oo
kasoo jeestay xaggii daaqadaha, waxa aan ku idhi Waar Baabuurka fuul.. Waar
baabuurka fuul. Anigii ayuu iga shakiyay, Ibraahim iyo Cabdisalaan oo uu soo
dhaafay ayuu ku yidhi "Waar ma Baabuurka ayaan fuulaa !!?", Ibraahim
ayaa la hadli waayay markasaan Ibrahim ku idhi "Waar Baabuurka fuul dheh",
Ibrahim ayaa u ishaaray inuu Baabuurka fuulo, xaggii Baabuurka ayuu u laabtay oo
dhinicii Dirwalka ayuu soo maray. Dhinaca kale mar oo ka soo gal ayaan ku idhi,
Ibraahina Baabuurkii ayuu la fuulay Shidhkii. Siciid Cabdi Yaasiin oo Baabuurka
wadayna ma ahayn inuu ka dago, balse inuu saarnado ayay ahayd. Aniga iyo
Cabdisalaan Turki ayaa ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo dhaawacnaa. Siciid oo
isna dhaawac ahaa, xabbadu waxay ku dhacday isagoo Baabuurka saaran oo kalama uu
soo degin. Biyihii ayay
siiyeen Siciid nimankii ayaa u sheegay in kol haddii gabalku dhaco aan xarshin
la geli Karin, gaar ahaan iyagoo hubsitay Baaburna watay. Sidii ayay yeeleen
saacadu markay ahayd 2:45a.m saacadod ayay siciid naftii ka baxday. Subaxnimadii
ayay goor hore tooseen iyadoo uu Maydkii gaadhiga u saaran yahay ayay damceen
inay dhaqaaqaan, baabuurkii ayaa kiciwaayay qafaska ayay ka qaadeen waxayna
arkeen inay xabbadi kaga dhacday qasabadii baabuurka halkii xabadu kaga dhacday
ayay qasabadii warqad ku duubeen, Beytariga qudhiisu waa uu ka yara seexday, waa
ay riixen inyar ka dibna waa uu istaadhmay. Mujaahid: Boobe Yuusuf Ducaale. |