SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

BAAQ KU WAJAHAN RABSHADII KA DHACDAY HARGEYSA

(Press Release – Somaliland Democracy Watch Organisation – SDWO  24th August 2001).  Ururkayagan Somaliland Democracy Watch wax uu aad u dhaleecaaynayaa falalkii foosha xumaa ee ka dhacay caasimada Hargeysa maaalintii Khamiistii 23 kii August 2001.

Somaliland waxa ay tahay wadan  aduunka oo dhan looga yaqaan in aay ku caanbaxday dimoqraadiyad marka la eego geeska afrika iyo guud ahaan Afrika oo dhanba.   Haddaba waxa mid aad looga xumaado ah rabshadii ka dhacday Caasimada ee ka timid is afgaran waa iyo isla ficiltan dhexyaala salaadiinta Somaliland qaar ka mid ah iyo Xukuumada Somaliland.

Ugu horeynba waxaan faraynaa dhamaan shacbi weeynaha Somaliland guda iyo dibadba in aanay kala taageerin kalana jeclaysan labad qaaybood ee muranku dhextaagan yahay kuna dadaalaan sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada iyo wada noolaansha shacbiga Somaliland, ilaalinta qarinamada Somaliland iyo dhawrista dastuurka qaranka.

Salaadiintu haddii aay saluugeen maamulka  hadda jira waxa haboonayd in ay sidii hore ay ugu yimaadeen in ay la kulmaan Madaxweynaha ay arimaha ay doonayaan kala hadlaan ee aanay soo saarin baaqii ay ku sheeganayeen in ay yahiin golaha ugu awooda sareeya dalka kana qaadi karaan xukunka xukuumada hadda jirta,  tani oo aanu tastuurka Somaliland dhigeeyn golaha noocan oo kale ah,   Isla markaasna iska ilaaliyaan wax alla wixii dhaawici karaya jiritaanka qaranimadaa  Somaliland.

Xukuumadanu talaabadii ay qaaday may ahaayn mid quruxbadan waafqsana datuurka dalka iyo dimoqraadiyadaba, waxaanay noqotay mid dhamaan dadka Somaliland guda iyo dibadba cadho gelisay, werwer iyo walaacna ku abuurtay, arintan oo noqotay mid ay ku farxaan cadawga Somaliland,  noqotyna mid aan hadda laga filayn xukuumada Somaliland falalka noocaas oo kale ah.  Waxaanuna kula talinaynaa lana gudboon xukuumada  in ay madaxdhaqmeedyada siiso qimaayntooda, waxay tabanayaana kula dhamayso wada haddal iyo is afgarad.  Haayadaha dastuuriga ah sida Golaha Guurtida, Baarlamanaka iyo ururada madaxa banana ee reer soomalilandna waxa la gudboon in ay arinta soo dhex galaan kana hor tagaan wixii wax u dhimaya qaranimada soomaaliland iyo  nabada ku wad noolaanshaha umadda.

Waxaanu ku soo gebogebaynaynaa in dhamaan shacbiga walaalaha ah ee Somaliland ay gacmaha is qabsadaan iskana ilaaliyaan wixii dumin kara jiritaanka Somaliland oo nacayb la nacay Maamulka hadda jira darteed loo dumin Somaliland, oo haddii hintaaqadii 1994 kii oo kale dhacdo aanay mardanbe Somaliland soo kabmi doonin. Illaaheey inuguma keenee. Aamin.

 Long Live Somaliland.

Guled Cabdi – Gudoomiye - London

Mukhtar Axmed – Gudoomiye Xigeen - London

Axmed Maxamed – Afhayeen  - Hargeysa