JAMHUURIYA
ONLINE WAA INAY KA WAANTOWDO U ADEEGA CADOWGA SOMALILAND.
SDWO
(London 7th April 2004) Waxa qof wal oo soo boqda shebekeda wararka ee
Jamhuuriya online argagax iyo yaab ku ridaya maqaalka lagu soo bandhigay ee uu
qoray ninka isku sheega Professor Samatar, sababtoo ah maqaalkan waxa laga
filayay laguna arkay shebekadaha cadowga somaliland ay maamulaan. Sida
aan ka wada warqabno Mr Samatar waxa uu wakhtigiisa iyo maalkiisaba ku lumiyaa
dagaal uu kula jiro Jamhuuriyada Somaliland oo sidiii dhacday markii uu
Madaxweyne Riyaale qudabdii taariikhiga ahayd ka jeedinayey Barlamanka
Ingiriiska uu dadkii soo gelayey ee somalilanders ka ahaa ku soo dhexdhuuntay
sidii tuuga oo kale isagoo u haystay inuu khalkhal gelin karo qudabadii
baarlamanka oo uu keligii baarlamanaka ingiriisku wax ka dhegaysandoono
ileyn waa professor is caashaqaye, Hase yeeshee waakii su,aashiisii uu
ku fashilmay oo isagoo khajilsan baqanayana uu orodka kaga baxay golaha.
Hadaba
qoraalka uu ka diyaariyey ee uu ugu yeedhay - The Secessionist Campaign in
London: An Eye-Witness Somali Report - by Professor Samatar, isagoo ka
beensheegaya wixii halkaas ka dhacay niyad samina uga dhigaya kuwa neceb
jiritaanka somaliland.
Hadaba
Jamhuuriya waan ognahay waxay ku doodaan inay madaxbanaanyahiin oo ay
dhexdhexaad yahiin se taasi uma banaynayso iney shacabka somaliland soo
gaadhsiiyaan qoraalada cadowga somaliland, isla markaasna inay jaanis siiyaan
maaha cadowga somaliland, Jamhuuriya weryiyaasheedu goobjoog bay ka ahayeen
wixii maaalintaas baarlamanka ka dhacay, wuxuu qorayna way arkaan inuu
beenyahay, markaas jamhuuriya online baa looga fadhiyaa inay qanciyaan
shacabka somaliland waxa ku kelifay inay Mr Samater siiyaan platform uu ka
weeraro somaliland markii uu platform kii Baarlamanka uu ku guuldaraystay.
Waxa kalo oo
Jamhuuriya aan xasuusinaynaa markay leeyahiin waa joornaal madaxbanana, hadana
aduunka kelmadaas sida dantu ku jirto ayay u adeegsadaan oo hadaan tusaale u
soo qaadano CNN ka, ALjaziira, Sky Newska kuli dhexdhexaadnimo ayay sheegtaan
hadana mararbaa jirta aanay dhaafin danta gaarka ah ee dalka ay metelaan.
Markaa mararka qaarkood bay Jamhuuriyo u baahantahay inay danta dalka eegaan,
qofkii doonaya inuu maqaalka ka jawaabaa wuxuu ka soo akhrisan karaa kuwa
cadowga deedna markaasuu kaga jawaabi karaa website dada somaliland, Runtii
website aan somaliland ahayn oo jawaabta iyo danta somaliland soo qorayaa ma
jiro.
Anagoo ku
hadlayna magaca inta jecel Somaliland waxaan Jamhuuriya Online ka codsanaynaa
in si degdeg ah ay qoraalkaas uga saraan meesha sababtoo ninka qoraalkan soo
qoray ayaad siiseen jaanis uu umada somaliland uu qoraalkuu ku weeraray uu
idiinku soo dhiibo. Waxanan idinkula talinaynaa inaad waxaas oo kale ka
waantoowdaan. Hadii kale labadiina akhriste ayay noqondoontaa inaad kala
doorataan, Akhritayaasha Somaliland iyo Akhristayaasha cadowga Somaliland
sababtoo ah labadaba mawada raaligelin kartaan.
Hadal iyo
dhamaan nin doc ka yeedhi somaliland waxba kama qaadi karo.
Long Live
Somaliland
Guled Cabdi -
SDWO