Dadka Soomaaliya ku noolina
waa in ayna u arag Somaliland halis, waxayse ka mudan tahay qiimeyn iyo in ay ku
daydaan” Hamish Wilsan
London (Jam)- Khadar Xasan Cali oo ka mid ah wariyayaasha Wargeyska
Jamhuuriya ee London ayaa mar uu dhawaan wareysi la yeeshay Hamish Wilsan (BBC)
waxa uu u sheegay in wakhtigan xaadirka ah aan loo baahnayn in la isku
mashquuliyo sidii ictiraaf Somaliland u heli lahayd balse loo baahan yahay in
beesha caalamka lagu qanciyo in Somaliland tahay dal jira oo maamul shaqaynaya
leh, waxa kale oo uu xusay in aanay Somaliland halis ku ahayn Soomaaliya balse
ay haboon tahay in ay ku daydaan Soomaalida kale habka wax ay u qabsadeen dadka
reer Somaliland, haddaba waa kan wareysigii oo aanu idiin soo koobnay.
Hamish waxa uu ka waramay ugu horeyntiibaa dagaaladii fara badnaa ee uu kala soo
qayb galay ururkii xorreynta ee SNM, intaas ka dibna waxa uu sheegay in markii
lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland dadkeedu aanay saani u wada fahmin
ahmiyadda ah lahayd, taasina waxaan uga jeedaa buu yidhi qiimaha ay ugu fadhido
iyo habkii loo meel marin lahaa, balse dadku waxa kaliya ee ay ka hadlayeen
waxay ahayd in ugu danbeyntii Somaliland xor noqotay ka dib sannado badan oo
dagaalo iyo cadaadis ay ku jireen.
Hamish waxa uu yidhi “Dadku rabitaankooda ugu weynina waxa uu ahaa in ay xor
noqdaan oo aayahooda ka tashadaan, laakiinse waxaan la is weydiin sida lagu
gaadhayo taas, waayo waxay ka dhaxleen nidaamkii hore waddan gabi ahaanba la
baabi’yay. Waxaan jirin kaabiyada dhaqaalaha, hay’addo dowli ah, isgaadhsiin,
dhakhtaro, wadooyin iyo gabi ahaanba waxyaabaha nolosha lagama maarmaanka u
ah”. Mr Wilson waxa uu tusaale u soo qaatay in xataa madaxweynuhu aanu
haysanin waraaqo uu wax ku qorto oo uu ku khasbanaa in baakidhka sigaarka
isticmaalo xagiisa danbe.
Haddaba sida uu sheegay Hamish waxa ka yaabiyay mar uu sannadkii 2000 booqday
Somaliland dedaalka iyo horumarka dadka iyo dalka reer Somaliland ku
tallaabsadeen muddadii yareyd ee ay xorta ahaayeen, iyagoon helin kaalmooyinka
caalamiga ah ee la siiyo dalalka soo korayo. Guulaha Somaliland gaadhayna waxa
gundhig u ahaa sida u yidhi Shirkii beelaha reer Somaliland ee Boorame (1993),
waxaanu ku tilmaamay go’aamadii iyo midhihii shirka Boorame mid tusaale u ah
guud ahaanba Qaaradda Afrika gaar ahaana dad Soomaalida ah ee gobolka ku nool.
Hamish isagoo arrintan sharxayana waxa uu yidhi “Shirkii Boorame waxa uu
qabsoomay iyadoon cid kale oo debadda ka timid gacan ka gaysan ama lug ku lahayn,
waxayna ahaayeen dadka Somaliland oo isku wada yimid ka dibna isla gartay in
dhibaato iyo khilaafaad badan ay soo mareen oo loo baahan yahay maanta in laga
wada hadlo waar maxaynu doonaynaa ee danteenu ku jirtaa, halkaasna waxa lagu
gaadhay heshiis loo wada dhan yahay iyadoo la is ogol yahay, qaybaha kala duwan
ee bulshadana waxa u suurtogasahay in ay so xor ah u soo bandhigaan afkaartooda
kala duwan. Markaa waxaan odhan karaa habkii nabadeynta ee Boorame wuxuu ahaa
mid ku salaysnaa dhaqanka Soomaalida ee reer guuraga ah oo la casriyeeyay”.
Mr. Wilsen waxa kale oo uu sheegay in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay
joogaanba ay si aada u maalgashadeeb dalkooda hooyo, horumarka iyo deganaanshaha
ka jiraana uu yahay mid ay iyagu keensadeen, inkastoo beesha caalamku ay
dhabarka u sii jeedisay haddana waxaan odhan karaa buu yidhi waa wax lagu faano
oo qiimo badan waxa u qabsoomay dalka iyo dadka reer Somaliland.
Dhinaca Ictiraafka Somaliland waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya “Waa in laga
taxadiro marka laga hadlayo aqoonsiga, Somaliland way u qalantaa in la aqoonsado,
laakiinse maaha mudnaanta koowaad in la siiyo taas manta, balse waa in lagu
qanciyo beesha caalamka in Somaliland jirto oo ay shaqaynayo buuxisanay
shuruudaha dal ahaaneed hana ka warwarina aqoonsiga, Somaliland-na ictiraaf
la’aan way sii jiri doontaa mustaqbalka dhaw iyo ka dhexeba.
Hamish wuxuu intaas ku daray in aqoonsigu wato sharciyadiisa oo marka IMF iyo
Bangiga adduunka (World bank) aad kaalmo ka rabto ama heshiis la galayso
ay kuu yeedhiyaan qorshe ay iyagu dhigteen in aad meel mariso oo hirgalintiisu
adag tahay.
Ugu danbeyntii waxa uu hadalkiisa ku soo gebo-gabeeyay Hamish Wilson in loo
baahan yahay in dunida lagu qanciyo in Somaliland tahay dal jira oo buuxiyay
shuruudihii dal ahaaneed isla markaana tusaale lagu daydo u ah guud ahaanba
dalalka Afrika, gaar ahaana dalalka Geeska Afrika. Dad Soomaaliya ku noolina buu
yidhi waa in ayna u arag Somaliland halis iyo in ay khatar ku tahay balse waxay
ka mudan tahay qiimeyn iyo in ay ku daydaan.
Posted by Khadar Xasan Cali
Jamhuuriya London
Jamhuuriya@hotmail.com