SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Waxaan u soo Joogay

Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

Qormada Waxa inoo soo Diyaariyey Guled Cabdi - London

Waxaan u soo joogay wiil dhalinyaro ah oo ku dhintay dhagaxtuurkii 1988 kii lagu sameeyay Keligii taliyahii Siyaad Bare markii uu rabay inuu ka qudbadeeyo garoonkii kubada ee Hargeysa Studiom.  

Dhagaxtuurkii iyo rasaastii ka soo bilaabantay  studiom ka ayaa goor danbe oo cadceed dhac ah soo gaadhay badhtamaha Hargeysa, iyadii oo ardaydii dugsiyadu adeegsanayeen dhagxaan oo ardaydu u tiqiin miskiin caawiye,  iyo fashaqtii oo adeegsanaysay baabuurtii la odhan jiray Baroonka oo ahaa laan kuruusal ama laandaroofal uu qori ku rakibanyahay,  iyo ciidanka lugta oo iyaguna ardayda la daba joogay rasaas aan kala go lahayn oo ku eryanayey.  

Maalintaasi waxay ahayd maalin murugo leh oo magaalada ay hadhaysay sawaxanka rasaasta, magaalada ayaa markiiba noqotay meel cidlo ah oo baabuurtii iyo dadkii caadiga ahaa ba ay ka dareereen waxa isugu soo hadhay oo qudha ardayda oo ay baacsanayaan ciidnaka booliska iyo meliterigii siyaad bare oo adeegsanaya baabuurtaas baroonka ah ee qorigu saarnaa.  

Waxaan u soo joogay wiilkaas oo rasaas uu si toos ah ula beegsaday askari ka tirsan ciidnkii la odhanjiray daraawiishta oo qori faal guray ah sitay, nasiibdaro wiilkan yari kama uu mid ahayn ardayda mudaharaadaysay wuxuu ahaa wiil yar oo reer miya ah oo maalmahaas uun magaalada yimid, ileyn waa waxa aanu horey u arage wiilku wuxuu sas ka qaaday rasaastii xaddhaafka ahayd ee dhacaysay markaas wuxuu ka soo orday meeshii ay ka bixi jireen basaska idaacada taga isagoo rabay inuu u ordo xagaa iyo sikuulkii la odhanjiray Gacanlibaax oo xaafadoodu u dhoweyd, Markuuu ka sii laabayey koonaha sawirle la odhanjiray Faarax Photo oo kuyaalay koonaha Hotelk kii la odhan jiray Bar Jabuuti, ayaa askarigaasi shiishka ka soo saaray Makhayadii la odhanjiray Qaahira agteeda, markiiba yarkii xabadii waxay ka cuskatay madaxa nafna dhulba ulma uusan dhicin.  Wiilkii yaraa markiiba meydkiisibaan la yaacnay waxaanuna geynay gurigoodii oo ahaa xaafadahii inyar uun ka sareeyay Sinamahii Hargeysa.  

Cabaaro 7 Fiidnimo magaaladu waa dhaag waxa dhaqaaqaya malaha waa la wada baqanayaa, waxa aanu dul joognay meydkii oo markii sheekhii maydhilahaa ee habeenkaas quraanka ku akhriyilahaa loo keenay, waxa se aanu hal mar uun ku war helnay gaadhi baroon ah oo ciidan saaranyahay oo gurigii hal mar soo hortistaagay oo laga soo daatay markiiba waxay yidhaahdeen mee meydka meesha yaala, markiiba si islaanimada ka baxsan ayey meydkii lug iyo gacan u soo laalaadiyeen oo baabuurkii xagiisa danbe ay ku tureen,  reerkiina markaas baa ugu wardanbeysay wiilkoodii ka geeriyooday meel lagu aasayna aan dib loo arag, oo reerkiina aanu xataa ku dhicin inay tacsi u sameeyaan wiilkoodaas xaqdarada lagu dilay.  

Dhacdadani waaa mid ka mida uun dhacdoyinkii foosha xumaa ee lagu hayey shacbigii Somaliland .

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE