markii aanu sagaal habeen u hoyanay xaruntii Hangashta ayaa maalintii tobnaad nalagu yidhi soo baxa waxa debada nagu sugaya gaadhi yar oo Xaajiyada Laba nin oo qoryo sita ayaa saaran waxay yidhaahdeen gaadhigan fuula gaadhigii ayaanu fuulnay wuxuu noola dhaqaaqay dhinaca jeelka barbara anaguse meel nalagu wado ma fahmayno,runtii cabsi ayaa nala soo daristay oo markasta waxaanu ka fakaraynaa in maanta uu dhamaaday waqtigayagu,inyar hadaanu soconay ayuu gaadhigii is hortaagay jeelka wayn ee bar bara Albaabkii ayaa nalaga firay xafiisyadu waxay ku yaalaan Gudaha waxanu hore u soo galnay jeelkii meel aan ka fogayn Xafiiska Taliyaha Jeelka ayaa nala Joojiyay waxa na wada oo Taliyihii u Tagay Ninkii haystay Xafiiska Hangashata oo waraaqo ayuu na daba sidaa mudo ayaa la wada hadlay laakiin ma garanayno waxa lagu wada hadlay in yar hadaanu jooganay ayaa loo yeedhay Arasaynkii Jeelka Waa Nin Barbara Caan ka ahaa Oo la Odhan Jiray (Ina Cali wasaaye)
Ninkii ayaa nalagu wareejiyey intuu na kexeeyey ayuu Naga furay albaabkale, oo markaa Albaab wayn oo guud ayey leeyihiin Guryaha Maxaabiistu u hoyato wuxuu u yeedhay Sadex nin oo ninba aqal maxaabiisi ku xidhantahay masuul ka ah(Dirays Madoobe)mid ka mida ayaa laygu daray Waa kulayl Magaaladu maxaabiista oo dhami way Feedho qawan yihiin anigu waligay ma arag Jeel iyo maxaabiis tiradan leeg markaa waan yabanahay oo wax badan ayey Naftaydu is waydiinaysaa waxa lay geeyey maqsin yar oo Kusheeno loogu talo galay hase ahaatee markuu jeelku qaadi waayey dadka lagu soo xidhay ayaa loo isticmaalay in maxaabiista lagu xidho,waa Sadex mitir oo isku wareega waxa ku jira ilaa 10 nin markii gudihii aan soo galay ayey maxaabiistii igu soo urureen oo su'aalo ila boobeen aad ayey u badan yihiin Maxamiistu 500 oo baxbuus way ka badanyihiin,waxa kamida Sarakiil ka shaqayn jirtay Hawlaha Maraakiibta barbara oo uu ka mid ahaa
nin Barbara siwayn looga yaqaanay oo la odhan jiray(Ina C/lahi raajac),Askar badan, Tagsiilayaashii barbara, dad magaalada sheekh laga keenay,maxaabiistii hore ee danbiyada caadiga ah u xidhnayd iyo Qaar laga soo Masaafuriyey Dalka sacuudiga oo markii barbara markabku keenay ayaa la geeyay Xafiiska Hangashta
Halkaas ayaa lagu kala soocay wixii la sii dayey ee qabaailkooda la gartay mooyaane wixii kale waxna waa la dilay waxna jeelka ayaan ugu tagay kuwa la dilay waxa lagu Laayey oo la geeyey Eriboodhka barbara dad badan oo reer barbara oo la waayey aya la aminsanyahay in halkaa lagu Laayey oo ay ku Xabaalan yihiin in kastoo aan la garanayn Goobta halkay tahay, marka maxaabiistu waxay leeyihiin inankan yar xagee laga keenay maxaa lagu soo xidhay anigu markan wax yara fahmay ee aan lahjadii dadka gartay ee ay kalsooni i siiyeen ee ay yidhaahdeen ha baqane noo waran ayaan u waramay dadka suaalaha i waydiinay waxa ka mida wiil dhalinyaro ah oo ka mida askarta la soo xidhay oo la yidhaa(Axmed Cawil)waxa Adeer u ah ninkii aanu Ilmaabtiga ahayn ee Cadaadley Lagu Dilay hase ahaatee i garan maayo Mudo hore ayaa isgu kaaya danbeysay Diif Xumina way igu Dhacday inyar hadaan joogay ayaan la hadlay oon ku idha Miyanad ina Cawil ahayn wuu igu soo dhawaaday markaasuu i gartay Wuxuu yidhi ninkan la Dilay Ma(Ma Axmed Xirsi yoohiyaa) haa baan ugu jawaabay,habeenkii halkii ayaan u hoyaday oo gogol ayuu ii keenay wiilkii
Markii waagii baryey sida caadiga jeelka Xaabo raashinka lagu kariyo ayaa loo doonaa markaa Maxabiista danbiyada caadiga u xidhan ayaa doona askarbaana la raaciyaa Dharcad ayey xidhanyihiin oo ma baxsan karan suuqana marmar ayaa la soo mariyaa,kuwaas ayuu wiilkii fariin faray oo ehelkii barbara degenaa uga waramay waxa dhay in Axmed xirsi la dilay aniguna jeelka ku xidhanay,barbara waxa jooga ninka dhintay hooyadii oo Ededay ah oo Hargeysa ka soo noqotay,markii warkii gaadhay ayey u qaadan wayday waayo inankeeda waxa ugu danbaysay Burco maalintuu tagay oo khamiis ahayd jimciina dagaalkii ayaa burco ka qarxay anigana dad aanu ehel ahayn ayaa hawdka hargeysa lay raaciyey markaas waxay la yaabtay waxa isla kaaya soo doontay.
Markii loo sheegay ededay in jeelka lay keenay Inankeediina la dilay(Axmed Xirsi Yoohiye,Ciise Muuse Reer Cabane) ayey u qaadan wayday,markaa waxay doonatay gabadh magaalada dagan ooy garanaysay oo ninkeedu jeelka barbara haysan jiray oo garanaysa ninka jeelka hayta waxay doonaysaa inay indhaheeda igu aragto oo i waraysato,gabadhii ayey soo heshay subax hore ayaa lay yeedhay halka albaabka laga galo jeelka ayaa la fadhiisiyey oo laygu keenay aragii u horeeyey markay i aragtay ayey tidhi waa isagii agteeda ayaan
soo gaadhay iyadoo askartii jeelka qaar ka midi la joogaan,ii waran ayey igu tidhi aniguna sidii wax u dhaceen ayaan uga waramay iyadoo askartu maqlaysa,runtii lagama dareemin wax calool nugayl ah oo waxay ahayd qof aad u calool adag waxaynay arakaysay sida dadku ugu dhimanayeen hargeysa oo ay ka soo noqotay, markaan warka u dhameeyey ayey askartii igu soo celiyeen halkaan ku jiray iyana way iga soo noqotay.
Dhinaca kale ededay oo aanu halkan ku kulanay mooyee ma jirto cid kale oo reerkayaga iga warhaysa mudo laba bilood ah ayaan meel aan jaan iyo cidhib dhigay la ogayn oo lay baafinaayey ededay ayaa warka gaadhsiisay reerka, sidaa ayaan mudo ku dhaw 9 bilood ugu jiray jeelka Barbara,intaan jeelka ku jiray wax dhibaato ah maan arag,markii Ciidanka SNM laga saaray badi magaalooyinka iyo meelihii kale ee ay haysteen 9 biloodna ii dhamaadeen ayaa waxa barbara yimi niman la yidhi waa Maxkamad ciidan waxay dabadeed bilaabeen in ay dadkii jeelka ku xidhnaa ay sii daayaan iyagoo ka qaadanaya lacag dhan qofkiiba 20.000 sh.s
aniga iyo afar 3 nin oo kale ayaa mar la soo wada daayey bishii 4aad 1989kii,markaa dadbadan ayaa jeelka ku hadhsanaa oo aan kaga tagay,markaan mudo yar joogay magaalada ayaa Dumarkii dhalay labadii wiil ee lagu dilay cadaadley maqleen inlay soo daayey kadibna way ii yimaadeen si ay ii waraystaan oo aan u sheego astaamihii inamadooda iyo wixii ay xidhnaayeen ee ay subaxaa isugu danbaysay kala soo ambabaxeen waan u sheegay siday u ekaayeen iyo waxay xidhnaayeenba waxaanay xaqiijiyeen in ay inamadoodii ahaayeen kuwaasi, waayo dad fara badan oo la waayey ayaa magaaladaa cadaadley lagu dilay waata keentay in ay war ii soo doontaan waanay Xaqiiqsadeen .
intaa kadib waxa caadi ku soo noqotay noloshaydii sidaa ayaanay ku dhamaatay sheekadani, runtii qof damiir leh ma aqbali doono in aynu dib isugu soo noqo dadkii dhibaatooyinkaa gaysanayey anigoo ahaa dadka dhibaatada u yar la soo gaadhsiiyey ayey hadana sidaa wax u dhaceen, dad badan ayaa la tafiir gooyey oon cidina maanta ka nolayn oo madafiic iyo Diyaarad lagu xasuuqay .
Dhamaad