SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Sheeko Taxane ah oo tiiraanyo badan

Waxaan u soo joogay dil fool xun oo ka dhacay degmada Cadaadley sanadkii 1988kii

Part 1

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

(July 22/07/2010) Bismilaahi raxmaani raxiim, aan isu kiin sheego marka hore  magacaygu waa Yuusuf Cabdi Rooble Waxaan ku dhashay oon ku barbaaray Hargeysa xaafada Maxmuud haybe ama Ex-Guryo samo.  Waxaan waxka baran jiray dugsigii H/dhexe ee J/daa,uud xaafada iftin

 

Haddaba markuu dagaalku ka qarxay Hargeysa  10kii cisho ee hore wuxuu dagaalku ku koobnaa Xaafadaha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa.

 

Markii uu ku soo fiday dagaalku xagga xafadaanu daganahay  ayey dadku
bilaabeem inay iskaga baxaan magalada  guriga waxaanu ku joognaa sadex qof Hooyaday,Abahay iyo aniga,  markaa Aabahay alla ha u naxariistee wuxuu u jiifaa xanuunkuu u geeriyoon doono, markaa hooyaday waxay goaansatay in ay aniga dadka i raaciso madaama aanay Aabo ka tagi
karin isaguna aanu awoodin inuu naraaco, waxa kale oo maagalada jooga oo Xagga barbara ka soo agaa baxay Gabadh aan u walaalo nahay iyo Caruurteeda iyo Edaday oo walaashay Sodoh u ah  waxa kale oo jooga Inaabtigay oo seedigay ah kana yimi Sacuudiga mudo yarna joogay
wadanka waxaanu tegay burco  malintii khamiista jimciina dagaalka ayaa burco ka qarxay waxaanu uga soo baxay Tuulada waraabeeye ee ku dhaw burco isagoo wata gaadhi xaajiyada oo uu lahaa.


Waana Ninka sheekadu ku socota(Axmed Xirsi Yoohiye), Ciise Muuse weeye) oo Aakhirka si xaqdaro ah loogu dilidoono Cadaadley.


Aniga markii Hooyaday ii baqatay ee ay is tidhi madaafiicdan Xaafada ku dhacaysa ayaa dili ayaan raacay dad aanu ehel ahayn oo Xaggaa iyo Hawdka  Qabanaayey waxaanu sii socnaba waxaan gaadhay reer aanu
Ilmaadeer nahay oo deganaa Tuulaha (higlada ) oo Galbeed ka xiga labisagaalo halkaa ayaan mudo laba bilooda joogay wax yar kadib waxaa noo yimi oo ka yimi dhinaca waraabeeye Nikan sheekadu ku socoto oo marna seedi ii ah marna aanu ilmaabti nahay, waxwara kama hayo xaaskiisii iyo dhamaan dadkii ehelkiisa ahaa  oo dhan cidina kamay soo bixin kaligay ayuu iigu yimi halkan aan joogo oo uu u filaayey inay yimaadaan, reerka aan la joogo  waxa ka maqan xaas hargeysa daganaa oo aan iyaguna wali soo gaadhin oo loo baqanayo markaa wuxuu go,aan saday in uu Hargeysa Qabto Hase ahaatee reerkii ayaa ka diiday waxaanay ku yidhaahdeen (Maryan) oo ah Ruux dumara oo ayeeyo u ah   caruurta xaaska reerka ka maqan ayaa tegaysa markaa iyadaa ka wardoonaysa ee aan sugno, dabcan reerka cid ayaanu isugu xiganaa oo ninkan abtiga loo yahay ayaa loo baqanayay.

 

Hadaba maryan markay mudo maqnayd ee aanay soo noqon waxwarana aanu waynay ayuu go'aansaday inaanu xagaa iyo Hargeysa u kacno si aanu dadkii wax nool iyo wax dhintay uga war helno.
 
Halkan waxa kabilaabmaya socodkayagii Higlada Ilaa cadaadley  oo ah halka ugu danbayn marxuumku ku geeriyoon doono anagoon dadkii raq iyo ruuxtoona hayn iyaguna badh aynoo waydaarteen halkaanu ka soo babaxnay qolana Barbara ku noqday.

 

Waxaanu ka ambabaxney salaad hore reerkii waxaana reerkii nalaga raaciyey Inan(Wiil) dhalinyaro ah oo aad u garanaya jidka maadaama aanaan garanayn meesha ugu haboon ee hargeysa loo maro,  si fiican ayuu noo soo waday ilaa aanu soo gaadhnay meesha la yidhaahdo maygaagaa oo aanu habeeno u dhaxnay,  halkaa waxa jooga dad badan oo ka soo barakacay Hargeysa.

 

Waxa aanu bilawnay baafin bal in dadkii aanu doonaynay dadkan ay la socdeen iyo in ay wali Hargeysa ku danbeeyaan cid noo garata waanu waynay,  hore ayuunu socodkii u sii wadnay waxaanu markaa
beegsanaynaa meel aanu Hargeysa ka galno maadaama dhulka inta badan ay joogaan ciidamadii Faqashta iyo dad ay hubeeyeen oo deganaa qaxoontayadii biyo xidheenka iyo adhicadays kuwaas oo marmar kusoo duula dadkan soo barakacay, maalintaa aanu soo gaadhnay meeshan la yidhaa may-gaagta ayaanu la kulanay dagaal shaalay ka dhacay meeshaa markaa dadku wuu yara baqanayaa, anagu waxaanu u soconaaa inaanu hargeysa galno dadkii aya yidhi maanta iska jooga ninkii aan la socday ayaa goaansaday in aanu socodkayaga sii wadano inankii nala socday,  halkaa ayuu naga hadhay oo xaggii reerka ayey hawli kajirtay oo abaar, raashin xumo iyo biyo laaan ayaa jirtay, hase yeeshee bedelkiisii waxaanu helnay qolooyin degaanka maygaagta ah oo doonaya inay u safranaan xaggaa iyo hargeysa dadka rashin xumo iyo abaar ayaa haya, markaa hargeysa waxa laga soo galaa wado lugeed ka soo bilaabanta meesha la yidhaa carmaale dhinaca barrina halkiiloomitir ayey u maraysaa Halayo oo hargeysa u dhaw dabadeedna habeenkii 2 ilaa 3 habeenimo ayaa laga talaabaa waayo waxa laga baqanayaa ciidamada faqashta oo halkaa ka dhawaa iyo kuwii qaxoontiyada ee biyo xidheenka, marka laga talaabo wadada waxa loo gudbaa dhinaca naaso hablood oo ciidanka SNM difaaciisa hore joogo.


hadaba way ogaayeen ciidamada jooga biyo xidheenku in wadadan la maro markaa maalintii iyaga joogi jiray habeenkiina miino lugeed ayey galin jireen si ay wax u yeesho dadka talaabaya, habeenkaa aanu
ku soo beeganay waxaanu la kulanay gabadh ay miinadaasi luga gosay oo intay meel isku qarisay markay na aragtay in aanaan ahayn cadaw ayey nala hadashay iyadoo cod daciifa noogu yeedhaysa  waxana diday markay arkeen dameerihii iyo awrtii safarku watay laba qori ayuu safarku sitaa oo ugu talo galay in laysku difaco markii hore lama fahmin oo qofba meel ayuu u cararay iyadoo la moodayo in  ciidankii faq-qashtu na helay, mardanbe oo inamadii qoryaha sitay oo meel agteeda ku dhufays qaatay ayaa gartey in ay gabadhtahay waanay yaqaaneen in meesha dadka miinada dabinka ahi kula kacdo, intanuu soo wada noqonay ayanu gabdhii soo qaadnay go,aan anigu sitay ayaba la huwiyey waxoogaa biyo ahna wanu siinay dameerihii mid ka mida ayanu ku soo qaadnay ilaa aanu soo gaadhsiinay ciidankii SNM ee daganaa Naasa hablood, halkaas ayaanu subaxii markuu waagu baryey kaga tagnay oo ay daawo ka heshay, anagu socodkayagii ayaanu sii wadanay dad badan ayaa degenaa naaso hablood oo ka soo cararay dagalada xooga badan ee magaalada ka soconayaa inkastoo madaafiicdu soo gaadhayso.

 

Waxaanu bilawnay baafin bal dadkaanu doonayno in ay kuwan ku jiraan iyo in kale nasiib daro maanaan helin, waanu ka tagnay ilaa aanu gadhnay xaafada daami ee magaalada hargeysa, waxaanu markaa go,aan ku gaadhnay inaanu talawno dhinacaa iyo xaafadii Ex-g/samo oo xaafadayadu ahayd oo reerka aanu u tuhmayno, nasiibdaro markaanu soo gaadhnay kaalinta ina Galan ama (Galan Patrol station) ayaa halkaa waxa ku soo jira safka hore ee ciidanka Faqashta markaa way nagu adkaatay inaanu talawno,ilaa duhurnimadii ayaanu aagaa iska joognay markii danbe ayuu ninkaan la socday go'aan kale qaatay wuxuu yidhi dadkii Xagan iyo biya shiinaha ama geed deeble ayey kolay u soo kaceen ee aan xagan ka hubsano hadana halkaas ayaanu socdkale ka bilawnay anagoo u socona dhinaca biyo shiinaha
iyo geed deeble oo badi dadka reer hargeysa u qaxeen maadaama ciidamadii SNM halkaa haystaan.

 

La soco qaybta danbe iyo waxaanu kala kulmidoono dadkii aan raadinaynay raq iyo quux meel ay jiraan.

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji webmaster@sdwo.com

Waxaan u soo Joogay

Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE