SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Waxaan u soo Joogay

Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

Qormada Maanta Waxa inoo soo Diyaariyey Garyaqaan  Cawad Dooyo - Toronto Canada

Lama soo koobi karo dhacdooyinkii  Xanbaarsanaa     DULMIKII  , DILALKII   iyoXASUUQII   ka dhacay  gobolada Waqooyiga  SomaliLAND 1980-1988  ..  Haddii aaan soo Qaato  Gobolada Waqooyi Galbeed  . Magaalda  Madaxda Hargeysa  oo aan   waqtikaas deganaan jiray   /  Bal aan wax Yar oo Taariikh ah iidiin ka sheegeeyo  oo ka Faaideysta  Xasuustan aan dib uu  soo kocday  

Weli dad badan baan  Fahmin  NAbada iyo Dawlada Somaliland  sidii ay ku Timi  Wax loo baahan yahay  In la Xasuuto Dadkii la Xasuuqay iyo Dadkii  Shahiiday   Bal  aan Ceelkii SMN uu Arooro in ay Biyo ku jiraan Haddii loo baahdo  dad weli Haraadan  ay Jiraan  27 May1988 //Geedigii uu horeeyey waxay soo cagadhigteen SNM tu  MAgaalda BURCO ay ka EEDaameen   Salaadii  Subax  kuna Tugadeen Xeradii  Ciidamadii  Balanbalay ee TAliskii Siyaad  / aan soo koobee .,FArxadii labaad  waxay ka Diyaantay  Maalintii Sadexaad  Caasimada  Hargeysa   oo  aan markaas joogay kana  mid ahaa Dib jirka magaalda Degnaan  jiray  . /  Barikaas  markii ay  soo galeen Magaalda  Burco   Mujaahidiintii SNM  ay Ciidamadii Faqashtu  ku riday Argagax  iyo Caga Juleey Dadkii Degenaa  Magaalda Hargeysa  Maalintii Labaadna  Dhamaan  Odayaashii M/Har ayaa Jeelka   loo Taxaabay  iyo Wixii shicibka  ahaa  oo  Wadooyinka  ay ka helaan  iyo 180 Askari  oo laga soo ururiyey  Ciidamada  Xooga Dalka   ee  laga Shakiyey   Beelaha  Sh Isaaq // Dadkaas oo Gaadhayey  1600-1800    waxa  la kala geeyey   Jeelasha  Xerada Birjeex /Jeelka NNSTA /Jeelka Hangashta /Jeelka Xerada Duub-Casta  iyo Saldhiga Buliiska dadkaasi 95%  waa   la Xasuuqay    waxana  ka masuul ahaa  Duubcastii  Taliyaha  Moorgan  iyo  GOra Jaan , iyo Kuwo Weli la  doondoonayo     /Nasiib Daro  dadkaas  iyaga oo  Raxan Ran ah waxay ku Aaseen  Laakta MALGA DURDURO ,,Briijka LIIQLIIQATO  hoostiisa / Garooka Birjeex ka danbeeyey /iyo Doga Hareysa Culb  / Gurika Martida (Rest House) dabadiisa  iyo Fooqa Gani  Agtiisa   iyo Xerada NNSTA  Duleedkeeda  Ilaahay JNHK..DADKAAS  .  HAbeenkii ay soo galeen 31 May 1988 Mujaahidiintii SNM  MAgaalda Hargeysa 2.30 ayaa waxa Bilaamatay Codkii Hubka iyo Gariirkii  ka soo HINRAAGAYEY  Dhinaca  Koonfur SW M/Hargeysa. .Habeenkaasi  Cirka Aad buu Madobaa ,Neexow fiican  iyo Daruuro ayaa Hadheeyey M/HAr , Ciidamadii  faqashtu   waxay  Dhufeys  ka qodanayeen   Xeryohoodii ,  / Cirka waxa ka muuqday /25 Miles SQU   NAbaalka ama RAska  Signalka ah  ee Hawada loo Tuuro oo ah  4 Nooc ah  /SAHANKA  (Bule Light ) /NABADA (White light /KHATARTA (RED light )   iyo GURMARKA (orange iyo red ) ay tuurayeen Baalo Xooftadii Ciidamadii Faqashtu ee Jaqayey DHiika  Shicibka .  waxa ka dhex -muuqaday  Hubka lays  weydaasanyey      /Nasiib  wanaaag  3.00 pm  Codkii  Hubka wuxuu soo dhowaadoba  wuxuu soo Gaadhay  Gurikii Fooqa Gaani uu Fadhiyo Taliyihii  GAcan –Dhiilaha Moorgan .. (1 hr Later)  Waxay ka qiiqday Xeradii Birjeex  iyo Xeradii daraawiista  iyo GAroonkii  Xaafada GAANBO  AMXAARO /// Markii la gaadhay  5AM ayaanu ka soo degnay  GURYIHII  Dushood ee Magaalda  Har  aanu ka daawaneynay Arrintaas  /6.00 Am   ayaa  Xabadihii  istaageen waxanu araknay Qiiq  dhul heehaabanaya  dhamaan Xeryihii Askarta  Joogtay  /Dadkii oo yaaban  Mucjisadan  ilaa Xalay  oo  dhan socoday  NAtiijadii ka soo baxday  ..Waxaan uu baanahay   cid naga qancisa ////6.30-7  ayaa Sedeedii wiil ee ugu Horeeyey  ku soo   gudbeen  Wadada HArgeysa Culb  ka Timaada  kuna Nasteen Gurikii SIxiroolihii Sh Bilise  ee Dhaktarka ( General Hospital  )  ka danbeeyey// Farxadii Sedexaad ayaan ka qeyb  galay   .. Mushxaradii   Sawaxankii  iyo  Salaamihii loo Hanbalyeeynay  XAQ uu DIRIRKII  SNM .. Aanu ku   soo dhoweenay  Gacmo furan  Markii Ilaahay NAGA aqbal  DUCDII .Habeenkaas /.9,00 am  ayaanu mar labaad  Arakay  Inamadayadii  SNM oo  Raxan Raxan   uu socoda Kuna Jeeni Qaaran Silsilado  RAsaasi ka Buuxdo  iyo Miinooyinka  ay Gacanta  ku  sitaan  ….DHabarka  Waxay   ku sitaan  Kumucyadii BASUUKA  ah   iyo  Sahaydoodii  , Wiilashaasi   waxay uu socodeen  sidii Gow boyska oo  Xadhiidhsan  uu Horgacayo Nin Radiow Fooniya wata  .iyagoo RaXAN  Raxan oo socoda  ayey  ku faafeen Magaaladii   (gurikii Martida (Rest  House)  ila New Hargeysa  aaga uu dhexeeya  iyagoo marba meel uu siqaya ama uu Ruqaansanya   Jiida hore ,   Dumarkii iyo Caruurtii  baa daba  Yaacayey   iyaga oo Qaadaya Heeso  aan ka sii  Xasuusto (DHULKA SOW  ANIGU MALEH ) eg  Iyo Soo Dhowaada  Geesiyadiyow soo  Dhowada    /Waxaan Xasuustay Maalintaas  Siiradii NABI -MAMMED CSW   markii ay Furteen Axsaabtii  Magaalda  MAKA.Mukarama /. aan soo koobee  3 Cisho ka dib   10..00 am   Waxay  Ciidamadii Naflacaariku  ee Dowlada ka soo Galeen Wadada  Air porka  ka Timaada  iyaga oo Walwaalaya   .GAARAHA GURGUURTA ,BMKA ,GAwaadhida Kaashaaman /MAdaaficda  la jiidayo  oo Xeryahoodii ku soo noqdeen intii Hadhay  /   Haddan waxay Maqalan  Hubka Culus  oo ka dhacya    Koonfur   Magaalda  Har  ee Masalaha  laysu adeegsaday   Anti Air Garaaf iyo Madaafii  uu Watay   Gan ku Dhiilaha   Col Goora Jaan  Ciidankaas oo ahaa kuwii Kaydka  Faqashta  oo Jilbka uu  digeen  qeyb  ka mid SNMta  oo ka waabiyey  in  ay soo galaan Magaalda  Hargeysa  , isla Markaas   Waxa Duushay   Diyaradii ugu  horeeysay  intay Magaalda Dulmartay  bay  Hadana Fadhiistay/ /waxay Samaacdo aad uu qeylinaya  soo dhigeen  BAR Hargeesa  Hortiisa  oo Qaadaysa Heeska (Samadiidow dabin baa xidhan lagu dilidoonee ) oo hore Degahayaga  uga batatay  // waxaan  arkay  gaadhi Jiib ah uu wato Sarkaal SNM ah iyo Sedex Mujaahid   Meel uu nagaga  yimi  ma garaneyen   laakiin  Markii  danbe  lay  sheegay in uu yahay   Muj  MUSe Biixi  uu ku soo wareegay   ila Dawlada Hoose ila  kaalinta ina galan dabdeed   Xaafada Xero OOR  Dusheeda ayuu Istaag Gaadhikii SNM tu . waxay uu Ruqaansadeen M/Snm  Wadada Dhakhtark ee Jeeda Hore   ilaa  Daamkii Biyo Xidheenka New Hargeysa /Anigu Markaas waxan  garab taagneen   10 kii  wiil oo Fadhiistay Hoteelka TOGDHEEER ./Dabeed waxaan dareenay Intayadii HAwlaha ciidanka wax ka Yaqiin    In lay Horfadhiistay  (Face to Face ) /Waxa isku Xidhmay  Commandkii Ciidanka Faqashta  wax loo Qaybiyey Dadkii Taageersanaa  XUKuumadii Siyaad Bare  Qabiilada  deganaa Magaalda Hargeysa  VIA  Reer SH Isaaq / ayaa Hubkii  lagu Taxay .iyo Qoryo  qof walba  /Markii aanu Sirtii Helanay   waxaanu  uu Tagnay Culimadii Diinta wax ka  yiqiinay  in ay  Dadka  Taageersan Muj SNM  la Gaadhsiiyaan //DUCADII   NABIGA  CSW  uu ku Duceystay   DAgaalkii  Ceelka  BEDER ay is Horfadhiisteen Gaaladii  /// Dadkii Magaalda  Hargeysa  ee  REER  SH  ISAAQna   Waxa iyaguna  goosteen  In aan layso Diibin  Ciidamada  Ay is garab Taagaan Mujaahidiinta SNM  Sida uu Qorayeey Xeerka SNM  HIIL iyo Hooba  Sababtoo waa Tii Geentay Guulaha  ugu Weyn  eek u  Fiday Gobolada Waqooyika  / Maalintaas waxa   Dumarkii iyo  Ardaydii ayaa isla markiiba dhigay wadooyinka    FOOSTOOYIN ,DhAGxaan  waa Weyn iyo Taayiro Gubanaya  lagu  xijaabay LAbada Wado ee IDaacada  Tegijiray  iyo  Wada  Bebera looga Baxo  / Qacdii uu horeysayba   waxa ooda soo Jabsaday Ciidan  uu Watay NInkii Majeerteen Col Food Cade   ee ka soo Sajeeray SSDF ay Banaanka Xeradii NNSTA horteeda  ay  wadheen Meedkiisii  ciidankiina  waa Jabeen Cidamadii  uu watay   waxay  Galeen   Xeradii HanGeshta   ,isla Maalintaas ila Afar  Weerar ayey soo qaadeen  Ciidamadii FAqshtu  ilaa Afar Sarkaal  oo Hagaaminey  baa ku dhintay  meed badan oo askar ah oo  lebisan   Tuutihii  Ciidamada baan ku Arkay Jeelka Hortiisa   Mid ka mid ahaa ayaan Jeebkiisa kala baxnay  500 US Dollr uu ka soo Bililiqaastay  Bakhaaradii  Down Townka M/ Harg .. HAddaan intaas ku dhaafo  6 Cisho ka dib Weerar kii kasta marka ay  ka Jabaan  Ciidamadu // Aakhirkii  6-7 june  1988  .Ciidamadii Faqshtu Waxay Adeegsadeen Madaafda Rida dheer 85  ay la ku rusheeyeen Magaalda oo dhan   Maalintaas   Boqolaal Qof  oo shicib ah ayaa ku Nafwaayey /Maalinti Labaada BMKII   38 -40  Gaadhi ee Xabaarsan   mid kiiba  12 Duumood  ah .baa  Dab Xidh ku Sameeyey  M/Har   10am –ila 5PM   ay hoos yaacayeen GAAraha iyo Beebeeku  laga soo bilaabo( Rest House) ilaa New Hageysa   Xafadda  Agaagaar Beeraha   doga uu dhow  ,Xaafada Gudhac dheer ee daanta Dunbluq  Wadooyinka oo dhan baa Meyd  baa  buuxyey  aan Tiro lagu soo Goobi Karin /Maalintii Sadexaad  waxa qeyb  ka qaatay  4 diyaarood  oo soo galay  weeraradii     oo  Magaalda iyo Agagaar keeda   Roob kaga dhigay   Laakiin   Nasiib Wanaag Shcibka  Magaalda  Faraxd Weyn baa  ka muuqatay  Haddii aanu Mid ka Hadheeyn  .// Bil iyo 20 Cisho   maalin kasta  7am -6 Pm  ayey Garaacayeen Madaafiida  .BMKA  iyo diyaadaha MIC 17 - 19 iyo BOMBAR oo  ka  Sameenayey  3 Tuulimaad   Maalin kasta Magaalda  Hargeysa  iyo Nawaaxigeeda   /Dagaalkii wuxuu gaadhay  Door to door  oo Fooda lays Daray  Dhamaan  Waxa  la  soo Afjaray  Gurmadii   uga Imanayey  Ciidamada Faqashta   Gobolada Kale iyo Degmooyinka    waxa  soo Jabay  Ciidaaankii  Faqashta  oo Gabaleed  deganaa  Gabeelay  ,Arabsiyo  Saylac  ,Dararweyne ,Masalaha ilaa jidahaas oo dhowdhow and etc  

 WEJIKII  LABAAD EE WEERARADA  CAASIMADA  MAGAALDA HARGEYSA  

Waqtigaas Magaalda Har  waxay Ciidamada Faqashtu uu qeybsameen laba Nooc .Qaar ku Wareeray BiliQadii oo Baxsaday  iyo Qaar Commaankii ka lumay  ilaa uu  Daawicii    DHaktarka  DigFeer  ee Magalada  Xamar  Dhakhtarka Madiina iyo  Dhakhtarka  Afisyoone  Sariiro  looga  wayey  // Magaalda  Xamar //dabdeed  Ciidamadii  Tuutaha Sitay  waa laga dhigay  Dereeskii  oo dhar cad baa laga dhigay si ay uu Soo galaan  Xeryaha Qaxootiga   iyo Ciidamadii  Dhafoor Qiiq  ee Mjeerteen  SSDF   oo Xero Gooniya Diganaa  Birjeex , Ciidamadii  Daraawiishta  iyo Buliiskiina waa layku daray Intii Hadhay  oo xarun loga dhigay Saldhikii Buliiska Shicibkii Qaxootigana waxa Xun looga dhigay     Xerada Dhaamka ,Xerada Adhi Cadeys ,iyo Saba Casad     Xeryahaas  waxa ka mid ah aa

bulletXERADA   AGABAR   degmada Gabiilay
bulletXERADA XEEDHO   Degmada Hargeysa 6 Miles  North  M/Har
bulletXERADA  aAdhi Cadey Degmada Har 16 miles East   ,
bullet,XERADA  DAamka  degmada  magalada  Hargeysa  Xaafada Gacan Libaax 
bulletXerada  Sabo Xad    East Hargeysa /
bulletXErada  BIXIN DUULA   degmada  Berbera   32 Miles South  /  iyo
bulletXerada  Dila Degmada  Boorame   /

Dhamaantood waxa laga xukumijiray  Xafiiska  Xerada  GANAD   EE Xaafada     Kol Jano  dusheeda   Magaalda Hargeysa //Si aad  uu Fahantaan  Xeryada GAnad  waa Xarunti Qaxootiga  isla Markaas  waxa deganaa Qaxooti Hubeeysan ee Laga soo raray  Xerada Xeedho  .  waxay hoose Iman Jireen  Shikhada  madax  BAnaan     oo la oran jiray  RRS oo Xarunta aheed  Xarunta Dhexdeeda   iyo Taliska Guud  Magaalda Xamar    oo toos ugu Xidhnaa   Madaxdooyada Somali  iyo Beesha   OGAADEEN oo Qandaas lagu Siiyey  Mr Maslax  iyo Dhamaan  Qabiilada  Hilika Shanaad  Beelaha Degan . Mid kasta wakiil uu joogay  Xeradaas  Ganad   marka laga reebo Beelaha Isaaq // Xeryahaas  oo dhan Waxaa ka diiwaan ka shanaa  4  Million  500,000  Qof  oo Been ah  marka layku daro   Somalida  Hilinka Shaan iyo OROMO   Laakiin  ay Tiradaas   Qaxootigka  ah   ay  Aduunka ka qaadan jireen  LAcag  Tuugtii  UNCR  ee Fadhiyey Nayroobi  / Xero kasta waxa Joogay Ciidan Gaar ah  oo hubeeysan  Laakiin aan direes Sidan //looma  ogoleen  in ay Cidi shoqo ka  hesho   dadka Magaalda Hargeysa  iyo Reer Sh  ISAAQ //waxa iagyna Magaaldii ku hadhay  Xerada Birjeex  Dafoor qiiqi  waxa ka diiwaan  5.000 oo been ah ay Adawladii Afweyne  Mushar ka qaadan Jiray  waxay ahayeen 50 -280 Nin oo  SAkhraamin uu badnaa   .waxa Magaaladii ku soo Hadhay   Ciidanka Beelaha  oo Ogaadeen  oo  la dejeey  Xarunta ( Rest House )  Fooqkii Gaani waxa  la dejiyey Taliskii  Oromadii  dhamaan  Wixii reer  Boorome joogayna   waxay ii Tageen  Dadkoodii  Boorame ,   Waqtikaas Shicibkii Magaalda waxay ka  dabaal degeynay   Geed DAABLEEY .Dabeed waxa  dhacay Weeradii  uu danbeeyey  Xaruntii   GAnad   uu Dagaal ka socoday 7ba  Cisho oo aan  loo  Nasan /  Maalintaas   SNMtii 70 Laadkurusar   .180  Gaadhi oo Isjiida ah  iyo Raashinkii  ayey Ganta ku dhigeen In kastuu  Dab  sii Qabadsiiyeen markii laga  Saaray  Qaxootikii Hubeysanaa iyo Ciidamadii  /Mudo ka dib Ilaa ay Soo Rideen Diyaaradii Fookorta  ee Xamar-to  Hargeysa   Dawac iyo Sahayda  soo Rari Jirtay  Siina Rari Jirtay Waxayna Xidheen Wadadii  GOBOLKA  ADWAL  ka timaada  waxa Furmay Wada Socodkii Gobolada HARGEYSA ,BURCO iILa Gobolka Sanaag

 

DAGAALKII   SNM iyo  DHAFOOR QIIQI  BEESHA  MaJeerten   EE M/Hargeysa

 

SSDF  makii ay Jabeen  kuna Fashlimeen   JAbhadii  Xukun Doonka ahaa  waxay   Isu dhiibeen  Taliskii Siyaad Bare /Nimaankaas  waxa la dejiyey Magaalada Burco iyo Hargeysa   Kuwii Hargeysa  waxa la dejiey  Qayb ka mid ah Xeradii Bijeex 400 oo Nin iyo Dumarkii la Socday  waxana loo Tababaray  in ay Dadka Boobaan iyo Ganacsato / Markii ugu  danbeeysay  ay Dagaalkii  Sii Galeen uu Kalaaftay  Taliyihii  Ahmed Warsame oo lagu Bedalay Gacn ku dhiiglaha  Moogan  Markuu uu Taagwaayey Comaadanka Gobolada Waqooyika    Next  SARE Guutu  Ahmed oo beesha Mareexaan ah   Cadhadii wuxuu Dagaal Gelin ku Sameeyey Ciidankii DHafoo Qiiqi   SSDf  uu Taliye uga dhigay Nin Dhubahante ah  Col Jimcaale  .Qac dii oo horeysaba  Col Jimcaalle  Meedh kiisii  waxa la wadhay  meel uu dhow Naaso Hablood  60 Hubeysan  uu watayna  wax la  laayey  iyo Wax Cararay ayey Noqdeen  

5 Cisho ka dib  Intii hadhay   nimankii  dhafoor Qiiqa  80% Waxay Wadheen Meedkoodii   Buurta UIdaacada Hoosteeda  .Mudo Badan ayey uu  dabaal Jugteeyaanba  Faqashtii  markii  Ay ka saareen  qoosaskii ama Shiccibkii Magaalda Har 90%   ay ogaadeen in ay yihiin Save   waxa loo Baneeyeen  Magaaldii Hargeysa    ay  kala Safeeyan Quwadihii   Orgobihii Taliskii Siyaad Bare .   aanan  uu Ceel Qabin  . Nin danbe looma Ogola ee  ku bootiyo Somaliland     

 

                       Qore  MMA    Garyaqaan  Cawad Dooyo

                         SCARBOROUGH  TORONTO  ,ONT    

                            CANADA

 

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE