ILAYSKA YAR EE GEYSKA
AFRIKA KA BIDHAAMAY, ICTIRAAFKIISA TALYAANIGAA TOOS U HORTAAGAN.
Maqaal Siyaasi iyo Taariikhi-ba ah oo aad u dheer oo waliba
dhinacyo badan kaga waramay Taariikhda, Siyaasada, Dhaqaalaha,
Nabadgelyada, Gooni isu taaga iyo Aqoonsi la'aanta Somaliland ayaa ku soo
baxay Wargays Caan ka aha Denmark oo layidhaahdo POLITIKEN.
Wargayska ayaa bishii June 15-keedii Dabacay Maqaal Siyaasi
ah oo uu Ciwaan uga dhigay ILAYSKA YAR EE GEESKA AFRIKA KA
BIDHAAMAY.
Maqaalka waxa Qoray Suxufi u Dhashay Denmark oo layidhaahdo
Jesper Strudsholm, Suxufigaas oo Socdaal ku tegay Somaliland iyo Somaliya-ba
markii uu Uruurinaya Faaladan iyo mid kale oo iyana aad u dheer oo uu ka
Qoray Somaliya.
Mudane Jesper wuxuu Qoraalkiisii ku Bilaabay, Xilligu waa
Arooryo hore ama Saalad hore Meeshuna waa Tuulo yar oo layidhaahdo
Boon, kuna taala Waqooyigii Somalia oo Toban Sano ka hor isku dayday in
Dunida inteeda kale ka iibiyaan in layidhaahdo JAMHUURIYADA
MADAXABANAAN EE SOMALILAND.
Tuuladda Boon waxa ka dhacaayey Dabaylo yar oo aad ku
tilmaami karto in ay ka soo Doogeen Colaadihii lana kulmeen Xilligan Nabada
iyo Dib-udhiska.
1991 ayey Somaliland kala soo noqotay Xoriyaddeedii
Somaliyadii kale kuna tidhi Maca-Salaama iyada oo Laftimeereed ka daba
tuurtay Dagaal Oogayashii Koonfurta.
Siyaasadda Hogganka Somaliland
Hogaanka Somaliland ayaa ku Hawlan arrimaha la Xidhiidha
Aqoonsi la'aanta ku Habsatay Dalkoodaa yar.
Edna Adan Ismail oo ahayd Wasiirka Arimaha Bulshada markaa uu
waraystay Suxufigu Sawirkeeduna ku soo baxay wargayska ayaa tidhi *
Waanu u Caddaynay Mawqifkayaga Siyaasiga ah iyo Buuxinta Shuruudaha Qaranimo
Ururadda Caalmka sida UN-TA, OAU iyo Ururka Jaamacadda Carabta.
Dhaqaalaha iyo Dakhliga soo gala dalka.
Todoba meelood meel ahaan Kharashkii ku baxay samayntii
Film-ka la yidhaahdo* The Matrix reloaded* ayey u Dhigantaa Miisaaniyada
Somaliland oo ah 100 Million oo krone (19 Million US Dollar).
Miisaaniyadaas oo inta badan loo isticmaalaayo arimaha
Nabadgelyada. Caawimada Debeda Iyo Masaariiftada ay Qurbe-joogu soo diraan
ayaa Dakhliga Dalku ku tiirsanyahay.
Tartankii Doorashadda Madaxweynenimada oo lagu kala
Guulaystay tiro aad u yar oo mar lagu sheegay 80 cod marna lagu sheegay 400
oo cod.
Dhaqaalo Xumida ka jirta S/land waxaad ka Garanaysaa
Dabaaldegii maalintii 18 May oo La xusaayey Xornimadii Madaxbanaanida Dalka.
Munaasibadaa oo uu joogay Madaxweyne Dahir Riyaale ayey
Wasiiradiisu ku Fadhiyeen Salaamadda Sibidh-ka ah iyagoo xataa awood u
waayey in ay ku fadhiistaan Kuraasi Caag Ah.Wasiiradda oo aan dan ka lahayn
waxa ay ku fadhiyeen iyo Qaabka u fadhiyeen ayaa Dhegaha u furay Heesihii
Wadaniga ahaa ee Qiirada xambaarsanaa oo ay soo lalinayeen Samaacadihii
Qaylada dheeraa ee ku xeeraa Goobta lagu Dabaaldegayo.
Dadweynihii ka soo Qaybgalay Dabaaldega iyo Masuuliyiintii
Dawlada ayaa Dhamaantoodba U arkayey in Dabaaldegii si fiican u dhacay
Maadaamaa laga Badbaaday Shirqool iyo Minjo-xaabin laga baqaayey in ay ka yimaadaan
Xisbigii Cartamaayey ee Mucaaridka ahaa ee ku Gooldaraystay Tartankii
Doorashada.
Mudane Riyaale oo ku Guulaystay tiro aad u yar ayaa loo
adeegsadaa Murti Somali ah oo Tidhaahda ( Nin la sigay ma Nabadgalin).
Waxa kale oo jira ama soo shaacbaxay in Dhalinyaro fara-badan
oo aan Qaangaadh ahayn Xaqna u lahayn in ay codeeyaan iyo waliba Dad kale oo
badani ay Afar-Afar jeer Codeeyaan, Xisbigay doonaanba ha siiyaan Codkoodee.
Taasina waata keentay in Xisbiyadii Mucaaridka ahaa mid ka
mid ah ay Xumaddiisu Cirka Isku Shareerto, Arintana uu Gaadhsiiyo
Maxkamadda Sare iyo waliba Dareen Cabsiyeed oo ku Salaysan Dagaal Qabiil.
Argtida Aqoonyahanada ee ku jahaysan Doorashadii Madawynaha.
Hogaanka Xisbiyada Mucaarid-ku waa Muwaadiniin Dalkooda jecel
anaguna waa ognahay iyana waa ogyihiin Dhibaatada Dagaalka.
Codkayagii ayaanu siinay.....laakiin Codkayaga u maanu siinin
in ay Madaxnimo ku Diriraan oo Xaalad Qalafsan Dalka ka Abuuraan, Somaliland
waxa ay ku Qotontaa Isu-Dulqaadda Qadarin Huwan, Sidaa waxa yidhi Ismail
Mohamed Abdi oo ah Aabe 9 Caruurahi ugu Dhalatay intii Dalku Nabada
dhadhamiyey.
Mudane Ismail oo iminka ah Hogaamiyaha ururka Badbaadada
Caruurta Somaliland ayaa waxa uu Guursaday Xilligii oo Dalku Colaadaha iyo Qaska
ku jiray, isaga oo ka Faa'idaysanaaya in aanu bixin Yarad-ka faraha
badan ee la kala Qaato wakhtiga caadiga ah ee Nabadu jirto.
Astaamaha Qarnimo
Somaliland waa u dhanyihiin Astaamihii Qaranimo, sida Calan, Golahii
Shacabka iyo Kuwii Degaanka, Lambarkii Gaadiidka, Lacag u gaar ah
oo uu Sicirbarar ku habsaday.
Boorame, dadka faro ku tiriska ah ee Jaamiciyiinta
ah ee ku soo laabtay Dalka si Ay u furaan Jaamicaddii u horaysay ee dalka
laga furo, waxa ka mid ah Mudane Sulieman Ahmed Guuiled.
Goobta jaamicadda ama dhismaha ayaa ahaa Dugsi sare oo
1950-tamadii uu Taliskii Ingiriisku dhisay.
Maktabadda Jaamicadda ayaa ah meesha kaliya ee laga helo
80,000 oo Buug marka loo Eego Dhulka ay deggenyihiin Dadka Afka
Somaaliga ah ku hadlaa.
Halka aanu Maktabadaa weyn ka leenahay, Mogdishu waxay
leedahay Bakhaaro waa weyn oo Hub khatar ku ah Geeska Afrika oo dhan lagu
kaydiyo.
Nabadi Dalkayaga waa ka jirtaa.....laakiin Noloshu Nabada oo
kaliya ma aha, dadkana shaqo la'aan ayaa haysata, waxa aanu ku qancinaa waa
Rajo, sidaa waxa ku waramay Mudane Sulieman.
Xidhiidhkii dhexmaray Dawladihii ka jiray Denmark iyo
Somaliland Sanadkii 1997 ee Abuuray Fadeexadii la magac baxday KA GANACSIGII
BINU-AADANKA.
Dawladii uu hogaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday
M.Ibrahim Egal Sanadkii 1997 iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey
Xisbigii Social Democrati-gu ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay
Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda,
Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Danish krone (8
million Dollar) Iyadoo lagu magacaabaayo Mucaawino iyo Dib- udajin loogu
deeqayo dadkaa la soo celinaayo.
Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka
ahaa ee Denmark ka war heleen oo Talo Faro ka haaday arintiina cirkaa ku
shareerantay.Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa Xisbigii Dawlada hayey ku
Canbaareeyey in uu Heshiis la galay Binu-aadan-nimada ka dhan ah Maamul yar
oo uu hogaaminaayo Qabqable Dagaal, kuna Shaabadeeyey heshiiskii magac ah KA
GANACSIGA BINU-AADANKA.
Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya
Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa
lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ......Garo oo Qofkiiba Waa 1
million oo krone.
Muddo ka bacdi markii Xiisadii dantay oo la iska ilaawey
arintiiba ayaa Dawladii Denmark si dadban oo hoos-hoos ah Hawshii u Fulisay,
Maamulkii Somaliland-na Qayb libaax laga siiyey lacag dhamayd 120 million oo
krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu talo-galay, isla-markaana
14 Qof oo Somalilander ah laga soo celiyey Denmark oo lagu keenay
Hargaysa sife Qasab ah.
Qaramada Midoobay iyo Qadiyada Somaliland.
Ku adkaysiga Somaliland ee Madaxbanaanideeda ay ku
adkaysanayso, waxa uu ka dhawaajiyey Hogaanka UN-ta u Qaabilsan arimaha
Somalia. Mr,Maxwell Gaylard oo ahaana jiray Agaasimihii Siyaasada ee ururka
British common wealth.
Mr,Maxwell ayaa yidhi Somaliland waxa ay u
shaqaynaysaa sida wanaagsan ee wadamo badan oo Common Wealth-ka ahi
uga Faa'idaysanayaan Arimaha Aayahooda Mustaqbal, Mr Maxwell isaga oo hoosta
ka xariiqaya Eraga AQOONSI ayuu yidhi.....Taasi waxa ay toos u khusaysaa
wadamada xubnaha ka ah ururka.....lakiin UN-ta institution-keeda ma hoos i
manayso.
Denmark oo Urruka Midawga Europe soo hordhigtay Qadiyada
Somaliland una Ololaysay Aqoonsi, Ayaa Talyaanigu si toos ah isu
Hortaagay.
Talyaaniga oo gumaysan jiray koonfurta Somalia ayaa si
toos ah isu hortaagay ololihii Denmark ka dhex waday ururka Midawga Europe
ee ay ugu raadinaysay Aqoonsiga Somaliland, Europe ayaa iminka (offiically)
ku jahaysan in shirka dib-u- shiisiinta ee konfurtu cagaha dhulka ugu
Qotominaayo somalia.
Waa deg-deg in iminka laga hadlo MADAXBANAANI iyada oo si
xoogan loo Maalgaliyey in Somalia laga soo saaro Hoga, taasi cilad iyo daxal
ayey ku keenaysaa mashiinkan soconaaya sidaa waxa yidhi Giorgio
Giacomelli oo ahaa Danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Somalia iminkana ah la-taliyaha
ku Gadaafan Shirka dib-u-heshiisiinta ee Somalida.
Isaga oo farta ku fiiqaaya Mr, Giorgio Somaliland
iyo Puntland ayuu yidhi, Damaca MADAXBANAANIDU Waxa uu keenayaa isku dhac
Goboleed sida Dagaal Xuduudeedka ka oogan Ethiopia iyo Eriteria ee ka
dhashay Madaxbanaanidii Eriteria.
Dhamaad..................
Ogaysiis: La soco ayaamaha soo socda oo aan ku soo
bandhigidoon Saxaafada Xorta ah, Faalo dheer oo ku saabsan
Fadeexadii la magac baxday KA GANACSIGA BINU-AADANKA, Magacyadii dadkii
Denmrak laga soo masaafuriyey oo aan la siinin lacagtii Dibudajinta ee
Denmark ugu dhiibtay Masuuliyiintii Maamulka S/land. Magacyadii
Masuuliyiintii iyo Wasiiradii ka Qaybqaatay Fadeexada oo qaar ka mid ahi ku
jiraan Dawladan Cusub ee Madaxweyne Riyaale. Docmuntigii la kala seexeeday
oo aan ka helay Wasaaradda arimaha Gudaha iyo ta- debedaba ee Denmark.
Dadkaa Qaxoontiga ahaa ee la soo celiyey oo iminka ku
sugan Hargaysa ayaa iga soo codsaday in aan Docmuntiga iyo Caddaymaha
kale ee aan hayo ee ku Saabsan FADEEXADAN u soo diro oo soo
Gaadhsiiyo iyaga iyo Maxkamada Sare ee Somaliland.
Waxa soo diyaariyey soon tarjumay
Osman Abdillahi Sool....Copenhagen 10/07/2003. E-mail: sooldhuub@hotmail.com