|
|
Waxaan u soo Joogay Jebintii Jeelka Madheera ee Duleedka Hargeysa Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare Qormadan Waxa inoo soo Diyaariyey Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin - Alpho
Qaybtii Sedexaad Afduubkii
diyaaraddii somali airline ee Afar
iyo labaatankii november 1984. Isbadalkii
labada gaadh, waa gadhkii xalay iyo kii saaka soo galaye iyo tirsashadii
gaadhkii subaxaasi uu na tirsaday ka dib, ayaa waxaa soo galay mid ka mid ah
laba maxbuus oo ka shaqeeya qabta uuna daba socdo mid ka mid ah askartii
subaxaasi gaadhka ahayd oo la odhan jiray ceelaabe. Qabta oo sideedaba ahayd
meel qaab dhismeedkeeda iyo qaab nololeedkeeduba aad u adkaa waxaa sida caadada
ah albaabada nalaga furi jiray laba xilli oo kala ahaa subaxa hore iyo galabtii.
Labadaa xilli kaliya waxaa naloo saari jiray kaadi tag iyadoo marba qol la
kaadi gayn jiray, wixii ka danbeeya furitaanka galabtii iyo tirinta uu na
tiriyo ninka maalintaa gaadhka haystana muu jiran furitaan danbe oo
layska furaayey ilaa subaxnimada danbe. Waxaa albaabka qolalka noo horyaalay
daasado ah kuwa lagu keeno caanaha budada waa caano beedhe'e kuwaasi oo uu ku
kaadshi jiray habeenkii hadba qofka ay kaadiyi qabataa, halka aanu saxaradana u
isticmaali jirnay baco haddiiba ay dhacdo in qof habeenkii saxaro qabataa. Waxaa
markaa qabta ka shaqayn jiray laba maxbuus oo laga keeni jiray xerada weyn, had
iyo jeerna waxaa naloo soo xulijiray laba maxbuud oo u dhashay gobolada lagaga
hadlo afka loo yaqaan may-mayga si uu u yarado is fahankayagu. Labadaa nin mid
ka mid ah oo afka soomaaligiisu waxooga dhaamay ka kale ayaa markaa subaxii
kolba noo sheegi jiray wixii warar ah, wararkaasi oo qolada jeelka ku jirtaa ee
asxaabtayada ahayd noogu soo dhiibi jireen, halka maalmaha qaarna wararka
naloogu soo qori jiray warqad buuri ku jiro hoosteeda, in karta oo taa inamada
shaqaalaha noo ahi ka biqi jireen in lagu qabto. Jeedsashadii
uu ceelaabe ku jeestay makhsin looga yeedhay, ayaanu anaguna ninkaa maxbuuska
ahaa oo markaa naga qaadayey daasadkii kaadidu ku jirtay aanu ku nidhi
waar ibraahim maxaa cusub. Intuu hareeraha iska eegay afkana soo saaray
albaabkii garaa'idka ahaa ayuu si xanshashaq ah noo yidhi " waar iska
aamusa diyaarad ayaa laydiin afduubaye " intaa ka dibna wuu naga dhaqaaqay
isagoo hareeraha eegaya kana baqaya in askarigu arko isagoo wax noo sheegaya.
Farxad, fajac iyo amakaag ayay nagu noqotay warkaa kala dhiman ee uu ninkaasi
noo sheegay, anagoo aan fursad danbe u helin inaanu ninkaa wax ka sii weydiino
siday wax u dhaceen iyo cidda diyaaradda af duubtay, habeenkaana waxaanu
seexanay anagoo waran nagu taagan yahay. Mid ka mid ah sideeda qol ee qabtu ka
kooban tahay ayaa waxaa xiligaa ku jiray nin la odhan jiray dabo geel
oon isagu dil ahayn ee ciqaab ahaan uu u keenay ninkii jeelka haystay, waxaana
subaxii danbe ee maalintaa diyaaradda la fa duubay lagu soo lamaaneeyey ninkaa
dabo geel cali xasan aadan ( cali banfas ) . Subaxnimadaa waxaa jeelka soo
gaadhay liisklii ay codsadeen nimankii diyaaradda afduubay oo ay kaw ka ahaayeen
kooxdayadii madheera ku jirtay, waxaana cali banfas markii uu magaciisa liiskaa
ku arkay yidhi qabta geeya taliyihii xabsiga madheera saalax oo loo sheegay inuu
ninkani yahay ninka gabayaaga ah ee afweyne qaaq kaga siiyey. Wakhtigaasi wuxuu
ahaa wakhti jeelka weyn loo ogolaa dhagaysiga idaacadaha waxaanay dad badani
haysteen radio yo halka maalintaa wixii ka danbeeyey laga mabnuucay. Waxaa noo
yimid cali xasan ( banfas ) oo soo dhagaystay wixii idaacad af soomaali,
english iyo carabiba ku hadlaysay, waxaanu cali naga dhargiyey wixii war ahaa ee
diyaaraddaa ku saabsanaa iyo halka xaal markaa marayey. Todoba cisho oo
diyaaraddaasi maqnay, lix casho oo ka mid ahaa waxay ahaayeey lixdii casho ee
noloshayada kolayba ugu farxadda badnaa, jawigayaguna hadba wuxuu la jaan
qaadayey marxaladaha kala duwan ee hadba wararka diyaaraddu marayeen. Itoobiya
ayaa layna gaynayaa, maaha waxaa la yidhi masar ayaa dhex-dhexaadinaysa oo
qaahira ayaa laynoo qaadayaa, maahee talyaaniga ayaa ku dhex jira oo waxaa
layna gaynayaa rome, waxaanu hadba caasimad wadan leeyahay ka dagnaba waxaa
maalin jimce ah oo naloo yimid naloo sheegay inuu afweyne alla uma naxariistaan
uu diiday wax alla wixii shuruud lagu xidhay diyaaraddaa, haday noqoto sii
dayntayada iyo hadday noqoto inuu dilka naga jabiyaba, diyaaraddiina barri
sabtida ku soo noqonayso soomaaliya oo la soo dayn doono. Waxa
kale oo wakhtigaa qabta naloogu keenay xaaji cabdi cawad ( indho deero ) iyo
koofiyad dheere, isagoo wkhtigii diyaaradda la afduubay indho deero joogay dalka
yaman waxaanu nooga waramay sidii ay wax u dhaceen. Xaaji cabdi iyo koofiyad
dheere waxay ka soo hadheen afartan qof oo lagu toogtay magaalada burco sanadkii
afar iyo sideetankii, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ka mid yihiin s.n.m. Dilka
afartankaa qofi wuxuu meesha ka saaray sheeko aanu isku maaweelin jirnay oo ahay
" waar afweyne ma wuxuu ku dhacaa inuu todoba nin oo isaaqa oo arday ah uu
mar qudhaata wada toogto, iyo waliba walaahi inaanu inaga danbaynayn haddii uu
ina toogto, labadaa arimood oo ay soo gunaanadeen arintaa foosha xumayd ee ka
dhacday burco oo aanay jirin wax gadood ah oo shicibku ka muujiyay. Shan
iyo labaatankii november ee sanadkaa afar iyo sideetankii ayuu ahaa wakhtiga uu
noo qornaa dilkayagu kaasi oo uu afweyne hore arjigayagii cafiska ahaa uu kaga
soo jawaabay iimaansada, sida uu ii sheegay aabihii afduubka diyaaraddaa somali
airline alleh naxariistii janno ha ka waraabiyee cawil cadami oo markaa ka
shaqaynaayey xafiiska ismaaciil axmed ismaaciil taliyihii ciidanka asluubta
soomaaliyeed. ( cawil cadami waxaanu ku kulanay tuulada aadan waraabe
jabintii jeelka ka dib ), waxa kale oo jirtay maalintaa afduubka diyaaradda
maalin ka hor oo uu gaadhka lahaa ninkii la odhan jiray xasan cabdi ee aan
qaybtii hore ee sheekada ku xusay, ayaanu xasan cabdi soo galin gudaha
qabta, waxaanay gaadhkiisii baxeen anagoon arag xasan cabdi baxdo iyo dhacdo.
Maalin sadexaaddii oo uu gaadhkii xasan cabdi soo noqday ayaa markii
subaxnimadii naloo furayey kaadi gaynta, ayaan aanigoo aan wali musqusha
galin cadayanayana aan askarigii markaa albaabka naga furay oo la odhan
jiray muuse ku idhi " waar muuse ilaa dorraad xasan cabdi maanaan
arage maxaa ku dhacay. Muuse:
doraad ayuu yara wis-wisay. Isagoo muuse madaxa hoos u dhigaya. Alpho:
oo maxuu ka wis-wisay ee ku dhacay. Anigoo aad u shakiyey. Muuse:
maalintaa gaadhkayagii hore ayaa ciidan duub cas ah la keenay
jeelka markaasaa nalagu yidhi ardayda ayaa la tooganayaa, markaa wuu idiin soo
gali kari waayey. Isagoo isaga laftiisu yara naxsan. Alpho:
oo imika meeyey ciidankii ? Anigoo isuba qaatay in lay toogtay aadna u naxsan. Muuse:
subaxnimadii danbe ayaa la qaaday. Isagoo iga sii dhaqaaqaya. Wakhtigaasi
wuxuu ahaa wakhti ay buuraha gacanlibaax ka socdaan dagaaladii kun iyo sagaal
boqol iyo afar iyo sideetankii, waxaanu cali banfas noo sheegay in taliyaha
xabsigu uu maalin walba la hadli jiray xamar isagoo leh waxaa lala baxayaa
ardaydii dilka ahayde sida ugu dhakhsaha badan dilka ha loogu fuliyo. Keenistii
cali banfas na loogu keenay qaybta dilka isaga yeelkadiiye waxaanu anagu ka
hellay warar faro badan iyo waliba maaweelo isuga jirta gabayo iyo sheekooyin,
isagoo intuu qabta nagula jirayna tiriyey laba gabay iyo masafo. Fiidkii
galabnimo jimco ah oo dadkii noo yimid noo sheegeen dagaalkii burco duuray iyo
geeridii alla ha u naxariistee mujaahidkii weynaa ee max'd xaashi lixle, ayaa
banfas isasoo taagay albaabka qolkii uu ku jiray oo qolkii aanu ku jirnay ugu
toosan xag shan iyo afartan digrii ah. Cali
banfas: cabdirisaq ma haysaa wax waraaqo ah ( isagoo yara guuxaya ) Alpho: waxaan
hayaa dhawr kartoon oo caleentii shaahu ku jirto. Waxaa wakhtigaa naloo
keeni jiray caleen shaah oo ku jirta kartoono yaryar oo huruud ah illaa
kiilloona qaada, warqad cadina kartoonka iyo shaaha u dhaxayso kaasoo
lagu soo sameeyey dalka kiiniya. Haddii
aan caleentii ku jirtay karaatoonta isugu geeyey daasad caano niidoo ka
dhamaaday daasaddiina aan ku soo fadhiistay albaabka hortiisa, calina soo
taaganyahay albaabka qolkiisa walina uu guuxayo aanan u sheegay inaan
diyaar ahayna wuxuu guuxiisii isku badalay masafada dheer uu uu yidhaa "
hadaanan hadaanan, hadaanan gadoodka lixlow gu' ga maanta la soo hadhin guusha".
Cali
banfas ayaa wuxuu iga codsaday gabay aan tiriyey kun iyo sagaal boqol iyo laba
iyo sideetankii maalmihii dhagax tuurka, kaasi oon cali hore ugu tiriyay
maalmo aanu ku jirnay jeelka hargaysa oo ahayd maalmihii dacwadayadu socotay.
Haddii maalintaasi ay ahayd maalin dagaal ba' ani ka dhacayo nawaaxiga cadaadlay
iyo buuraha gacan libaax, gariirkuna aanu maalintaasi oo dhan ka la go'in anna
aan ku soo gunaanaday tixdii cali i weydiiyey tuducyadii ugu danbeeyey oo ahaa : Dirirtaan
gingimay maalintii, dhagaxu guuxaayey, Juun
iyo maalintii gacab libaax, gaadhka lagu meershay, Oomaar
dharaartuu gurdamay, gumaca jiidhaayay, Maxamuud
dharaartuu ganbiyey, weerar iyo gaadmo, Wacdaraha
dharaartaan gaystayey gubatay waanwaani, Gumadaay
dharaartaan lahaa, dhalinay guushiiye, Dharaartuu
xaqaygii gudhnaa, giijay ibihiisa, Duqaydii
nac-naca loo gadaa gooni joogsadaye, Waxse
nala gudboonaa inaan gaydh, u dirirnaaye, Kolhaddii
waxaan uga gollaa, layla garan waayey, Gam'i
maayo jeeroon hantiyo, gacaladaydiiye, Gulufyada
laheenseeyey iyo, gaasaska aan dhawro. Wuxuu
cali banfas hore ka bilaabay gabay dhawr boqol oo bayd ah aanu ku bilaabay
"cabdow gaasaskaad dhawrraysaa, maanta soo galaye. Waxa
kale oo uu cali intii uu qabta nagula jiray uu dhamays tiray tix gabay ahayd oo
uu unkay maalintii markii dilka nalagu qaaday, saati oo uu markii geelle uu
xukunkayaga dhameeyey uu cali yidhi " haw baqab bidhiidhaw wakhtigi ways
badalayaaye " bidhiidh waa ilaahay ha u naxariistee cabdiraxiim max'd
baaruud oo ka mid ahaa todobadayadii dilka ahaa. Dilkii
cadeeye, dhucda iyo max'd faroole. Maalinta
arbacadu waxay maalmihii danbe isugu soo biyo shubaray maalinta la qaado dadka
dilka ah, waxaana la joojiyay booqashadii dadku ay soo booqan jireen dadkooda
xidhan. Cida kali ah ee inay arbaca tahay noo sheegi jirtay nana xusuusin jirtay
wuxuu ahaa sheekh ismaaciil carab oo iasgu ahaa qofka kaliya ee loo ogolaaday in
saacad loo keeno. Sheekhu isaga ayaa maalintaa odhan jiray" waar waa arbaca
eey" manay jirin wax sheeko ah amma hadal ah amaba ciyaaro ah ( turub
iyo dubnadtoona ) oo maalintaa aad ka maqlaysay amma lagu ciyaarayay qabtu,
maxaabiistuna waxay ahaayeen kuwo qaadis u joog ah. Xataa waxaa maxaabiista ku
yaraa dhaqdhaqaaqa, waxa qudhaata oo aad arkaysayna waxay ahayd quraan akhris
iyo wardiga oo tusbaxo dhagtaa hayo. Arbacooyinku sii kala darane haddii sheekhu
uu yidhaa " waar waa arbaca bil u danbaysana " maxaabiistu waxay wada
lahaayeen il geeriyaad. Waxa
kale oo jirtay laba cisho ka hore maalintaasi ayaa mid ka mid ah inamadii noo
shaqayn jiray uu noo sheegay in xabashida jeelka ku jirtaa ay sheegeen inay
jeelka meel u dhaw ka soo qodeen shan xabaalood, waxaana labadaa cishaba farta
wadnaha ku wayey isku kiis ahaa oo ka koobnayd shan qof iyagu ahaa kuwa kaliaya
ee maalintaa isasiiyey in la qaadi doono, waxaanuse aad uga yaabanayn xabaalaha
jeelka agtiisa laga qoday iyadoo qofka lagu toogan jiray magaaladii laga soo
xukumay. Waxay
saacaddu dhagta haysaba wakhtiguna uu yahay mid aad moodo inuu maalmaha kale ka
gaabinayaba waxaa na dhaafay wakhtigii dadka la qaadi jiray oo u dhaxaysa
salaadda duhur ilaa salaadda casar.mar qudhaata ayay dadka afkooda ka soo
wada booday naqas weyn oo goorahanba ku taagnaa markaasaa makhsin walba ay
dabadda uga soo baxday alxamdulillaahi rabil caalamiinta ay maxaabiistu ilaahay
ugu shukri naqayaani. Layska sheekaysay, lawada hadal, sigaarkii buftaa lagu
hayay saaka oo dhanna lagu badal raashin iyo qofba wuxuu cuni karo oo anigoo
dhabarka ku haya gidaarka makhsinka aanu ki jirno ayaa cabdi ismaaciil oo
albaabka kanbadhuudhay dub u soo baxay kuna soo tiirsaday gidaarkii aan dhabarka
ku hayey. Cabdi
ismaaciil: caawa waxbaa la qaadayaa. Cabdi ismaaciil wuxuu takhasus ku noqday
dhaqdhaqaaqa askarta maalmaha wax la qaadayo wuxuuna markii danbe noqday inuu
sii sheeko marka wax la qaadayo. Alpho:
waar cabdi imikaynu nafisnaye inagadaa yabaal danbe taag uma hayno'e. Cabdi
ismaaciil: wallaahi wax baa la qaadayaa. Alpho:
maxaad aragtay eed ka shakiday. Cabdi
ismaaciil. Daahir xasan ( waa ninkii haystay askarta maalintaa gaadhka haysay )
wuxuu guntanaa go cad mid kalana wuu hagoognaa, wuu iska bixiyey oo wuxuu soo
xidhay dirayskiisii, dab uu halkaa goori dhoorka ku shitayna wuu bakhtiiyey,
hebel iyo henbelna halkaasay isa soo taageen. Haddii
cabdi intaa yidhi anna aan aad u dhagaysanayo ayaa waxaa sanqadahy silsiladda
dheer ee dadka marka la qaadayo lagu xidh-xidho oo ku duubnayd albaabka hore ee
qabta laga soo galo.shaki kuma jiro in wixii cabdi sheegayay ay dhab tahaye
habeebkaa waxaanu is nidhi kuwa la qaadayaa waa idinka oo laga baqay in maalin
cad laydin qaado. Waxaa soo galay daahir xasan oo wata ilaa labaatan askari.
Badnidaa askarta iyo daahir xasan oo siduu u soo socday isasoo hortaagay
makhsinkii aanu ku jirnay anagoo afar ah iyo waliba ka dhaqaaqiddii uu naga
dhaqaaqay isna hortaagay makhsinkii kale ee sadexdayadii kale ku jireena(
todobadayadu waxaanu ku kala jirnay laba makhsin oo afarna ay mid ku jirtay
sadexda kalana mid kale ) waxaanu isasii dhacsiinay in aan shaki ku jiran cidda
la qaadayaa inay anaga tahay. Daahir xasan intuu ka dhaqaaqay makhsinkaa kale oo
max'd baashe iyo ay ku jirraan ayuu is hortaagay makhsin ka soo hor jeeday
waxaanu yidhi mee caddeeye iyo way kan. Dharkaaga cad gasho iyo waaban
gashanahay haddii lays dhaafsadayna wuxuu u dhaqaaqay makhsin kare oo uu ku
jiray nin lo odhan jiray max'd farroole da' ahaana aad u weynaa. Mee max'd
farroole iyo waykan iyo dharka cad gasho haddii lays waydaarsadayna wuxuu daahir
xasan u sii dhaafay makhsin kale oo uu ku jiray nin maskaxda ay wax uga
dhinnaayeen oo la odhan jiray dhucda. Mee dhucdii iyo waa kan dharka cad gasho
dhaha iyo waabu gashanyahay haddii ay isdhaafsadeen daahir xasan iyo
maxaabiistii dhucda makhsinka kula xidhnaydna wuxuu daahir xasan bilaabay
furista makhsinadii sadexda ninku kala jireen. Abdirisaq
sheekh ibraahim kooshin Abdirisaqa
lpho. Bristol. U.K. Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com
|